Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maansada: “Ma daw baa?!”

bashiir
Tixdan gaaban waxaan u baxshay: “Ma daw baa?!”. Waxay xambaarsan tahay digniin iyo caqlicelin ku jawahan inta lagu sameeyey “MAAN MAYRKA” ee loo carbiyey nafti-hallignimo iyo nafaf kale halaagiddeed, waxayna leedahay:
Ma danbaa ma dawbaa
Ma Dintii Ilaah baa
Ma dariiq Rasuul baa
Dad Islaama qarax iyo
Holac iyo dambaaburo
Dab inaad ku qabataa?!
Janno doon haddaa tahay
Docda aad ku socotiyo
Darta aad ku joogtaa
Waa daleelo maran iyo
Dalanbaabi lagu lumo!
Doqon madaxa laga xaday
Aqligiis la daba rogay
Sun Carbeed dabool iyo
Looga dhigay dahaar adag
In la dilo dantiis tahay
Inuu dilo dar Alle tahay
Shahiid duuban uu yahay
Dalaq dhahaya Jannadii
Dawadiisa yaa garan?!Daarta Aakhiraad iyo
Durduurtii Fardawsaad
Dariskiyo xigaalada
Ehelkiyo dullaabtood
Daqar iyo waxyeelliyo
Middi aad ku dooxdaa
Lagu waayey darajee
Ee dacar ha leefine
Iska diid nin kula mida
Inuu madaxa kaa dago
Kugu diro dadkaagiyo
Dalka aad u dhalatiyo
Maamul dawladeed iyo
Askar iyo darays iyo
Waxa dabaq inoo dhisan!Dib u socod ha noqonnine
Ha is dilin walaaloow
Hana dilin qof aadmi ah!
Labadaasi kala daran
Mana lahan mid doorroon!

Dhammaad.
08/11/2013

Bashiir M. Xersi