Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Wadahadal mira dhali kara (Qaybta 1-aad)

1239788_625942807427429_507143495_aWaxaynu ku noolnahay duni qofka lagu qiimeeyo muuqaalkiisa kore sida dharka qofku xiran yahay ( Khamiis iyo Cimaamad ama Suudh), habka tinta iyo garku ugu jaran yahay, xirfadda uu qofku ku shaqaysto sida dhakhtar, siyaasi, sheekh..iwm. Muuqaalkaa kore ee aynu wax ku cabbirno waxa uu inoo abuuraa saaxiibo aynu isa siinay oo waxa ay sheegaanba nala saxan yihiin xitaa haddaynaan isku meel aynaan wada joogin iyo dad aynu cadaawad isaga qaadno innaga oon qiimayn qofka aqoontiisa runta ah, wacyigiisa, hab dhaqankiisa iyo dareenkiisa uu aadanaha kale la wadaago.

Tusaale: Haddii aad si weyn ugu jidbaysan tahay dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah ee ka curtay dunida islaamka qarnigii la soo dhaafay, isla markaana aad wax walba ku salaysid hab dhaqanka xarakaatkaa, waxaan shaki ku jirin in aad iska jeclaanaysid dad badan oo aad dusha sare isaga egtihiin. Sidoo kale haddii aad ka xajiimootid hab dhaqanka wadaadadan dambe waxaan iyana shaki ku jirin inaad dad badan dushaa col kala tahay balse ogow dadkaa uun baa isma hurta ah waxaana ka dhaxeeya waxaan si fudud loogu kala tegi karin. Waana dal, diin iyo dhalasho isir.

Haddaan u daadago sababta igu riixday inaan maqaalkan qoro, waxaan maalin dhaweyd beer(Park) lagu nasto ku wada sheekaysanayeyney aniga iyo labo asxaabtayda ka mida. Sheekadayadii ayaa soo jiidatey wadaad aannu dusha iska naqaan. Wadaadku waxa aan ku hadlayno ayuu aad uga naxay, markiisii horana khaanad ayaan ugu jirney waayo kuma jirno asxaabta uu dusha ka caashaqo. Waxaan ka sheekaysanayney mawaadiic xasaasi ah caalamka islaamkana meelo badan looga hadlo. Waa dimoqraadiyadda, calmaaniyadda, xorriyadda fikirka iyo doorashada, xeerka ciqaabta iyo xuquuqda sinnaanta muwaadiniinta rag iyo dumarba. Salaan ka dib waxa uu markii bilaabay wacdi guud iyo dardaaran uu leeyahay dhallinyaroy Ilaahay ka cabsada. Waxa uu yiri waxaa idinka muuqda inaad xambaarsan tihiin afkaartii gaalada, waayahanna waxaa soo badanayey dad nusuusta shaki gelinayey ama diidayeyba si ay fikradaha gaalada ee islaamka lagu burburinayo qiil ugu helaan. Dadka noocaas ah waa ka shar badan yihiin kuwa gaalnimadooda caddaysta waayo murtad xukun cad baa ka yaal, waa uun in qoorta loo dheereeyo! Asxaabtaydii indhahay ka guluc guluc siiyeen.

Mid baa yiri war saw maanta haddaan Soomaaliya joogi lahayn wadaadkan waa noo xiiri lahaa! kii kalaa yiri anigu intaa ka badan ma sii fadhin karee nabadeey. Haddaan kelyo iska baaray waxaan wadaadkii ku iri; Sheekhow Islaamka labadeenna kii u gargaaraya rabbaa oge, bal horta soo fariiso, shaah cab, adoo deggan waxaad qoonsatay noo sheeg waxaase iiga horreeya labadaan arrimood oo caqli( Logic) ku dhisan. Tan hore. Waxaan ku iri ka soo qaad waxaad tahay madaxweyne xukuma dal muslinku ku badan yahay, dad diimo kale rumaysanna oo laga tira badan yahayna waa deggan yihiin. Dadkaas ha kala diin duwanadaane aqlabiyaddoodu waa isku isir waana isku af. Waxaa qarxay dagaal sokeeye.

Inta muslimka ah laftoodu waa dhawr firqo iyo dhawr mad hab. Mad hab walba iyo firqo walbana waxay rabtaa in sida ay diinta u aragto lagu dabbakho dadka dhamaantood si ay iyagu ugu muuqdaan cidda dalkaa leh hogaaminaysana! Mad habaha iyo firqooyinka ka dhex jira muslimiinta ma xasilna oo labadii sheekh ee is qabtaba mid baa dhan u jabaya inkastoo dalladda guud ee islaamka ku wada jiraan. Waa mushkilad maalin walba taagan. Maxaa xal ah ood u haysaa dadkaa? Maxaadse xal u haysaa dadkaa diimaha kale haysta haddii bar tilmaameed laga dhigto iyaga iyo goobahooda cibaadaba iyagoo lagu eedaynayo inay la kala safan yihiin dhinacyada is haya ama caqiidada laga saxayoo loo daliishado ” Islaama ama seeftaa idin taqaan”! Tan labaad raggu markay colloobaan oo dhiig, dhimasho iyo burbur baaha yimaado wixii isku hayey oo la cuskan lahaaba waa qiima beelaan oo waxaa dhacaysa in mid yiraahdo afar iyo tobanka iyo boqolkaba waa aqaan si loo ixtiraamo oo hadalkiisa looga dambeeyo. Midka u jawaabayana yiraa waa haddaan kaa akhristo! Collaaddaas jiilba jiil buu u gudbinayaa, waana sababta abuurta firqooyin tira badan ee maxaa xal ah oo lagu soo af jari karaa? Xilligaas oo kale haddii aad diin cuskatid waxa ay noqon shidaalkii dabka sii holcinayey waayo kitaabku hadli maayo, waxa hadlaya waa rag, waxa is diidanna waa rag.

Gartii la naqaba mid bay maslaxaddiisii ka hor imaanaysaa! Waxaa taa sii dheer culimadu bulshaday ka mid yihiin waxayna la wadaagaan dadka wax badan oo uu dhaqanka ka mid yahay. Iyagoo dhaqanka xeerinaya ayay xuquuq badan oo dumarku lahaayeen aaseen in kastoo ay mar walba doodooda ku daabaan qiil fahamkooda ah oo u bannaynaya. Waxaad aragtaa dulmigaa. Ma dhaqanka ayaad xeerin oo sidaa ayaad wax ku socodsiin mise isbaddal kale baad la imaan? Anoo hadalkii sii wata ayaan ku iri suurtagal ma tahay in aad soo saartid sharci aan si gaar ah ugu hiillineyn diin, mad hab iyo firqo gooni ah ujeedkiisuna yahay in ummaddaas wadajirkeeda, nabadgelyadeeda iyo sharafteeda uu ilaaliyo, iyaga kala ilaaliya iskuna ilaaliya, cadawga bannaankana ka ilaaliya?

Wadaadkii hadduu in door ah aamusnaa igu raac in sidaa la yeeli karo laakiin su’aal ayaan dib ugu celiyey. Sharcigaas aad soo saartay ee ku kooban maaraynta arrimaha dunawiga ah ee aan fara gashanayn qofka caqiidadiisa iyo camalkiisa magacii? marka aad dadka u sheegaysid maxaad dhihi? Waxaan ku iri sharcigaas magac aan secular( calmaani) ahayn looma hayo e ka warran sheekhow! Sheekhii intuu naxay oo uu qayliyey ayuu yiri; Calmaaniyaddu waa gaalnimo, qofkii aaminana waa gaal! Waxaan ku iri sheekhow qofka caqaa’idka( rumaynta jiritaanka Eebbe, Malaa’igta, Rususha, Kutubta, Qiyaamaha, Shaydaan, Jin, Cadaab iyo Janno) iyo cibaadaadka ku xiran sida salaadda, soonka… iwm diida waa gaal aan waxba rumaysnayn, afka qalaadna waxaa lagu dhahaa Atheist ee laakiin qofka shuruucdan u hogaansamay caqiidadiisa iyo camalkiisa waa uu la yimaadaa ee ka warran! Waxa uu yiri waa diintii oo lagu jees jeesayo waana khalad in marka horaba la kala saaro diinteenna iyo dunawigeenna. Waa afkaartii gaalada ee khatarta badbayd oo ahaa in diinta iyo dawladnimada la kala saaro.

Diinteennu waa kaamil way dhammaystiran tahay! Waxaan ku iri siyaasaddu ma arrimo adduun ku taxaluqaa oo is badbadala, wax ku kordhaan waxna ka naaqusmaan mise waa arrimo caqiida ah oo sugan oon waxna lagu dari karin, waxna laga dhimi karin? Saw arrimaha dunawiga nabigu (cs) ruqsa nooma siin oo muusan dhihin xaddiis micnihiisu ahaa ” Idinka ayaa iiga aqoon/xog ogaal badan arrimihiina dunawiga ah”? Sheekhii oo u fahmay inaan ahay nin wareersan oo wax isku qasaya ayaa yiri; war u kaadi, war u kaadi. War xaddiiskani culumadu waxay dhaheen oo uu quseeyaa cilmiga sayniska, arrintuna waxayba ku saabsanayd geedo timir ah oo la isku tallaalayey. Intuu madaxa ruxay ayuu yiri “Bal daya sida nusuusta loo dhalan rogayo, bal day sida indha li’ida ah ee axkaamtii loogu tumanayo”! Hadalkiisaa aad ayaan ugu farxay oo waxaan si deg deg ah ku iri ma hubtaa in sayniska ruqso la inoo siiyey oo xaqaa’iqda saynisku daah furo aynu rumaynayno?.

Warkaas aad iiga hubi waayo dagaal weyn baa ka dhex socda kuwa isu qaba inay diinta difaacayaan iyo sayniska, mana qancaan xaqiiqa kasta oo la tuse e! Waqti dhaw bay ahayd markii culimadu badidood lahaayeen qofkii rumeeya dhulkaa wareegaya ama dayaxaa la tagey waa gaal, muslimiin badan baana rumaysan in gaalo khuraafaad sheegto lana rumayn karin wax aan diintu sheegin! waqti dhaw bay ahayd markii lagu xiiqi jireyay aragtida sharraxda aas aaska iyo cimriga dunida( Big Bang Theory). Heerarka noloshu soo martay (evolution theory) warkiisaba daa! Waxaan iri siyaasadda iyo qaab dhismeedka dawladdu waa arrimo dunawi ah oon aakhiro loo baahan doonin, isbaddal joogta ah baana ku dhaca ee maxaad ku diidaysaa inaan ruqsadaa u isticmaalno?

La soco qaybta dambe

Qore: Burhaan Cali