Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Is-qarxinta iyo Sababaheeda

imageIs qarxintu waxay ka jirtaa dhammaan caalamka Muslimiinta ee sunniga ah. Soomaaliya waxay kamid ahayd kuwa ugu danbeeya ee la baray ama la soo gaarsiiyay qaabkaan cusub ee dagaalka.  Marka waa dhib wayn oo caalamka Islaamka badankiisa haysata. Waa arrin u baahan inaan la fududaysan ee si run ah loo waajaho oo wax looga qabto. Halkii dawladaha dhaqaalaha iyo xoogga haysta isku mashquulin lahaayeen inay qirtaan cudurka islamarkaasna daawo u raadiyaan waxay ku mashquuleen fajac, argagax iyo eedayn.

Waxay u muuqataa waqtigaan hadda ah inaan eedayn waxba tarayn muhiimna ahayn. Caalamaka  Muslimiintu wuxuu ku jiraa khatar aad u wayn oo aan horay loo arag; taas oo keeni karta in wax walba oo caalamka Muslimiinta yaala dhammaadaan. Sida  Diinta oo aad u baaba’da, dadka oo le’da, jahliga iyo colaadda oo aad u faafata, dawladaha oo duma.  Marka hadda waxaa haboon in si dhab ah caalamka Muslimiintu u baraarugaan una soo jeestaan sidii ay u daawayn lahaayeen dhibtaan soo food saartay. Waxay u baahantahay in la galiyo balaayiin doolar, waqti, fikrad iyo caqli, isla markaasna si rasmi ah ay uga mid noqoto siyaasadaha dawladaha Muslimiinta ah ee maanta jira.

Is qarxintu waxay xiriir la leedahay ama sababay xaaladda adag ee dhinac walba ah ee caalamka Muslimiintu maanta marayo. Sida siyaasadaha dawladaha jaahwareersan, tacliinta kharriban ee aan ujeedada cad lahayn, jahliga iyo aqoon-darrada aadka u baahday, nolol xumada iyo gaajada, naxariis darada iyo dagaalka joogtada ah. Waxaa intaas dheer  ahaqanka (Thaqaafada) caalamka Muslimiinta ee maanta jira oo aad u dhiirri galinaya dagaalka iyo in wax walba lagu xalliyo xoog iyo kala adkaasho.

Wadcigaas murugsan ee caalamka Muslimiintu maanta ku jiraan waxay ka qayb qaadatay faafidda dhaqanka is-miidaaminta ee hadda jira. Dadka cilmu -nafsiga yaqaan waxay  og yihiin in nafsada bixinteedu ku xiran tahay qiimaheeda. Haddii nafsada qofku ay dhib ku jirto oo aysan waxba haysan, sida cilmiga, raaxada, fikirka fiican, magaca, wax qabadka iyo isla waynida, waxaas oo dhan haddii ay nafsadu waydo waxay nolosha ka doorbidaysaa dhimashada. Taasina waa mid caadi ah oo caalamka oo dhan ogyahay.

Wadamada sancada iyo dhaqaalaha ku hormaray ayaa ugu badan isdilka qofku naftiisa dilayo. 40,000 ayaa lagu qiyaasaa waddamada Jabbaan, Jarlmalka, Maraykanka isku-cel-celis. Kaliya waxaa muslimiinta ku soo kordhay in naftii qiimo beeshay ee nolosha nacday magac iyo taariikh hore ee Muslimiintu lahaayeen lagu raadiyo, oo waliba loogu sii daro marin-habaabin (ta’wiil) diini ah oo oranaya, Alle ayaa kaa abaal marinaya is qarxintaada maxaa yeelay waxaad raadinaysay oo soo celinaysay sharaftii iyo qiimihii Islaamka iyo Muslimiinta.

Marka is qarxinta Muslimiinta ku badatay waxaan oran karnaa waa cudur caam ah oo caalami ah oo loo yaqaan “Depression”  kaas oo keena ‘suicide act’ Kaas oo caadi ahaa ayaa loo rogay, ujeedo iyo hadaf sarreeya oo la xaqiijinayo oo ku saabsan diin, dal, xadaarad iyo Janno iyo Jihaad. Markaas ayuu suuq fiican oo caalami ah isu rogay. Sidaa darteed, waxaad la arkayaa in dadka Muslimiinta ah ee ku nool reer galbeedka ku wooda diinta ku cusub ama xabsiyada ka soo baxay ee rajo la’aantu ku dhacday inay qayb weyn ka yahiin dadka is-midaamiya.

Falka xun ee is- miidaamintu wuxuu ku bilaamay qaab caadifad iyo rafaad ka yimid, haddii haddana marka la xallinayo ama la daawaynayo cudurkaas halista ah lagu qaabilo argagax, layaab, naqdi, nacayb, eedayn iyo wixii la mid ah, arrintu way ka sii daraysaa, xal iyo nabadna lama helaayo. Daawadu waxay ahaan lahayd in si cilmi ah loo baaro cudurka kadibna si cilmi ah daawo loogu soo saaro. Culumada iyo mufikiriinta caalamaka Muslimiinta waxaa ka muuqda caro iyo argagax. Haddii aan warbaahinta, Quraanka, Madaarista, Sucuudiga, fahamka wahaabiga aan eedayno oo aan ku mashquulno inaan galno qolkii nacaybka iyo dagaalka ee ay horay ugu jireen kuwa khaldan ama la khalday maxaan soo kordhinay? Kulligeen waxaan noqonaynaa inaan is qarxino, oo qofba qof isku qarxiyo ama kooxba koox  isku qarxiso. Haddii argagixisadu goobaha caamka ah sida masaajida, hoteellada, garoonada, goobaha madadaalada isku qarxiyaan, kuwa ka soo horjeedana ku dadaalaan naqdinta iyo la dagaalanka diinta Islaamka, Masaajida, madaarista quraanka, wadaadada diinta, maxaa inaga soo haraya? Maxaan soo kordhinay? Maxaan daawaynay? Ummad kasta xilli xilliyada ka mid ah cudur waa soo waajihi karaa, laakiin waxaa loo baahan yahay xikmadii nabi Yuusuf oo kale oo daaweeyay toddoba sano oo abaar iyo gaajo ah. Waa inaan qiranaa cudurkaan halista ah oo inagu habsaday daawo rasmi ahna aan u raadinaa.

Waxaa jiray wakhti taariikhda caalamka kamid ah oo diinta Islaamku wax wayn ku soo kordhisay adduunkaan. Taas oo aysan haysan markaas ummadihii adduunkaan ku noolaa. Waxaa jirtay mabaadi badan oo aad u khayr badan oo Islaamku keenay caalamkaan; xorriyad, caddaalad, sinnaan, is-tixgalin, naxariis, wax-wadaag, casabiyad la’aan, cilmi baarid iyo fikir xor ah, Ilaahyada beenta ah oo laga xoroobo, wax badan oo aan maqaal yar oo kan oo kale ah lagu soo koobi karin ayaa Islaamka adduunka keenay.

Nabi Muxamad (NNk) wuxuu ahaa nabigii farriinta keenay ama lagu soo dajiyay.  Haddii Muslimiintu fashilmeen oo ay ku fashilmeen inay caqligooda isticmaalaan, cilmi keenaan, caadooyinka xunxun ka tagaan ma Islaamka naftiisa ayaa la eedaynayaa? Islaamku ama diintu waa ERAYO kaliya u baahan in lala yimaado caqligii fasiri lahaa oo ka dhigi lahaa wax aadanahu u adeegaya ama wax ku soo kordhinaya.

Islaamku waa oraah, waxaad u baahantahay inaad adigu maamusho, meelayso, fasirto, ka faa’iidaysato, dantaada aduun iyo aakhiraba ku gaarto. Ruuxdaada iyo Diintaada ugu khidmayso.  Haddaba anigu waxaan arkaa fashal wayn oo Muslimiinta ku yimid mar haddii Muslimiintu fashalmeena Islaamkuna waa fashilmayaa,  maxaa yeelay, dadkii isticmaali lahaa ayaa fashalmay.

Haddii aan si kale u dhigo Mabaadi’da Islaamka ku qoran ee mar hore Quraanku inoo sheegay, haddana looqa dhaqmo wadamada reer galbeedka, waa Islaam. Markaas Islaamka wadamada reer galbeedka jooga ma fashalmin ee waa islaam saxda ah, maxaa yeelay dadka isticmaalaya ayaa nool oo aan fashalmin.  Haddii wadamadii iyo bulshooyinkii Muslimiintu fashalmeen, si  toos ah ayaa Islaamkiina u fashalmay. Sidaas daraadeed aan soo celino qof rasmi ah oo xor ah oo si dhab ah u fikiraya. Markaas ayaa fahamkii Islaamka oo fiicnaa soo noqonayaa. Taas waxaan ula-jeedaa, Islaamku waa mabda, midab malaha, deegaan gooni ah ma laha, xuduud malaha, af gooni ah malaha. Ciddii Mabda’ aas qaadata oo ku dhaqanta ayaa Muslimiin ah. Ciddii ama dadkii diida inay qaataan oo ku dhaqmaan way rafaadayaan adduun iyo aakhiraba, sida maanta dadka Muslimiinta ah haysata. Inkasta oo loo fahamo in Islaamku casabiyada iyo af gooni ah ku salaysan yahay haddana waxaa la fahmi karaa in xaqiiqadu sidaas ka duwantahay.

Gabagabada maqaalkaan yar waxaan ka dhigi lahaa, inaan ogaano, in cadawgeenu nafsadeena dhexdeeda ku jiro ee uusan ahayn midka bannaanka kore ka soo duulayay ama ka imaanaya. Cadawga nafsaddeena dhexdeeda ah ayaa ka daran midka aan ka baqayno oo aan had iyo jeer eedda saarno oo aan ka fikirno.  Waxaan Alle ka baryayaa inuu tawfiiqda ina waafajiyo oo caafimaadkii  inoo soo celiyo.

Waad mahadsantihiin.

Sheekh C/raxmaan Jibriil