Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maanso Jacayla: Dhaxyar ama Dheeman!!!!!

OmarUstaad Cumar Idriis, oo maalmahaan inaga darduurinaya ilahiisa suugaaneed iyo fakir ayaa waxuu maanta inala wadaagayaa maanso jacayl ah oo aad u qiimo badan. Ustaad Cumar, waxuu horudhac uga dhigay maansada, inuu yiri: ”¬†Waa qiso dhaba aynan beenna ku dheehneyn, dad dhab ahna ku saabsan. Maansadan magaceedu waa: DHAXYAR AMA DHEEMAN”.

 

Maskaxdeyda dhaxdeeda
Mar dhedaa ka tifqeyso,
Marna wey dhididaayoo
Dhibic baa ka da’aysa
Roob dhameys tiran gaadho,
Daadku daafaha dhaafoo
Badda uu ku dharbaaxo,
Dadku ay ka dhargaanoo
Duunyo ay ku dhaqnaato,
Mar anoo dhadhabaayoo
Hurda dheeri’e u baahan
Dhaxdaa layga kacshaa,
Haatuf baa ii dhawaaqoo
Miid jaceyl laga dhaanshuu
Dhegta iigu shubaayoo
Gabey buu idhahaa,

Mar hurdaan dhag dhahaayo
Riyadaa laygu dheelmaa,
Dhab waxaan u maleeyoo
Dhalan teedna ahayn baa
Dhaxda layga dhigaa,
Caashaq baan la dhafraa
Daara dheer u dhisaa,
Miduu Eebe dhalaalshoo
Qurux uu u dhameeyoo
Wax dhigeeda laheyniyo
Dhaxyar baan la dhaxaa,
Markuu waagu dhalaalo
Dhinaceyga jaleecaa
Dhabtu ii dhalataa,
Mar kaasaan is dhahaa
Allow yaa ku dhureeyoo
Riyadii kuu dhabeeyo,

Mar salaada dhaxdeedaa
Riyo laygu dhalshaayoo
Dhabaqdaa ragcaddeydu,
Markii aan is dhaliileen
Dib u dhowrso idhaahdana
Dheeri baan ku daraa,
Markii aan is dhugteen
Is idhaahdo ku dheefi
Dhabaqaadi salaada
Hal sujuuda dhaxdeeda
Dhinac bey ka baxdaa,
Mar dhankeeda u jeesoo
Qibladaadi ka dheehuu
Qalbigeygu dhahaaa,

Inkastoon is dhax yaacey
Shirki aan u dawaadey
Qalbigeyga dhabtiisa
Eebehey kama dhoohna,
Waligey ma dhafraarin
Kufri iima dhawaanin
“Dhaaha” maanan illoobin,
Hayeeshee is dhax yaacan
Jaceyl baygu dhax beeroo
Dhiig mareennada hoosiyo
Dhuuxey guu ku jiraayoo
Waa dhab aan qarineynin,
Middii Eede dhureeyee
U dhamays tirey qiimaha,
Sidii roob la dhacdii iyo
Dheemankii u ekeeyaa
Iyadoo dhab u taagan
Dharka oogu qurxoon iyo
Dahab keedi ku dheehan
dhaxda lay dhigey laabta,
Anna dhaafsani maayo
Wax kastoo lay dhahaaba,
Abidkey ma dhaliilo
Wax dhafoorka xumeeyiyo
Dhibaataan ka ilaalshaa,
Dhabteydaan u goglaayoo
Kursi ooga dhigaa,
Marki ay hurdo dheehdee
U dhawaato sariirtana,
Shaf keygaan u dhigaayoo
Barkin ooga dhigaa,

Haddii aan dhinta maalin
iilka lay dhax dhigaayoo
Dhabab weyna lay saaro,
Aakhiraan dhur sugaayoo
Jaceyl keeda ma dhaafo
Xidhiidh keeda ma dhiibo,
Malag aan dhimaneynoo
Oon u dhiibo farriintaan
Eebehey ka dalbaa.