Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

GORGOR (GABEY)

OmarHordhac

Xaaladda uu dalkeenu marayo wey xanuun badan tahey, qof kastoo damiir kiisa wadaninimo noolyaheyna wuu la murugooni, waxa uu arkaayo ama maqlayana waxay qalbigiisa kaga tagi tiiraanyo xanuun tiira dheer wadato. Gabayganna muragadaa iyo xanuunkaasi qaybo ka mida ayuu cabbirayaa, iyo halkaan ka taaganahey ama aan u arko iney haboon tahey in laga istaago.

Gorgorkaa hawada gooshayee
Geed la’baan ahaye
Gabal gabal dalkaa laga dhigiyo
Xera gabaadiira
Marki uu cindiga iga galey
Laabtu galacyoone
Waa gobalki reer hebel ayey
Iga horgeeyaane
Gogol kuuma taalee ka guro
Horey u sii guure
Reer hebel hadaad soo galeyn
Geed kumaad lihide
Qaranimo gondaha laga jariyo
Geeri kulul weeye
Wadhaf bayla gaadaan
Markaan baalka soo godaye
Geed aan gashiin ugu baryaa
Gabiba lay diidye
Gayigii qabiil loo qoqobo
Gacalna loo diido
In gumeysi soo gali miyuun
Maanku garaneynin
Golis iyo waaxa layga jarey
Daallo guradeeda
Geedihi Shabeeliyo Jubey
Gudun ku xiireene
Goodir iyo dalkii lagama helo
Goroyo suul dheere
Gees dheerihii ina biciid
Geedi ka hayaanye
Garanuugti iyo lagama helo
Midabyo giir dhoole
Gucumaale aarbaa yaroo
Sii gabaad saniye
Shinbirihi giir giirnaa giddood
Geedki lala waaye
Dalal kaley u guureen wallee
Gabi ahaantoode
Intaasoo is garab roori baa
Reerihii galaye
Qabiilbaa xumaan gaaxsadoo
Qaranki gow racaye
Gaashaan buur ayey wada galeen
Cadowyo gaan badane
Aniguna inaan guluf la galo
Waan go’aan sadaye
Inkastoy garowshadu yartahey
Garasho ay liicdey
Anuu Eebehey igu galladey
Inaan ka giirtaaye
Midnimaan u gogol xaadhiyo
Sharaf ma guuraana
Iyaguna god bey igu wadaan
Xero gumeyseede
Gurbaan ceeba bey dooyaan
Garab inaan saarto
Aniguna waqey laygama gadin
Xumaan la gaaf gaafey
Geeridu anay ila gorfeyn
Geesna kama laabto
Gabigeedba Soomaali baan
Guudka ka ilaalin
Anigey hal gabal ii tahoon
Goballo aan sheegin
Gaashaan biraan uga noqdaa
Cadowga soo gaadi
Anaa lay gardaadiyey inaan
Gooha ka ilaalsho
Shan ku geesle anigaa gayoon
Cadow u geyneynin
Anigaan guntiiniyo ka tolin
Calalo giir giiran
Anigaan gebraaricin walow
Gacanta lay gooyo
Gumeysiga anaa diidayoon
Gogol u xaadheynin
Gabdhaheygu anigey gablamin
Galow la ooyeynin
Inkastoy galaalyaco darteed
Uurku gubanaayo
Ilmo gobo’ masiiyaan hadduu
Geesigood Go’ye
Asey madax ma gaartaan waqood
Geeri dabadeede
Guudkey fidhaa waa baryabo
Mana garoobeyso
Murugadi gogeedaa kashaa
Noolal kama geyso
Geesi bay barbaarini midkuu
Gumacu soo reebey
Hadal aan ka gu’in bay ku odhan
Abid garaad kiisa
Geesigaan dhalow maqal adaan
Kuu gardaadiyaye
Geesaha dalkoo idil aduu
Guulle kugu aadshey
Guntin weeye aan kala go’eyn
Abid u gaashaamo
Gaadh haye adaan kaaga dhigey
Goosan ka ilaali
Ama cadow inuu guulo oo
Lana gumeys taaba
Geeridu waqaa yey ku dhibin
Geesi baa tahaye
Gocosada sideedaad u dhalan
Gaasir noqon maysid
Geed aan ingaginoo midhaha
Laga gurtaa tahaye
Giddigeedba Soomaali baad
Hoy u gogoshaaye
Waligaa ha gaagixin inaad
Hooya gacan taagto
Gumeysiga kuwaa daba gucleyn
Garasho ay seegtey
Gaashaan inaad uga tahaan
Kugu gardaadiyaye
Ku hogaami guulaha uduu
Guulle kugu dhaafey.

Cumar Idris

Muqdisho

4/01/2014