Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

CALAN BASAASEY

Omar

Hordhac

Bishu waa September sanakuna waa 2003, meeshuna waa Shalanbood oo ay u dhaxeeyo iyada iyo Marka Caddey Minan Aw Cusmaan ama Badweynta Hindiya Barsakh bacaad ah oo aysan bilicdiisa indhuhu ka bogan kareynin, iyada iyo Wabiga Shabeelana Barsakh kaloo cagaaran oo aad u maleysid beerihi Jannada ayaa u dhaxeeyo. London ayaan ka imid 2 todobaad ka hor, Muqdisho ayaan ka nimid Buulo Mareer iyo Golweyn ayaan u soconaa, rag saaxiibadey ah oo qaarkood wasiira ka ah Xukuumadan Ra’iisul Wasaare Cabdul Wali iyo kuwo tii hore ka tirsanaa ayaan isla soconaa, wax kasta oo sharaftii iyo qaranimadii Umadda tusinayo si gaara ayey ii soo jiitaan, mar marna murogo iyo xanuun ayey igu reebaan. Markaan magaalada ka sii baxeyney ayey isheydu qabatey, Shan ku geeslaheenii oo basaasan, baalashu dilaceen, bustu dabooshey, midabkiisina badalmey, oo guri dhis ah ka kor bibanayo, maskaxdeydi wey tagtey waxeyna ku mashquushey Calankii, Intii dhaxda aan ku sii jirney saaxiibdey  sheekadooda lama heysanin, mar marna maba maqleenin waxa ay leeyihiin, mar marna riyo oo kale ayey igu aheyd, tixdan qeybteeda hore ayaan maskax dhaxdeeda ka tiriyey iyadoo saaxiibadey wax I maqlaayo aysan jirin in kastoon hal gaadhi wada saarneyn, su’aashuse waxey tahey maxaa soo nooleeyey 10 sano iyo 4 bilood kadib? Jawaabtu waa: Edna Maxamed ayaa sababteeda leh, markey ii sheegtey iney reer Shalanbood ahaan jirtey, markaasaan calankii soo xasuustey, tixdiina waxna ka badaley dhameys tireyna:

 

Calanyahow basaasee

Kaligii bibanayee

Bustu ay dabooshee

Baalashu dilaaceen

Bacaadkii Markaad iyo

Beerihi Shabeelee

Barwaaqada badnaa iyo

Shalanbood ka Baal togi

Qaranimo u booyee

Boholyowgu uu diley

Anaad ila bah tahayoo

Ku bad baadin maantoo

Beerkeygaan kuu qali

Kugu ladhi badh kiiyoon

Dhiigeyga kuu bixin

Midab kii buluugee

Shanti gees boqreysiyo

Bilicdaadi soo celin

Mid kaad beegsaneysiyo

Cirki aad la baratami

Adigoo Bad baadoo

Ka bogsoodey boogihi

Kuula beegsadeen horey

Budhcaddii Dalkeenee

Magacyada badneydee

Ka bilowdey siinkiyo

Bahalladi shisheeyaan

Cirka kugu bilaayoo

Abidkaa bibaniyood

Kaa ilaalin boodh kiyo

Wax busaaradoo idil

Ama aad basaastaba

Geesigii ku baacshee

Kaa ilaalshey baas kiyo

Inaad ciida baal dhigin

Maalin beylah aad tahey

Bayda soodhka lays darey

Ragu baratamaa yaan

Fuley oo dhan baygagey

Baqo jaanta uu rogey

Sidii haadka baalka leh

Cirka uu u buuboo

Buuraha naf beegsadey

Xalanihi ku bilayee

Xabashida u babac dhigey

Nafta kugu badbaadshaan

Qabrigiisi booqani

Adigoo bibani iyo

Baal dahaba soo sudhi.

 

CUMAR IDRIIS

SWEDEN

4/2/2014