Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MOWQIF (GABEY)

OmarHordhac

Tixdeydii “FARXAD QALBI” waxaan hordheceedii ku sheegey in muragadu iyo farxaddu yihiin hal baal labadiisa bog oo nolosha ka mida, Calikheyr ayaa deeley jaceyla oo dheer tiriyey isagoo igu hal qabsadey, ka dibna Ta’ ayey isku rogtey afar gabyaa oo Calikheyr ku jirana way ka qetb qaateen, Aaminaa mar kale ku soo noqotey oo miin ka gabeydey iyo Caa’isha oo dib ka soo shaneysey, gabeygani Abwaanad Aamina Maxamed ayuu ku hal qabsanayaa laba sababood awgooda: 1- Miin jaceyl ayey ku soo khatintey Silsiladii jaceylka aheyd ee Calikheyr kiciyey, anna bogii kale ee nolosha “MURUGADI” ayaan ka tirinayaa.  2-  Iyo qadarin aad u weyn oo aan ugu hayo Abwaanadda Soomaali nimadeeda awgeed. “MOWQIF” ama meesha aan ka taaganahey, waxuu saaxiib la yahey gabey geygii “GORGOR” iyo kuwo kale oo soo socdo. MOWQIF waxaa igu dhaliyey 26/1/2014 iyo Mowqif la’aanta amaba soo dhaweynta:

Miinleyda maansada marbey, muxubo kaa keeni

Marna waa mariid iyo sunoo,  murugo kaa keentey

Aaminooy hadaad miinka hore, nala macneyneysey

Ood Muxubaduu Cali u qabey, Duniyo Maareysey

Anna maanta aan rogo mar kale, baalki murugeede

Oon mowqif keygana bal sugo, layga mohonaayey

Ummad meydhaqeedii go’aan, miiq ku toloyaaye

Tagoogihi marooraan u togi , say u mudataaye

Qaranimo mug weynoo markale, lagu macaashaaye

Kuwa maanta aan dhalan ayaan, cashir u meeriniye

Inii magaci Soomaaliyeed, meel xun lagu tuurey

Madaxdeedi ay gadatayoo, nacab u meersheene

Maamuladi qabiilkey mar kale, wadar u meel marine

Jigjigoo munaasabad yarey, meher ku dhiib teene

Mingistey u wada meydhanooy, kala maseyraane

Miyirkoodu wuu tagi midnimo, meeshi lagu sheego

Magacyada bilaashkiyo markii, reero lagu meerto

Maamullaada markii ay maqlaan, way mashxaradaane

Ma mutaan xornimo duulalkii, meel xun loo wadaye

Aaminooy miyaad maqal wixii, milicda ii diidey

Oo guriga maalmahan idhigey, murugo awgeeda

Midigteydi ragaan moodayuu, cadow ku maan guurey

Oon maanta kala maagannaa, talo mideys neyne

Haddii ayn maqaam sare tageyn, midigta ay qaadin

Iney maya dhahaan baan ka rabey, maalin duhur keede

Marxabeyn iney ugu daraan, maanaan filaneynin

Ku meel gaadh markii laga baxee, laabtu mohaneysey

Dowlad nimo maqaam sare lahoo, magaci soo celiso

Inaan maanta maansadan tirshaa, maanan filaneynin

Qalbigey gaan madadaalin jirey, maalmihii horaye

Maqaawiir ragaa madaxi tagey, meel xun mudan meyso

Ha yeeshee markaan milicsadoon, meel kastaba eegey

Mowlahaan ku dhaartaye ma arag, waxaan is moodsiiyey

Mahadhada aduunyada mar bey, miina kuu dhigiye

Oo miciin la’aan ay ku badi, murugo kuu saarin

Anigana middaa soo kalaa, maanta ii timide

Inuu muruqu uu liito oo, maanku kala jeedo

Ciidan magag leh aanan kicin kareyn, xadaha noo meero

Aniguba ma moogiye marbey, mayadu maal tahaye

Inaan marada sii dhigano waa, mahadho ceebeede

Mabda’aada waa loo dhintaa, malintii mudane

Iney maya xitaa dhihi karey, maanaan filaneynin

Meertada aduunyada waxey, ila marshey saaba

Xabashaad miciin bidi marnaba, maanka maan galine

Raggi mariyey mudankey laheyd, madashi loo diidye

Miisaan yaraan maalin helin, sharaf mudnaan tiise

Cumar iyo Mahdaa meeri yoon, meelna lagu sheegin

Muqdishey ku dhuu dhuumanoy, magan ka raadshaane

Muruq-gaab Gabraa kaga dhax mudan, kaga maqaam roone

Maatidey dhaleen maba arkaan, muluq yadoodiiye

Kolba meel ayaa laga kacshaa, midig la’aan teede

Nin mujaahid oo idil wakaas, muuno laga dhaarshey

Midkii nool warkiisaba ma jiro, meel kasta uu joogo

Maataduu midkii dhaley dhintaan, meelna lagu sheegin

Inkastoy mallaaladu bateen, beenta malabeeya

Anigaan maqaar saar aqbalin, layna madadaalin

Ama aan madiidini mar noqon, cadow ku maan guuro

Malaayiin dadkeygana ka mida, mahadi ay gaadhey

Ku mideysan iney maya dhahaan, sidi Maxaakiimti

Oy cashir u meershaan mar kale, muruqyo gaabtiiye

Madasheydi geerida intuun,  mowdku I haleelin

Waligey mayaan kugu hor odhan, meel kasta oon joogo

Waligey qabiil uma mitidin, maalin galab teede

Qaran nimaan u meeraa midnimo, sharaf ku miisaaman

Miinshaar haddii laygu shaqo, shililba meel aado

Kama tago shantii maalin qudha, magac kastood sheegto

 

CUMAR

SWEDEN

31/1/2014