Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAQAN GEDDOON

jaamacHindidii Ingiriisku ka soo daabulay waddanka Indiya si ay ugu shaqeeyaan oo uu keenay waddanka Guyana ee koofur Amerika, oo ilaa laba boqol oo sano degganaa dhulkaas, baaris aqooneed lagu sameeyey ayaa waxa la ogaaday in dadkaas oo diimo kala duwan lahaa ay muddadii ay degganaayeen dhulkaas ay dhawri jireen dhaqankooda guud ahaan.  Kadib markii ay u soo guureen Woqooyiga Ameerika oo noloshu ay aad uga duwaneyd tii ay hore ugu noolaan jireen, oo waalidkii lab iyo dheddigba shaqo bilaabeen, si ay noloshooda kor ugu qaadaan, ayaa caruurtii cidla’ ku soo dhaceen oo waalidkii u  waayey waqti ay ku baraan dhaqankooda. Halkaasna uu ka bilowday dhaqan geddoon degdeg ah, waxa la yiri  wax badso wax beel bey leedahay, caruurtii waxay lumiyeen diintoodii, afkii iyo hugii dadkoodu ku xarragoon jiray  dhawr kun oo sano ka hor,  marka reer Yurub  ay ku noolaayeen sebinkii dadku dhagaxa adeegsan jiray

Soomaalidu kama duwana ummadahaas in ay ka daran yihiin mooye, oo wa dad si dhaqsa ah uu u saameeynayo isbedelada ay la kulmaan si sahlanna ugu milmaya bulshooyinka ay la deggan yihiin. Bilowgii 90kii markii Soomaalidu qaxa bilowday ayaa waddamada ay degeen waxa ka mid ahaa Woqooyiga Amerika.  Eeddo Faadumo ayaa u soo wareegaty qoys cusub oo Soomaaliyeed, hooyo Hodon waxay af- Ingiriis ugu heeseysay  gabadheeda Idil oo lix bilood jirta hees caruureedkaan :
“Hush little baby don’t say a word;

Mama’s going to buy you a mockingbird;

And if that mockingbird don’t sing;

Mama’s going to buy you a looking glass;

And if that looking glass is broke;

You’ll be the sweetest little baby in town.

………………………………………………………………

Eeddo Faadumo waxay u sheegtay hooyo Hodon in ay jiraan heeso caruureed af-Soomaali ah oo laxan fiican leh, caruurtuna aad ugu raaxeysato marka loo qaado.

Hooyo Hodon waxay tiri: Eeddo  af-Soomaali yaa aduunyada ka yaqaan, ilmahaana meeshaan ayuu ku dhashay oo waa in uu afka waddanka si fiican u barto, heesa caruureedka af-Soomaaliga ahna maba aqaan eeddo.

Eeddo Faadumo: Mandhey innaga oo magaalada wada deggan ayaan haddana cidina iska war hayn, oo dhulkeenii markaan joognay qaraabada ayaa gacan iska siin jirtay caruurta haynteeda iyo kolkoolintooda ba, afka waddankaan lagaga hadlo waxa baraya TVgaan aad daawaneyso iyo hadhow markey dugsiga aaddo, ee afkii dadkeeda yaa baraya?

Waxay yeelanayaan carrab shisheeye, oo adag,  inta ay yaryar yihiin haddaan lagu ababin, marka inta aan ka xusuusto aan kuu sheego heeso caruureedkaas:

-Hooyo ha waayin walaalo dhawr ah, ha waayin wardheere aabbe;

-Hooyo ha waayin wax siiso hooyo, ha waayin intii wax kuu ah;
-Hooyo ha waayin Soomaali weyn e, ha waayin Soomaali weyn e.

-Sidii bilaney bil dhalatay;

-Bil dhalatay oo beeli aragtay;

-Sidii burcad loo basaasay;

-Sidii biyo loo harraaday;
-Bilan loo baahaney waa;

-Boggayga qaboojisow waa.

-Huwaaya huwaaya;

-Hurdadii ku haysay;

-Anna waa I haysaa;

-Hooyo ma joogto;

-Kor iyo koofurey jirtaa;

-Kabaheedii illatay;

-Kabax kabax u soctay;

-Soo socotaana mooyi;

– Sii socotaana mooyi.

Eeddo Faadumo iyadoo irridka ka sii baxaysaa waxay lahayd, eeddo gabadha bar afka dadkeeda, innagu waa tegeynaa iyagaa haraya, yaan dabar go’ nagu dhicin.

Idil markey hal sano jirsatay, aabbe Cusmaan wuxu Buug-dhigaalka (Library) uga soo amaahaday buug la yirahdo (Phonetic alphabet) oo uu ku barayo inantiisa sida xarfuhu afka uga soo baxayaan, si uu carrabkeedu ula qabsado afka Ingiriiska, taas oo uu  dadaal iyo waqti badan ba geliyey, kuna guuleysaty iyada oo ay gacan ka siineyso bulshada uu ku dhex nool yahay. Lix sano markey jirsatay waxay bilowday fasalkii u horeeyey ee dugsiga, waalidkeed oo  hore ugu dadaalay aqoonteeda xagga afka iyo tiradaba, dhibco aad u sarreeya ayey keentay.

Ummado fara badan oo deggan magaalada awgeed ayaa waqtiga sannad dugsiyeedku dhammaado, waxa dugsiyadu bixiyaan casharro lagu baro ardada afafka shisheeye oo uu  ka mid yahay af-Soomaaligu, weliba waxa loo kireeyaa dad ka mid ah kuwa afkaas ku hadla, oo wasaaradda waxbarashadu  kharjkaas bixiso, si marna aaney caruurtu dhaqankooda uga go’in, taas oo ay u arkaan in dhaqanada kala duwan( multiculturalism ) ay yihiin mid siineysa bulshadooda awood dheeraad ah oo ay dadkasta ee dhulka ku nool ay dad ku leeyihiin oo markii iskaashi ganacsi iyo dhaqaale ka dhexeeya waddankaan iyo waddamadaas kale ay u adeegsan karaan dadkooda  ka soo jeeda waddamadaas, waa aragtii dheer.

Soomaalidii caruurtoodii intooda badan  waxay ku qoreen fasalladii af-carabiga lagu baranayey, qoyskeenana reer Cusmaan waxay gabadhoodii ku qoreen Mandarin oo ka mid ah afafka shiinaha, iyagoo aaminsnaa in afka shiinuhu uu adduunyada qabsan doono, nasiib darro barihii Soomaaliga ahaa waa waayey ardo ku filan oo fasalka u fariisata oo uu afka baro, saas darteena wuxu waayey shaqadiisii, oo beeshii Somaaliyeed xattaa waa garan waayeen qof walaalkiin ah baa shaqo ka helaya ee fasalka u buuxiya, iskaba daa u hiilinta afkooda hooyo iyo caruurtooda oo ay baraan afkooda oo ah furaha barashada dhaqankooda.

Warbixin lagu soo qoray wargeyska “National Geographic”, wuxu sheegay in marka la gaaro qarniga 22aad  in ka badan bar afafka dhulka lagaga hadlo  ay libdhayaan ama lumayaan oo gaaraya ilaa 7000  oo af, waxayna la tagayaan hanti aqooneed ku saabsan taariikh, dhaqan iyo tilmaamaha deegaankaas ay ummadahaasi lahaayeen. Af-Soomaaligu waa ka ag dhow yahay afafkaas wargeysku tilmaamay, haddii aanu hiil ka helin dadkiisa.

W/Q Maxamad Cabdullaahi Jaamac