Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gobonnimadu; Waa Xorriyadda Maskaxda!!!

imageXorriyadda fikirku waa arrin lama huraan u ah nolosha, dadkuse  isku si uguma baraarugaan, isku sina uma qiimeeyaan. Taxanihii sooyaalka dadku soo maray ilaa iyo hadda aan joogno xorriyadda iyo fikirka xorriyadda isku si looma qiimeeyo.  Qiimaha qofka bilaa’aadanka ah wuxuu ki dhisan yahay inuu xoroobo, inuu si xor ah oo madax bannaan u fikiro, xikmadda waynee Alle Insaanka ku abuurayna waxay tusinaysaa  sida xorriyadu lamaane ugu tahay nolosha tayaysan. Alle Insaanka wuu abuuray. Caqli iyo maskax ayuu siiyay, haddana wuxuu u ogolaaday inuu si xor ah u fikiro, wax u barto, wax tijaabiyo, wax baaro, wax kala doorto, wax wanaaga oo lagu khasbay majiro, waxaana loo ogolaaday inuu wax walba iskii u tijaabiyo, ugu danaynna; wixii wanaagsan isagu barto, wixii xun arko ciribtooda.

Sida Alle caalamka u abuuray waxay tusinaysaa sida xorriyaddu laf-dhabar u tahay. Wax walbana waa la diyaariyay sidii loo kala dooran lahaa oo la isugu dari lahaa waxaa loo daayay aadanaha xorriyadiisa iyo fikirkiisa. Aadanahu wuxuu insaan buuxa noqon karaa, kadib markii uu xorriyad uu ku fikiro helo, wuxuu wax wanaajin karaa markii la goberyo oo xorriyaddiisa loo ogolaado. Taxanihii nolosha ee Ibnu-aadanka waxay tijaabiyeen aragtiyo badan iyo waddoonyin kala duwan ee nolosha loo maro, iyaga oo tijaabiyay qaabka wanaagga dadka loogu hoggaamiyo, wanaaggaas oo ah midka madaxdoodu u garatay.

Qarniyo badan ayaa dadka loo sheegayay waxa u fiican iyo waxa u xun adduun iyo aakhiraba. Dadka hoggaminayay bulshooyinkaas wakhtigaas noolaa ayaa u sheegayay waxa u fiican dadka adduun iyo aakhiraba. Aakhirada waxaa u sheegi jiray hoggaamiye yaasha Diinta. Wixii adaabta iyo diinta ku fiican iyaga ayaa u sheegi jiray. Wixii adduunka iyo sida loogu noolaanayo ku saabsanna madaxda dawladda ayaa katala bixin jiray. Dadka kale kaalintoodu wuxuu ahaa inay maqlaan oo raacaan qaab nololeedkaas iyo xikmaddiisa waa la soo tijaabiyay ilaa iyo hadda waddamo badan ayaa ku dhaqma qaabkaas. Wakhti taariikhdii hore kamid ah, ayaa dadka qaar dooriyeen qaabkaas, waxay ku dooriyeen in dadka la xoreeyo, loona ogolaado inay wax diidaan waxna yeelaan, in la iska daayo in dadka wax loo garto ama wax loo sheego oo amar lagu siiyo inay  u hoggaansamaan wixii loo garto.

 

“Qiimaha qofku waa wax kala doorashada. Haddii laga xayuubiyo awoodda wax kala doorashada, waxaa meesha ka baxaya qof-nimadii iyo qiimihii dadnimada, wax kala doorashaduna waa musyuuliyad wayn, dadka oo dhanna waxay leeyihiin baahi guud oo ka dhaxaysa”. Sidaas daraadeed, wax kasta oo waddamada horumaray soo saaraan aadanaha oo dhan way adeegsadaan, halkaana waxaad ka garanaysaa inay isku wax u baahan yihiin. Baahidooda raashinka, biyaha, guryaha, daawada, dharka iyo xaragada, gaadiidka noocyadiisa kala duwan, is-gaarsiinta noocyadeeda kala duwan, difaaca iyo dagaalka, raaxada iyo faakihaysiga wax walba way ka siman yihiin. Baahidaas guud ee aadanaha oo dhan ka dhaxaysa qayb yar oo aadanaha ka mid ah ayaa samaysa, soo saarta, ka jawaabta baahida iyo rabitaanka aadanaha. Qaybtaas kooban ee dadka ka mid ka ah ee wax walba soo saara, waa kuwee? Maxay ka dhigay wax dadka kale ka duwan? Maxaase ka dhigay dad wax soo saari kara, dadka kale oo dhana ka dhigay kuwo adeegsada oo suuq u noqda wixii ay soo saareen? Jawaabtu waa sidaan: Waxaa sidaas ka digay kala duwanaanta qaab fikirka iyo adeegsiga awoodda maskaxda. Dadka wax soo saara waa dad si xor ah u fikira, awoodooda maskaxeedna ka shaqaysiiya, waana dadka helay xorriyadda fikirka iyo rumaynta. Horumarka dhaqaale, bulsho iyo xorriyada fikirkoodu waa isku dhaadan, mar kasta oo bulsho haysato xorriyad aragtida iyo xorriyad wax kala doorasho, waxay noqonaysaa  ummad xasilloon oo daganaan dhaqaale iyo mid bulsho intuba ka muuqdaan.

Gobeeynta iyo ilaalinta xuquuqda insaanku ma aha hadiyad ama sadaqo la bixinayo ee waa wado looga baxo dhibka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed. Marka aad dadkaaga xorriyad siiso markaas ayaad xoroobaysaa, oo aad ka xoroobaysaa, qabyaaladda, isir-sooca, tuhunka, faqriga, dagaalada siyaasadda iyo xasillooni la’aanta, waxaas oo dhanna inaad ka xorowdo ama aad ka baxdo waxay kaaga xirantahay inaad dadkaaga xorayso, ogolaatana xorriyadda fikirka, doorashada iyo rumaynta. Taas ayaa ah furaha horumarka iyo ka bixidda dhibaatada nolosha iyo liidnimada calaaamadda ku noqota ummadaha qaarkood. Ilaalinta xuquuqda dadka iyo gobnimadoodu waa waddada loo maro qarannimada dhabta ah iyo horumarka bulsho. In dadka marba fikrad loo meeriyo, oo loogu sheego inay tahay midda kaliya ee xaqqa ah ama dhabta ah, waxaa ka fiican in loo ogolaado inay tijaabiyaan. Tijaabadu waxay martaa laba heer oo kala duwan. Heerka hore waa in lagu tijaabiyo maskaxda dhexdeeda, taasina waa  xilliga muranka, dooda iyo shiilidda iyo garashada xikmadda ka danbaysa kala aragti duwanaanta, tanina inta badan mudo ayay socotaa, waxayna u baahantahay in la baahiyo, laga wada qaybqaato, la baaro, la qoro, aqoon yahano badan iyo siyaasiyiin ka qayb galaan. Kooxo badan oo kala duwan iyo xisbiyo siyaasadeed, bulshadeed,  iyo firqooyin diineed u kala baxaan. Tijaabada afkaarta la tijaabiyo oo noocaas looga murmo waa lama huraan, waxaana bud dhig u ah jiritaanka xorriyad iyo xuquuq aan la taaban Karin oo ku saabsan curinta iyo keenidda afkaarta nolosha iyo wanaagga la raadinayo.  Taasi waxay keenaysaa in ummaddu qani ka noqoto xagga maskaxda iyo falsafadaha u muhiimka ah, waxaa kaleento ay keenaysaa hodantinimo xagga aragtida ah iyo kobcitaan xagga garaadka ah. Taasi waa marxaladda koobaad ee hal’abuurka iyo kobcinta fikirka. Heerka labaad, waa in si ficil ah loo tijaabiyo waddooyinka iyo xikmadda afkaarta. Taas waa in lagu dhaqmaa, la fuliyaa, lana arkaa. Markaas ayaa la qiimeeyaa wixii ay dhib iyo dheef keentay fikradaasi. Haddii la eedo waa laga darduursadaa. Haddii lagu hodmana waa la wayneeyaa, lasii kobciyaa, dhidibbadana loo aasaa.

Nolosha fiican sidaas ayay ku dhisantahay, oo kuma dhisna wax la iska rumeeyay. Waxay ku dhisantahay, wax laga dooday oo laga turxaan bixiyay oo caqliga lagu celceliyay. Waxay ku dhisantahay wax la tijaabiyay oo la arkay faa’iidadeeda iyo faa’iido daradeeda. Halkaas ayay ka soo baxdaa bulsho isku filan oo iskeed u taagan oo kala doorata wanaagga iyo xumaanta.

Shuruudda bulsho fiican oo isku filan oo xilkas ah waa sidaan:  Dad……….Dad…….Dad. Xoree, wax bar dadka, afkaartooda iyo hal abuurkooda maal gali. Marka fikradaas laga qaato waxaa meesha ka baxaya, badeecada rumaynta iyo afkaarta ee hadda suuqa aadka u taal. Badeecadaas oo ku dhisan, …..waa layidhi,….. wuxuu yidhi., waxaa la sheegay, ……waxaa la soo wariyay,…. waxaa laga sheegay Habel…sow lama oran sidaas, … soo kii  lahaa sidaas, iyo waxaan maqlay sidaas. Afkaarta iyo caqliga lagu dhiso waxa noocaas ah, waxay noqdaan kuwo curyaan ah. Dhaqanka hadda Soomaaliya ka jira dhamaan wuxuu ku dhisan yahay badeecada noocaas ah, oo hadda suuqa aadka u taal. Badeecadaas waa mid nafaqo darro ah, oo maskaxda ma koriso, ee way burburisaa. Waana midda aan hadda si cid u aragno oo inoo muuqata.

Noloshu waxay inooga baahantahay inaan ku falaadno, wax kala doorano.  Hadda xaaladeenu ma aha haba yaraatee inaan wax kala doorano, waa inaan wax fulino, wax raacno, wax rumayno. Haddii aan tijaabinay oo aan aragnay inaysan ina anfacayn, ma haysano xorriyaddii aan ku doorin (badali) lahayn, mid kale oo ka fiican.

Dhaqanka ku dhisan waxaa layiri, waa inaan ku doorsannaa (baddalno), waxaan iri ama waxaan ogaaday, ama waxaan rumaystay. Waa inaan innagu soo saarno rumaynta iyo afkaarta ina anfacaysa. Waa inaan cid kale inoo  sheegin waxa aan rumaynayno iyo waxa aan diidayno. Waa inaan marka hore helnaa xorriyaddeena. Markaas kadib ayaan wax kale ka hadli karnaa. Xorriyadda fikirka iyo hanashada qaranimadu way isku xirantahay. Haddii aan fikir xor ah jirin, qaran xor ah ma jiri karo.

Hadiyadda aadka uwayn ee Alle aadanaha ku mannaystay waa xorriyadda fikirka iyo wax kala doorashada. Waxaa aad inoogu adkaaday inaan caqligeena ka saarno qoolka uu ku jiro. Waxaa aad inoogu adkaaday inaan wax kala doorano. Wax diidno waxna qaadano. Waxaan noqonay dad aan qaan gaarin oo wali u baahan in la maamulo oo loo sheego waxa u fiican iyo waxa u xun. Kaliya waxaan ku dhagannahay wax  la inoo sheegay oo la inagu daabacay inaan rumayno. Marka waan jahaysanahay. Xorriyaddii wax kala doorashada ayaa la inoo diiday. Innaguna waan aqbalnay. Tilaabada ugu horaysa ee dib u soo kabashadeenu waa inaan fikirkeena baddalnaa. Waa inaan is xoraynaa. Waa inaynaan iska rumayn wax waan ina anfacayn. Alle (SW) Wuu eedeeyay dadkii rumeeyay wax aan anfacayn.  Alle wuxuu Quraanka ku sheegay: “يدعو لمن ضره أقرب من نفعه لبئس المولى ولبئس العشير”

Aayadaas iyo kuwa lamidka ah, waxay cadaynayaan inaad sababayso, (Rational) waxa aad rumaynayso, isla markaasna ay daw tahay inaad ku dhisto faa’iidada iyo khasaaraha ka dhalanaya waxa aad rumaynayso. Markaan waxaan oran karnaa waxaa la dalbanayaa iimaan caqli gal ah. Marka sax ma aha insaaninimadana uma qalanto inaad tiraahdo waan iska rumeeyay. Waa in sida aad wax u rumaynayso iyo waxa aad aamminayso ay sabab cad leeyihiin. Haddii iimaankaagu ka horyimaado dantaada iyo danta dadka kale waxuu mudan yahay in iimaankaas la dooriyo (badalo) ama la iska daayo. Maxaa yeelay Alle ayaa Carabta ku eedeeyay inay caabudayaan shay dhibtiisu ka dhowdahay dheeftiisa.  Marka waxaa la dalbanayaa iimaan  caqligal ah.

Taas kaliya maha, ee dhammaan ayaadaha Quraanka ee xorriyadda iyo caqliga ka hadla, waxay adeegsanayaan is barbardhig iyo xukunka caqliga. Marka ay doonayaan inay dadka ka dhaadhiciyaan xaqnimada Tawxiidka Alle iyo Baadilnimada Asnaanmta, Quraanku wuxuu adeegsan jiray caqliga. Sidaas daraadeed waa muhiim markasta in waxa aad rumaynayso ay caqligal yihiin.

Haddii aad u fiirsato qaabka Quraanku afkaarta ku dhiso iyo sida uu meesha uga saaro khuraafaadka iyo waxyaabaha caqliga ka horjeeda, waxaad arkaysaa in Quraanku xoogga saaro dhisidda iyo dhiirrigalinta caqliga aadanaha. Qaybaha Quraanka kamidka ah, ee lagu fogaynayo cibaadada Asnaamta iyo dhaqan xumada waxaa aad ugu badan su’aalaha caqliga ku saabsan. Nabi Ibraahim qisooyinkiisa tawxiidka ku saabsan ee meelo badan Quraanka looga sheegay waxay tusinayaan dhiirigalinta caqliga insaanka. Dhaqankii carabta ee kusaabsanaa xaqiraada haweenka iyo diliddooda iyaga oo nool= waxaa la waydiiyay, maxaa loo dilayaa gabdhaha yaryar iyaga oo nool? Su’aashaas iyo kuwa lamid ah waxay u taagan yihiin xiriirka ka dhexeeya diinta runta ah ee Alle soo dajiyay iyo fitrada caqliga insaanka. Sidaas daraadeed cibaado iyo iimaan caqliga ka baxsan waa halis weyn.

Xorriyada fikirka waxaa ku-hoos-jira qofnimada dhabta ah ee qofka insaanka iyo wixii uu adduunka iyo noloshiisa ku soo kordhin lahaa. Haddii uusan fikir xor ah jirin qofnimo dhab ah ma jirto. Haddii uusan fikir xor ah jirin suuragal ma aha in dhulka la cammiro ama wax lagu soo kordhiyo. Sancada iyo cilmiga aadanuhu ku raaxaysanayo waxay ku dhisan yihiin fikir xor ah, oo shaqadiisii qabsaday. La’aanta fikir dhab ah, insaanku xayawaanka kale waxba ugama duwana. Sidaas daraadeed ayaa Diimuhu dhiirigaliyeen xorriyadda insaanka. Gaar ahaan Quraanka Kariimka ah, wuxuu aad u toosiyay oo u baraarujiyay caqliga insaanka. Taas ayay ku dhacday in carabtii reer baadiyaha ahaa ee sanamka caabudayay  ay matalaan akhlaaqda iyo caddaaladda insaanku u baahan yahay. Quraanka kariimka ah, wuxuu wax ku dhisay, oo baadilka iyo xumaanta ku dumiyay adeegsiga fikirka iyo caqliga insaanka ee dabeeciga ah.

Marka laga hadlayo xoraynta fikirka insaanka iyo dhiirigalintiisa ma aha, wax kale ee waa jiritaanka iyo hurumarka aadanaha. Maskaxda oo si xor ah u fikirin, waxay u dhigantaa gaajada, cudurka, caddaalad dara iyo liidnimada nolosha. Sidaas daraadeed;  waa muhiim in Soomaalida maanta lagu baraarujiyo inay fikiraan si ay uga baxaan dhibta ay ku dhex jiraan iyo cadaabka adduunka.  Maanta adeegsiga caqligu wuxuu inoo yahay daruuri. Ujeedada ka danbaysana waa inaan ka soo kabano wixii xumaa ee inagu dhacay mudada aadka u dheer. Haddii xagga diinta iyo iimaanka ka eegno, la’aanta fikir xor ah waxay u dhigantaa kufri iyo shukri la’aan nicmadii Alle lagu kufriyay ama la diiday in la adeegsado.  Alle wuxuu Quraankiisa ku yidhi: “قل انما اعطكم ان تقومو لله مثنى وفرادى ثم تتفكرو ما بصاخبكم من جنّة ”

Quraanku wuxuu inagu dhiirigalinayaa inaan istaagno oo aan fikirno. Istaagidu ma aha midda lugaha dhulka la saaro ee waa inaan xoogaa ka istaagno dhaqanka aan dhaxalnay iyo sida aan wax u rumaysan nahay, kadibna aan ka fikirno dhaqankeena iyo rumaynteennu maxay faa’iido leedahay iyo maxay xumaan leedahay. Xoogaa joogsada oo ka joogsada qaabfikirkii aad dhaxasheen, kadibna fikira oo caqliga iyo garasho sax ah ku dhaqma. Sidaas ayaa quraanku nagu dhiiri galinayaa.

Nuxurka dhigaalkan, waxaa weeye, adeegso nicmadii Alle ku siiyay.  Adeegsiga nicmada Alle ayaad ku badbaadi kartaa muskhuladaadana ku xallin kartaa. Waxa hadda maqan oo Soomaalidu la rafaadday mudo dheerna waa taas. Marka waa inaan soo celino fikirka iyo shaqayntii caqliga.

W/Q Sheekh Cabdiraxmaan Jibriil