Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maansada: Diirnax

bashiir

Tixdan “Diirnax” waa maanso ka hadlaysa  Soomaalida laga celinayo dalka Kenya. Waxay igu dhalatay curinteedu, ka dib markii aarkay qoraallo iyo sheekooyin nuxurkoodu ahaa, in ay sax iyo xaq tahay in Soomaalidu dalkoodu u laabtaan, oo waaba yaabee, maxay u diidayaan in dalkooda loo celsho? Dooddan, weydiintan iyo kuwa kalaba waxa soo bandhigaya ma ahan ajaanib iyo shisheeye, ee waa isla Soomaali, badankood ku nool Galbeedka (Waqooyiga Amerika “Kanada iyo Maraynkanka” iyo Qaaradda Yurub).  Waaba yaabe, siday ugu qanacsan yihiin in ay xaq tahay in Soomaalida dalkooda loogu celsho, iyagu maa u soo laabtaan dalka? Marka anoo dadka Kenya laga celshay u garaabaya, una diirnaxaya, ayaan kuwaa ku diganaya xasuusinaya iyaba inay dhibkan soo mareen.

Tan kale, waxaan ku xusayaa halka shay ee looga cadgoosan karo ama looga aargoosan karo lagula dagaali karo Kenya, oo ah in QAADKA la joojiyo xitaa maalmo kooban, lagana dalbado in ciidankooda ay dalkeenna kala baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan. Maansadu waxay ku billaabatay:

Maansada: Diirnax

Dal hadduu burbura’oo

Dagaal iyo belaayiyo

Dirir iyo colaad iyo

Dibindaabyo laga wado

Dowlad li’i ahaadoo

Ciidan diranna uu jirin

In dadkiisu qaxayaan

Dibaddana u baxayaan

Dayac iyo dhib marayaan

Waa midaan daliil iyo

U baahnayn duruus badan.

 

Sagaal kowdu dabataal (1)

Digtii yeertay waagaa

Dulligii ka daba maray

Dulmigii kacaankee

Uu digtaytar kii falay

Ayaa reebtey Duumada

Dambaaburadii waagii

Ayaa keentey daqarrada.

 

Jabhadkii dayeysnaa

Ee qabiilku soo direy

Daannadiyo dhibkiisii

Dambiguu gelayaa

Qabqablahu ka dooxmo

Daydayguna ka soo baxay.

 

Iyadoo dakaaniyo

Dawakh lagu jiraa weli

Dadku doorbideen qolo

Dabcigoodu fiicnaa

Diinta lagu aqoon jirey

Wadaaddana la duubteen

Ka dar Dibi dhal baa timid

Daacuun ka guuroo

Duf iyo diif ka sii qaad

Intay dacar walaaqaan

Dano gaara fuliyaan

Qarax iyo daryaaniyo

Duhurkii dad ololiyo

Da’yar miino laga dhigey

Darxumiyo dhibaatiyo

Diihaal ma keeneen

Dabinnana ma qooleen

Daaraha intii haray

Durbadii ma dumiyeen

Ma dileen carruurtii

Duqaydii ma laayeen

Dumarkii ma baarteen

Dowladaha deriska ah

Dafka maw garaaceen

Dabadeed ma yaaceen?.

 

Inkastoon dal leenahay

Inkastoon dad weli nahay

Duunyadana muuqiyo

Dusha kaba qurxoon nahay

Dahnigeenna hoosiyo

Dunjigeennu waa bahal

Daahuushka oo kale.

 

Inagays dileynnee

Horta yaa inoo daran?

Inagaa is duminnee

Horta yaa na soo direy?.

 

Deelkiyo ujeeddada

Dulucda aan u soo dego;

Daadguraynta keenyee

Raafkaa dadkeenii

Duhurkii la gurayee

Dalkii loogu soo celin

Diyaaraduhu daabbuli

Iyagoon digniin iyo

Loo dirin afiisaba

Waa midaan dadnimo iyo

Diiwaanka qoran iyo

Aan ku ool dastuurrada

Oon daris wanaag qabin

Libaaxuba nin degay iyo

Kii daayey kala oge

Waa la dagiye Keenyaay

Daynkeenu kugu maqan!

 

Anigoo danyarahoo (2)

Deeq badan lahaynoo

Deris la ah saboolnimo

Dedaal iyo ku jira tacab

Dadka dega Tansaaniya

Dowladdaa Itoobiya

Dani ruuxay keentaba

Weli diiday maan oran.

 

Markii laygu soo dumay

Daafteey la soo degay

Maa colaadin duulnee

Dib u laabta maan oran

Ha soo degina maan oran

Diif iyo ma badin xumo

Ma dagaalin ruuxnaba

Mana docodocayn jirin

Waataan dedaalkay

Intaan karay la duubtee

Daariyo duggaaliyo

Duunyaan isugu daray

Gobannimada duurkiyo

Daleelaha ma taallee

Sinji iyo dir waayee

Dib u fiiri maalmaha

Haku dagan ninkaan ahay

Hays doorin Keenyaay!

 

Dabci xume Uhuuroow

Inaad tahay Digtaatoor

Dilaa qamarjiyoo daran

Dadkiisii gumaadoo

Dambi weyn ka galayoo

HEEG laga dacweeyoo

Eedo ay dul yaallaan

Dunidaa ogsoonoo

Diiwaankaad ku qoran tahay.

 

Haddaan dowlad leen nahay

Ama aan dad jira nahay

Ama daaqad leen nahay

Maan diidno Keeniya

Dan inaan wadaagniyo

Derisnimo dhammaanteen

Inaynaan dalkoodiyo

Tegin degelladoodaba

Iyaguna na daayaan

Degdeg nooga guuraan

Inaan qaadku soo degin

Diyaarado ka soo gelin

Daqliba in laga xiro

Bal ninkay dantiis tahay.

 

Danaaniga Sujuugaba

Waxaa iiga sii daran

Doqonkaa Galbeedkiyo

Dowladaha Yurubiyo

Degan dunida koowaad

Deeq iyo daryeel iyo

Daawiyo aqoonsiyo

Helay degel qurxooniyo

Deegaanno bilicliyo

Dokumiinti lagu maro

Dastuurkooda lagu dhaqo!

 

Dooddaydu waxay tahay

Daaraha shisheeyiyo

Aqallada duggaalka leh

Diinaar ma kaa galay?

Doollar miyaad ku bixisaa

Adi maad diyaarsaday?.

 

Deyn iyo dulsaar iyo

Kumaad degin amaahoo

Adoo diiftu kugu taal

Gaajana la daalqaba

Markii darimmo waaweyn

Iyo dabaq laguu raray

Dammanoow ma moogide

Daltabyadii dorraadiyo

Dalanbaabigaagii

Dacdarradii ma moogide

Kuwa aad ku diganee

Aad daciifsanaysaa

Waa doorki shalay aad

Damac xume ku nooleyd!

 

Igu digan lahaydaa

Ii darnaan lahaydaa

Duruufaha adduunyadu

Hadba waa doc gaaree

Inay dunidu saan iyo

Dariiqaan ku sii socon

Miyaa maanka kaa degay?!

 

Ha degdegin wadaayoow

Yey ku qaadin doqonnimo

Ima dheerid duunyiyo

Darajiyo aqoon iyo

Dabci iyo wanaag iyo

Dariskoo la dhawraa.

 

Qurbajooge dibad iyo

Daafaha adduunyada

Xiisiyiyo dareeniyo

U damqaaya maahiye

Armaa layga daranyoon

Dadka ugu dambeeyaa.

 

Galbeedkaad degteen baa

Dibjirrada la duray iyo

Daroogada ka dhuuqee

Noloshiyo dadnimadii

Waa hore ka degay bay

Dib u soo celshaanoo

Wax dardaranba keenaan!

 

Haygu digannin maantaye

Ninba waa darkiisee

Adigiyo dadnimadaa

Adigiyo damiirkaa.

 

Dhammaad.

09/04/2014

_______________

(1) Waa 1991kii.

(2) Waa Tanzaaniyaankii yimid Xamar, sidii wacnayd ee loo soo dhaweeyey.

_______________

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com