Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabadha Reerkeeda Ma Guursanayo!!!

1964877_527250630722945_1482306256_nRaxmo iyo qoyskeedu waxay ka soo qaxeen Soomaaliya bilowgii sagaashaneeyadii, rafaad badan kadib waxay soo gaareen Woqooyi Amerika, markaas toban jir bey ahayd, qoyskeedu waxay ka koobnaayeen laba walaalaheed ah iyo hooyadeed, aabaheed wuxu ka mid ahaa dadkii lagu dilay dagaaladii sokeeyey ee koofurta waddanka.

Maanta waa dhawr iyo labaatan jir, joog iyo qurux Ilaahay u dhammeeyey, quruxdeeda hub kama dhigato ee waxay xoogga saartaa in ay xagga wax barashada heer ka gaarto, waxay ka mid tahay ardada dhigata Jaamacad weyn ee magaalada ku taal, dhulka ay jaamacaddu ku fadhidana uu gaarayo ilaa afar km oo afar-geys ah, waa magaalo yar oo wax kasta oo ay magaalo leedahay ba laga helo. Waxay xubin ka tahay ururka dhalin yarada Soomaaliyeed iyo kuwa Afrikada ba, oo u ololeeya in dhallinyaradu ay xoogga saaraan wax barashada, una dooda haddii mid ka mid ah xuquuq ka maqan tahay, maamulka Jaamacadduna aad u tixgeliyo soo jeedintooda. Waxay barataa dembiyada& aqoonta dembiyada (crime & criminology ), oo ay aad u jeceshay furfuridda dembi isku murgey, iyadoo aad u daawata taxanayaasha dembi baarista ee TV-yada laga sii daayo, haddii ay u suurtowdana waxa qorshaheeda ku jira in ay aqoontaas ay baratay ay ummadeeda iyo Soomaaliya wax ugu kordhiso. Inkasta oo ay tahay qof bulsho ah, oo cid kastaba ay isku wanaagsan yihiin, haddana waxay badanaa isla qaxweeyaan Ismaaciil oo isaguna dhigta qaybta sharciga ganacsiga isla Jaamacaddaas, oo badnaa ba ay wax ku wada akhristaan maktabadaha Jaamacadda.

Ismaaciil baa in muddo ah ku fekerayey in uu u soo jeediyo Raxmo in ay dunta isku wada xirtaan, mustaqbalkana aqal wada yagleeshaan. Sidii caadiga ahayd iyagoo maalin shaqo-hoy ka wada shaqeynaya ayaa Ismaaciil wuxu ka codsaday Raxmo in ay berri casho u raacdo, oo uu isagu martiqaadkaas qabo, dhaqanka dhulkaan ayaa ah markii ay dad wada socdaa makhaayadaha tagaan in qof walba kharajkiisa goonni ula baxo.”Wax ba kama qabo” ayey Raxma ugu jawaabtay. Fidkii dambe ayuu Ismaaciil wuxu soo amaahday fatuurad uu lahaa walaalkiis, Raxmo gurigeedii ayuu ugu tagay, waa soo qaaday, iyagoo u sii socda makhaayaddii uu Ismaaciil rabay in ay ka casheeyaan ayey Raxma weydiisay “Xaggee u soconaa Ismaaciilow makhaayadihii aan ka qaxweyn jirnay na dhaafisaye?” “Haddaan ahaan jirnay reero makhaayadaha cunnada fudud(Fast food), maanta meel kale ayaan u soconaa” Ismaaciil baa ugu warceliyey. Markii la yimi makhaayaddii, adeegihii ayaa wuxu fariisayey miis ay laba kursi dhinacyada ka yaalliin, iftiinka makhaayadda u baxayaa wuxu ahaa mid nuxus ah oo u eg kan shamaca, dadka ka cunteynayana codkoodu aad u hooseeyo, sidii iayaga oo isla faqaya oo kale, adeegihii wuxu u keenay liiskii cunnada makhaaydda taal, rooti yaryar iyo biyo.

Intii cunnada loo soo diyaarinayey waxay sii qanqaniinayeen rootigii meesha yiil, waxay ka sheekeysanyeen sheekooyin guud oo waxbarashadooda iyo nolol maalmood kooda aan dhaafsaneyn. Goor meel dhexe la joogo ayaa inta Ismaaciil madaxa xoqoxoqday wuxu yiri” Walaaley in muddo ah ayeynu is niqiin, inkastoo wax gaar ah aaney i noo dhexeyn, runtii Raxmoy, waxan aad u jecleystay dhaqankaaga, aqontaada iyo garaadkaaga sarreeya , in aan isaga soo dhowaano inta aan hadda i su jirno oo aan wadaagno aayaheena ” “Yaa, maxaa tiri?! ” Raxamaa tiri iyadoo yaab muujineysa. “Ma arrintaan ku weydiiyey, ku soo celinteeda ayaa ku raaxeysaneysaa, waa hubaa in aad maqashayey” Ismaaciil baa yiri asagoo dhoolla caddeynaya. Raxmo ayaa tiri: “Maya raaxeysi ma jiree, ee waxay igu noqotay dhakafaar iyo dhabanahays, oo muddadii dheereyd ee aan is niqiin ayaan sidii walaalkay oo kale ii noqotay, oo meel aanan filayn ayaa igaga soo baxday.

Waqtiga aan kaaga jawaabayo su’aashaada ayaan dheereysanayey, illeyn kedis bey igu noqotaye, oo waqti bey u baahan tahay aan kaga jawaabo dhawr sau’aalood oo la is weydiiyo marka dembi la baarayo oo aan dugsiga ka bartay, oo aan sal uga dhigay wixii ila soo gudboonaada noloshayda inaan ka jawaabo, ka hor inta aanan ku dhaqaaqin, su’aalahaas oo ah: Maxaa? Maxay? Goorma? Kuma/Tuma? Xaggee? Iyo Sidee wax u dhaceen?, Aan kuu hormariyee waxan rumeysanahay in aad gayaankay tahay, laakiin ragga Soomaalidu waxay guursadaan reerka gabadhu ay ka soo jeeddo, oo labada qof oo dhallinyarada ahi iskood isuma guursadaan, haddii dhan laga eegana waa wax wanaagsan in labada reer ogaadaan heshiiska guurkooda oo hadhow markii dhibaato ka dhex dhacdo la soo dhex galo oo kii dhibta wada lagu yiraahdo jooji, halka dadkaan aan la deggan nahay ay dhibaato aqal dumis ah ay kala kulmaan furiinka, oo wixii ay muddo soo tacbaayeen lammaanuhu ay maxkamadaha iyo qareemadu kala wareegaan. Dhanka kale oo aan is leeyahay waa dhaliil reeraha is guursanaya, waa midda qabiilka, oo dad Soomaaliyeed loo soocayo reerkooda darteed.

Marka haddii aan tayda kaaga sheekeeyo, awoowahay wuxu ka mid ahaa shaqaale Talyaanigu uu ka keenay Ereteriya oo uu Xamar keenay oo ka mid ahaa shaqaalihiisa, awoowahay ayeeyaday oo Soomaali ah buu guursaday, waxay u dhashay aabahay oo asaguna guursaday hooyaday oo Soomaali ah, sida Soomaalida oo kale ayey Eriteriyaanku qabaa’il leeyihiin, laakiin ma aqaanni, isku mana luro aqoontiisa, oo wax iiga xiran baa ba yar, adiga oo Soomaali iska dhal ahna su’aashaas ayaa ku hor taagan”.

Ismaaciil baa wuxu yiri” Haddii aad dembiga jacaylka baareysid anna qareenkaaga ayaan ahay, oo waa ku soo oogayaa eedeysanahaaas dembiga uu muteytay, waxan kaloo kuu sheegayaa anigu in aanan reer guursaneyn, ee waxan guursanayaa murwo qurxoon oo dabci iyo dad la socod leh, oo garaad badan” Raxmo ayaa waxay tiri” Ma ogtahay dhaqankeena Islaamiga ah in cidda gacanta i sa saartaa ay yihiin ragga labada dhinac, oo heshiiska guurka gaara, oo dumarku sheedda ka daawadaan!” Ismaaciil oo qoslaya ayaa yiri: “ Waa ogahay, oo waa sidaad sheegeysay in reeruhu ay ka war hayaan taakuleynta qoyska cusub ee dhismaya, taas dacwo kama qabtid baan filayaa, haddaase rabto inaad ragga soo dhex farisato, waa la habeyn karaa baan filayaa! Aad baad u mahadsan tahay, ilaa hadda meel fiican bey inoo mareysaa, Allena waxan ka baryayaa in uu ina ku garab galo” “Aamiin Ismaaciilow, waa dhaqankeena, oo wax ba kama qabo” Raxmo ayaa tiri. Isla hebeenkii baa Ismaaciil adeerkiis la socodsiiyey arrimihii isaga iyo Raxmo dhexmaray, adeerkiis oo aqoon yahan dugsiyada sare ee magaalada wax ka dhiga ahaa, haddana nasiib darro aqoon yahanadeenu marka ay qabiil arrintu madaxa la gasho waxay isku maskax yhiin geeljiraha miyiga jooga, wuxu weydiiyey reerkeeda, markuu uu sheegay, wuxu muujiyey walaac uu ka qabo arrintaas, isagoo ku yiri “ Oo mid Soomaali is ka dhal ah ma weyday?!

Ismaaciil ayaa si geesinima leh ku yiri:” Adeer anigu gabadhaan guursanayaa ee tolkeeda ma guursanayo”. Ismaaciil walaalkiis ayaa soo dhex galay oo yiri” Anaa Raxmo aqaan, oo qof nasiib leh ayaa hela, Soomaaliyana ma joognee, adeerow u dhammey wiilka xaajadiisa” Adeer Cabulraxmaan kadib, markuu cabbaar fekeray wuxu yiri: Waa yahay ee gar ba gar baa la tusaaye aan dadkeeda is aragno. Raxmo adeeradeed magaalada ma joogin laakiin abtiyadeed baa Ismaaciil adeerkiis iyo rag kaleba u soo gola fariistay, heshiis iyo is afgarad bey ku dhammaatay, qoyskii cusbaa na halkaas ayaa la isugu duceeyey.

W/Q Maxamad Cabdullaahi Jaamac