Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faa’idooyinka Xanta!

OawseyWax yaabaha ugu horreeya ee ilmaha si dadban ama si toos ah loogu sheego waxaa ka mid ah xumaanta xanta ay leedahay . Waa arrin wanaagsan in caruurta la baro dhibaatada laga dhaxli karo in laga qayb qaato  warar aan sal iyo raad midna lahayn. In kastoo caruurta lagu barbaariyo xan nacayb, hadana waxay ku baraarugaan bulshada  qaybaheeda kala duwan oo ku  mashquulsan xan xawaare sare ku socota. Sidoo kale  qof kasta oo fakeraya wuxuu is weydiidyaa  sababta dadka ku bixisa in ay warar ku tiri ku teen ah ay waqti qaali ah ku lumiyaan.  Qoraalkan kooban wuxuu aqristaha ku ogaan doonaaa sababta ka danbeysa in bulshadu is xamato iyo faa’idooyinka  ay bulshada u leedahay in dhabarka la iska qaniino ayadoo qofba qofka kale ka hal abuuro sheeko been ah oo wanaag iyo xumaanba yeelan karta. Qoraalka waxaan u cuskan doonnaa daraasad cilmi ah oo xanta laga sameeyay qarnigii dhamaadey bartamihiisa.

Diimaha kala duwan dhamaantood waxay bandow ku soo rogeen warxumo-tashiilnimada. Tusaale ahaaan diinta Islaamka waxay ku tilmaamtay xanta in ay la mid tahay adigoo cunay hilibka walaalkaa oo mayd ah.Aad bay culumadeena barakaysan iskugu mashquuliyeen in dadka ay ka wacdiyaan xanta. Lama qiyaasi karo muxaadarooyinka lagu bahdilay ragga iyo dumarka  afka ka falan ee danahooda ku seegay in ay qof kale ku mashquulaan. Sidoo kale cilmi-nafsiga, wuxuu ka dayriyay caafimaadka maskaxda qofka ku foogan wararka ban ka abuurka ah. Buuggii  The psychology of rumor (1974) ee ay qoreen Gordon Allport iyo Leo Postman ayaa ahaa daraasaddii ugu horreesay ee cilmi nafsi ah oo ka dayrisa caafimaadka dadka ku mashquulsan wararka  kutiri-kuteenta ah. Si kasta oo dadka loo wacdiyo ama caafimaadka maskaxdooda looga dayriyo, xawaaraha  ay ku socoto xanta waa sii korortaa. Waana midda keentay in la isweydiiyo faa’idada xanta u leedahay bulshada mar haddii laga quustay  wacdigii diiniga ahaa iyo talooyinkii culumada nafsiga.

Cilmiga-bulshada “Sociology”, aya isku dayay in uu soo bandhigo waxtarka ay xanta  u leedahay  bulshada. Ninkii ugu horeeyay ee si cilmi ah ugu kuur galay waxtarka wararka ban ka abuurka  ah wuxuu ahaa mudane Tamotsu Shibutani asagoo daraasaddisa u bixiay “ The improvised News: Sociological Study of Rumor”.  Sanadkii 1966 ayuu mudane Shibutani  ku baraarugay faa’idada guud ee xanta u leedahay bulshada mar uu joogay xarun u gaar ah bulshada reer Jaban ee haysta dhalashada America. Mudane Shibutani wuxuu cilmi baaristiisii  wararka ku tiri ku-teenta ah ku soo koobay sidan: marwalba oo ay adkaato in xog dhab ah laga helo arrin markaas taagan, xubnaha bulshada waxay hal-abuuraan warar mala-waal ah si ay u xalliyaan xog la’aanta ka haysata arrimaha ugubka ah ee ku soo biiray deegaanka. Marwalba oo ay jirto xaalad jahawareer iyo dhibaato wadata, xubnaha bulshada waxay madadaalo iyo warar xiiso leh ka helaan noocyada kala duwan ee xanta. Waqtiyada ay xaaladuhu cakirmaan, xanta waxay noqotaa mid dadka isku soo jiida oo wada jirkooda gacan ka geesata.Inta xantu socoto, dadku waxay u qaybsamaan: kooxo fariinta xanta gudbiya, kuwa fasira, kooxo kale oo ka soo horjeesta iyo kuwo go’aan ku qaata fariinta ay xantu gudbineyso

Si aan u fahamno qodobada uu mudane Shibutani ku doodayo, waxaa fiican in aan qodob walba ku lifaaqno  xan tusaale  ah. Siyaasadda ka socota caasimaddii hore ee Soomaaliya “ Muqdisho” waxay dalka galisay jahawareer iyo dhibaato ugub ah. Dadka Soomaaliyeed xog dhab ah kama hayaan cidda sida rasmiha ah u hagta siyaasadda dawladda federaalka ah. Si loo xalliyo xog la’aantaas , xubno bulshada ka tirsan ayaa waxay allifeen sheeko xan ah oo yaab leh oo ku saabsan cidda sida rasmiga ah siyaasadda wadanka u hogaamisa.  Si xog la’aanta jirta fasiraad macno leh loogu sameeyo, waxaa madexweynaha dawladda federaalka ah lagu xantay in uu maxbuus u yahay koox diimeed lagu sheegay in ay  la baxeen  “ Dammu Jadiid.” Cid caddeyn karta ma jirto jiritaanka xantan, balse markii la arko sida uu madexweyanaha iskaga  dhoola-caddeeyo marwalba, micno badan ayay xantan sameenaysaa. Haddii la adeegsado xantan, waxaa lagu fasiri karaa dhoola caddeenta joogtada ah ee madaxweynaha in ay tahay qosol gariir uu ku muujinayo maxbuusnimadiisa!

Xaaladaha jahawareerka ah ee la soo gudboonaada bulshooyinka qaar, xantu waxay u noqotaa madadaalo looga nafiso culeyska ay leedahay nolosha cakiran. Tusaale ahaan xanta Soomaaliya ka socota waxay oodda jabsatay wixii ka danbeeyay burburkii dalka. Waxaa wadanka ka bilodway dhaqan cusub oo ah in labo kasta oo Soomaali  ah  oo sheekaysansa in ay qof saddexaad ku mashquulaan. Markii la waayay arrimo kale oo madadaalo laga helo, xanta waxay yeelatay xaraarad aan ka dhicin xallada ay leedahay riwaayad ama sheeko faneed aad u sarreysa.  Dhaqanka noocan ah Soomaalida waxay ula soo hayaameen wadamada galbeedka. Waxaad arkeysaa dumar badan oo  Soomaaliyeed oo muddo ka badan dhowr saac ku xantamaya telefoonnada. Gabdhaha Soomaaliyeed ee qurbaha jooga  kuma qaldana in ay telephonka iyo xanta barkadaan waayo  sida kaliya ee lagu soo barbaariyay ayaa ahayd in wareerka nolosha looga dhuunto madadaalada xanta laga heli karo . Wadaadada dadka wacdiya  waa in ay dumarka Soomaaliyeed u  damqadaan oo aysan wacdigooda ku weerarin gabdhaha  isku dayaya in ay nolosha micno iyo xiiso u yeelaan waqtiyada adag.

Waqtiyada ay xaaladaha cakirmaan xanta waxay noqotaa mid dadka isku soo jiida oo ka shaqeysa midnimadooda inta xantu socoto.  Tusaale ahaan, sanadkii 2006,  caasimaddii hore ee Soomaaliya, “ Muqdisho” waxaa lagu faafiyey xan dadkii magaaladaas ku noolaa mideysay. Xantaas waxay ahayd in qabiilladii magaaladaas laga eryay dhowr iyo toban sanno ka hor ay damacsanyihiin  in markale dib u qabsadaan  Muqdisho ayagoo magac dawladnimo adeegsanaya. Dadkii xantaas faafiyay waxay ahaayeen dad ka cabsanayay in dawladnimadii Sooomaaliya  ay soo laabato. Nasiib wanaag qabiilladii Muqdisho isbaarada u taalley waxay ku midoobeen wax loo bixay midowga maxaakiimta islaamiga ah. Xantaas waxaa laga faa’iday in Muqdisho muddo lix bilood ah ay ka nasato isbaaradii iyo kufsigii dhaqanka ka ahaa.  Nasiib darro qabiilladii muqdisho waxay muddo yar ka dib jihaad lagu hoobtay ku qaadeen dawladdii curdunka ahayd ee dhibka badan laga soo marey sidii loo dhisi lahaa.  Jihaadkii lagu abaabulay xantii ay allifeen niman wax magarato ah, wuxuu sababay in wadanka Soomaaliya uu gacanta u galo wadamo shisheeye ah iyo argagaxiso caalami ah.

Inta xantu socoto, dadku waxay u qaybsamaan: kooxo fariinta xanta gudbiya, kuwa fasira, kooxo kale oo ka soo horjeesta iyo kuwo go’aan ku qaata fariinta ay xantu gudbineyso.  Tusaale ahaan xir aan ka mid ahaa ayaa waxaa lagu faafiyay sheeko xan ah oo aad u xallad badnayd. Xanta waxay ku saabsaneed xirow la sheegay in uu islaamaha xusul baruurta ugaarsado asagoo kaga mashquula  barashada diinta iyo cibaadada ilaahey. Xirtii waxay u qaybsantay qayb xantii faafisay, kuwo ka soo horjeesta iyo qaar badan oo go’aan ku gaarey xantaas la faafiyay. Shiikhii madaxda noo ahaa wuxuu ka mid noqday kooxdii go’aanka ku qaatey fariintii xanta ay gudbineysay. Wuxuu muddo kooban gudahood  eryay xirowgii si uusan u fadareyn  xirta kale ee daacadda u ah barashada diinta. Waxaan ka mid ahaa kooxdii marna faafin jirtay xantaas marna isku dayi jiray in fasiraado ka bixiyaan. Nasiib wanaag muddo kooban gudahood waxaan ogaanney in xirowgii la eryay uu ahaa nin fiqiga diiniga aad ugu xeel dheer, wuxuu ahaa nin sidayada oo kale aan kitaab gaablow ahayn. Sababta ugu weyn ee xirowga saaxiibkeen ah u bartilmaamsanayay islaamaha xusul baruurta ah waxay ahayd in uu u meel daydo guur qudbo siro ah oo uu damacsanaa!

Qoraalkan kooban waxaan ku ogaanney in xanta aysan ahayn caafimaad darro maskaxeed iyo dhaqan xumo diineed. Kaliya xanta waxay ka mid tahay qaab dhismeedka bulsheed ee wararka la iskugu tabiyo. Markii la waayo ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo warar sugan laga helo, bulshadu waxay ku mashquulaan warar ku tiri ku teen ah si ay macno ugu sameeyaan xaaladaha  cakiran. Xanta waxay leedahay cawaaqib xumo weyn haddii go’aan dag-dag ah lagu qaato. Sidoo kale haddii si dagan loo qaada dhigo  oo aanan bandow lagu soo rogin, xantu waxay u gogol xaartaa ogaanshaha wararka runta ah. Haddii aad taariikhda dib u fiirisid, dadka wan-wanaagsan, iyo dhamaan fikradaha wax ku oolka ah waxaa la ogaadey ka dib markii lagu xuurtooday xan nacasnimo ah oo laga faafiyay. Bulshada Soomaaliyeed ee waqtigan joogta waa in ay si dagan uga qayb qaataan xanta socoto ayagoo ku raaxaysanaya madadaalo kasta oo ay ka heli karaan. Waa in aysan  go’aan ku qaadanin fariimaha ay xanta gudbineyso  balse ay  waqti galiyaan si ay u gaaraan runta ka danbeeysa xan walba oo la soo xawilo.

W: Q/ Cabdullaahi M. Cawsey

Somali Think Tank

sthinktank@gmail.com