Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabay Wadani ah (Digasho).

aminaGabaygan waxaan tiriyey 18/01/2010, xilligaa oo Soomaalida madax iyo shacabba aad loogu bahdilay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Waxaa la arkayay hooyooyin iyo caruur lagu argagixiyay guryahooda, oo bannaanka la soo tubay, odayaal Soomaaliyeed, oo iyagoo dharkii jiifka qaba (bijaamo) hodheellada hortooda la safay, xildhibaanno iyo taliyayaashii ciidamadii hore ee qaranka Soomaaliyeed, oo iyagoo kaba la’ la dhaadhicinayo. Ugu danbayn dadkaa waxaa lagu guray, sidii adhigii gawaarida maxaabiista lagu daabbulo. Dullaysiga halkaa ka dhacay ayaan qaadan waayay, gaar ahaan markaan arkay sawirro dadkii Soomaaliya markay qaranka ahayd muuqaalkooda laga haybaysan jiray, oo loo diiday inay dacaskooda gashadaan. Farriinta raafkaa ayaa ahayd mid cad: Kenya waxay ka codsatay masuuliyiintii Soomaalida inay dalkooda u dhaafaan.

Gabaygii (Digasho).

1-Dulli iyo xumaan baa Raggii deegta loo suraye
2-Dalanbaabbi baa lagu ridiyo dulugle cayreede
3-Darbi jiifka iyo duub mid xiran wax isma doorshaane
4-Kuukuuy dirayslaa, la dhaca qoriga daabkiiye
5-Waa lagu digtaa duul haduu diido waanada’e
6-Bal dayaay Allaa daa,imee dibirta loo gaystay

******************************************
7-Fadhi dirirki iyo sheekadii laysu dacareeye
8-Dalka ma lihid wiil baa ku yiri doc uun mar ii dhaafe
9-Bah dilaadda iyo quursiguu kuugu dow galaye
10-Damiirkiinnu kama diiri karo ,dacay warkiisiiye
11-Bal halkaaydun  caawaba u didi daa,imkeen magane

*******************************************
12-Adigaa Dalkii gubay kobtii darintu kuu tiille
13-Adigaa dadkaagii ku furay dagal colaad weyne
14-Daganaansho adigaa niciyo dowladnimadiiye
15-Adigaa qabiil door ka biday qaranki duubnaayee
16- Adigaa xil kaagiyo dayacay darajadaadiiye

*****************************************
17-Diihaalka gaajada adaa daaliboo rabaye
18-Dumarkii duggaalkiyo fadhiyey aqalka daahiisaa
1 9-Midabkooda doorsoomay iyo diifta ku abaadday
20-Dugaag iyo nin liitaba wuxuu cunay dulbaaxdooda.
21-Dooxatada adaw loogay iyo daalimkii halaye
22-kufsigiyo adaa baday darxumo, aydhiskii  dilaye

********************************************
23-Waayeelkii soo daalay ee ciidda u dadaalay.
24-Oo danaha guud iyo midnimo abid u doodaayey
25-Oo qaranimaa daawo lee ,calanka noo dooray
26-Daljirkii difaaca u ahaa dayrka nagu meersan
27-Darajeey mudnaayeen ,daryeel daa,in abidkoode
28-Dalka kama ay yaaceen sidii deero Iyo cawle
29-Adigaa qoxootiga u diray badaha duunkoode
30-Darwarsiga shisheeyaha adaa noogu dow galaye

********************************************
31-Adigana adeeys dilay, adeeys duudsiyoo lumaye
32-Ma dulleeyo Eebbahay ninkaan doonan aabiga’e
33-Kuukuuygu waa diric gobiyo dowlad magac weyne
34-Dalka iyo dadkiisuu yahay geesi daacada’e
35-Islii kuuma dayn karo illeyn ma aha Daafeed’e
36-Dambi ma leh hadii uu ku yiri qabo dalkaagiiye
37-Danta qaabil dacaskana xirxiro dariskana ha dhibin Eebbahay deeqii baa badane.

DHAMAAD………

W/T  Amina Cali Maxmed (Carkow). Waxaa lagala xiriiri karaa amiinos@hotmail.co.uk