Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maansada: Calaf

aminaMaalin maalmaha kamid ah ayaa qof asxaabtayda Facebook-gga kamida wuxuu na weydiiyey su,aal da,weyn oo madaxa daalinaysa, wuxuu yiri “haduu guurku calaf yahay caashaqu muxuu yahay”. Markii aan ka yare fikiray jawaab toos ahna igu yare cuslaatay, waxay ila muuqatay in aan Su,aasha u yare qurxiyo una soo bandhigo khuburada jacaylka iyo inta waayo-araga ah bal in walaalkaas xanuunka ku dhacayna lala dareemo jawaab qancisana loola doon doono…Waxaana waydiintaa ku maamuusay tix aan ugu magac daray “Calaf” waana tane ila aqriya:

Ruuxuu caashaq kuu galay,
Cindiga aad ka jeceshahay ,
Isagana caddaan tahay
Calmashada u kuu qabo.
Inaad nolol cudoon iyo
Gogoshii carfoonayd
Caano wada wadaagtan
Haamaha u culateen,
Calaf weeye guurkuye ,
Candhuuftaada dib u celi
Miyey kuu cutamaysaa
Haduu guurku calaf yahy,
Caashaqu muxuu yahay.
+++++++++++++++++
Cadradii qarniga uu
Dookhu calanka kuu suray,
Farxad inaad ku ceeshtaan,
Caruuro aad ku korisaan,
Cizi iyo wanaagiyo,
Caruus farax leh,iyo guul,
Haamaha u culateen,
Calaf weeye guurkuye
Canduuftaada dib u celi,
Miyeey kuu cutamaysaa
Haduu guurku calaf yahay.
Caahaqu muxuu yahay.
+++++++++++++++
Murwadaan calmaday e
Dookhu ii cimaamaday,
Gabadhaan codkeediyo,
Afkaarteeda la cajabay,
Cadradaan tin iyo cirib,
Dhan walbaba ka caashaqay,
Midii Caadil qurux iyo ,
Ku cazumay dhag iyo magac,
Nin kalaa caruusoo,
Calaf kuuma uu galin,
Miyey kuu cutamaysaa ,
Haduu guurku calaf yahay,
Caashaqu muxuu yahay,
+++++++++++++++

Culimada jacaylkiyo
Inta Caadil siiyee
Caqliga looga dhigay ehel,
Su,aal igu cuslaatiyo,
Arrin iga cajabiyoo ,
I calool xumeeyo,
Igu ciiray weeyee,
Hadduu guurku calaf yahay ,
Caashaqu muxuu yahay ?

++++++++++++++++

Waxaa tiriyay Aamino Maxammed (Carkoow)

e-mailkeeda waa: amiinos@hotmail.co.uk