Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabay Wadani ah “Yaan Dib Loo Noqone”

aminaGabaygan waxaan tirisay Aamina Cali Maxammad (Carkow), waxayna ka tirisay xaaladaha siyaasadeed, qabyaaladeed ee ka soo cusboonaaday soomaaliya, xillayadii aanu helnay dowladda joogtada ah ee uu hogaaminayo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, oo halkii aanu filaynay inay arrimahu sii hagaagaan aad mooddo inay dib u caga taagleeyeen. Waxaan idiin kala baxnaaba waa tixdii ” Yaan Dib Loo Noqone”.

*******************************************

Da’ada gabay baryahan faadumooy waanigaan dayine
Dar Ilaahay Waa taan u nacay dihashadiisiiye
Xalay buu daruuraha samada iiga soo  dagiye
Dirir hooray oo kale cirkoo diiqalyada keenay
Ama duunyadoo curatay baan wada da’aayaaye
Bal durduurta Waa taad in badan iga dalbayseene

******************************
Durbaankii colaadaad baryahan dib u tumaysaane
Darxumada halaagii ka dhacay dagalka soomaali
Dadkii guuray daarihii burburay duunyadii le’atay.
Dumar iyo duqow iyo caruur dacatigii gaadhay.
Nin kastoo damiir lihi qalbigu wuu damqanayaaye
Dagaaladii sokeeyiyo war hooy yaan dib loo noqone

********************************
Dagaaladii sokeeyiyo ma rabo dib u xusuustoode
Dulmi iyo xumaan iyo ma rabo doco-docayn jaane
Dowlad baa inoo dhalatay iyo hoos dalaalimo e
Dabkaa noo baxaayaa shacbigu wuu ku diirsadaye
Ka ilaasha dood iyo dagaal yaan dib loo noqone

**********************************
Dowladnimadu waa damal harliyo doogga oo kale ee
Waa daruur hilaacdiyo xareed lagu dabaashaayee
Dugsi bay inoo wada tihiyo aqal daroof weynee
Xagal daacinteeduna ka daran duni gadoonkeedee
Ka ilaasha dood iyo khilaaf yaan dib loo noqonee

**********************************

Dastuurkiyo nidaamkeey  bulshadu dooratooy dhigatay
Dantayadu waxay tahay inaad wada daryeeeshaane
Hadii uu midkiin diido oo daanta ula leexdo
Kii kalena uu dacal ku dhego doontu wey dagiye
Dictatoor ma fiicnee tashiga wadar ha loo daayoo
Ka ilaasha dood iyo khilaaf yaan dib loo noqone

*************************************

Madaxweyne diirrane ayaan baaq u dirayaaye
Mid yar oo dardaaranna waan ugu daraayaaye
Duhurkii dharaartii markaad codadka doonaysay
Niyadii laguu doortay  oon waliba duugoobin
Farxadiyo damaashaadkii baan kula dul joognaaye
Fursad dahabiyaad haystaa Daa,imkeen magane
Daadihi kalsoonida shacbiga wadarta  kuu duubtay.
Ha dayicin kalsoonida shacbiga adi  ku soo doortay.

Aamina Cali Maxammed (Carkow)
amiinos@hotmail.co.uk