Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MAAXDII MUQDISHO (MAANSO)

OmarMAAXDII MUQDISHO (MAANSO). Safiir Cumar Idriis ayaa dhawaalahan ku sugnaa caasimadda Muqdisho oo siyaasaddii ay waalatay, dharkana dhigatay. Safiirka oo ah qof aad u garasho fog ayaa waxuu waydiimo adag waydiinayaa Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan siyaasiyiinta xanaaqsan ee wax diidan balse aanan garanayn waxay doonayaan.

Waxaad diidi garannaye
Waxaad dooni maad garan
Haddaad garanse maad heli
Haddey guulba kuu tahey
Inaad gaadhid meeshaas
Inaad tahey garsoor wacan
Garaad kiisu buuxoo
Guddoon kiisu adag yahey
Garashadu u dheertahey
Ii rari gabiib iyo
Meel ay gandidu iyo
Igu cunin gabaarrey
Maxaa garanti ii noqon
Gabadhaad u guuxdee
Anaa guursan aad tari
Ma gaydaa is weydi’i
Midkan cadho gangamayee
Caqliguna gadaal marey
Taladuna gurracantow
Guul wade inaad tahey
Ku gaashaaman gobanimo
Shan ku geesle aan dhigin
Meel cadow ka gaadhaa
Maxaa garanti ii noqon
Haddey gedagedleysoy
Gacal gacan u taagoo
Godka hirig ka siiyiyo
Geesigey mudneyd helin
Sidi gabanki oo kale
Tillaab wali la gabi dhici
Haddaan wada garowsado
Gocoshada dhamaanteed
Inaa adi gargaar tahey
Gaashaanka hanan karo
Gayigana dhamaantiis
Geed hadhac u waaboo
Guul wadar u soo hoyin
Gacaltooyo soo celin
Midnimada u tahey garab
Gumeysiga ku tahey guluf
Maxaa garanti ii noqon.

CUMAR

MUQDISHO

24/5/2014