Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

HAATUFKA QALBIGA

omar idirisCumar Idiris, waa halyay qayb libaax ka soo qaatay dib u yagleelidda iyo soo celinta dowladda Soomaaliya. Waa aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga aadmiga iyo diinta, waxuuna leeyahay hoodo iyo mawhido aftahannimo. Cumar hadda waa safiirka Soomaaliya ee Qatar. Maansadaan horudhac waxuu oga dhigay tiraabtaan “Waa markii ugu horreysey ee aan dareen keyga suugaaneed si guud ula wadaago dadka. Hana u qaadanina inaan abwaan ahey. Waa dareen si lama filaana u billowdey saaka markaan soo toosey, isla markiina aan halkan ku qorey, waxaanan ku magac aabey: Haatufka Qalbiga”.

Cirka oo daruurhu
Daafaha ekeeyeen,
Dhibicduna da’aysoo
Dal maseeye ay tahey
Dhulka dooga lagu dadey
Duunyadu ka dharagtoo
Awrku dooba dhabayoo
Dibiguna dinnaahini
Sidi aarki dooxada
Shimbiruhu damaashaad
Koox koox u duulaan
Heesa daahan tiriyaan
Dagaaladu dhamaadeen
Nabaduna dig soo tiri
Dalka wada ekeysoo
Cid dulmaniba ay jirin
Dalku uu midooboo
Hal dowladi ka talisoo
Ciidamada difaacuna
Xuduudaha dulmeeraan
Cadowgana dabaalaan
Dulligii dhamaadoo
Deegaanki reer hebel iyo
Deel qaafna uu hadhey
Dacallada dal koo idil
Doolaalka baabuur
Deegaan ka xidhan jirin
Dadku nabad ku nool yahey
Kuwa dibadda joogee
Diyaarado ku duulana
Meel walbaba ka soo dagi
Dakaduhu dhismeenoo
Maraakiib da’weyniyo
Doomuhu ku soo xidhan
Dubai aan la’aadey
Da’yartuna iskoollada
Ay u wada dareeraan
Waa walboo dig soo dhaha
Jaamado dal keena ah
Kala dooranaayaan
Wiilbaan dibad u dirayaa
Dabiib buuna soo noqon
Doolar aan la dhiibeyn
Digfeer uu shaqeeyiyo
Kuwa kaloo la da’ihiba
Caafimaad daraadii
Fiisa aan la dooneyn
Dibad aan la aadeyn
Doolar aan la bixineyn
Intaasoo duruusoo
Laabteydu dihatoo
Daaqad layga furey meel
Dadku aynan wada arag
Laygu daalac siiyaan
Daa’inkey ka sugayaa.

Safiir Cumar Idiris