Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaab-fikirkeenna Ayaa Sameeya Nolosheenna. W/Q Sheekh C/raxmaan Jibriil

jabriilWax badan oo noloshaada ka mid ah, waxay ku xiran yihiin sida aad u fkirto iyo waxa aad rumaysantahay. Haddii aad rabto ama aad jeceshahay inaad xoolo badan hesho oo aad qani noqoto waxay ku xirantahay sida aad u fikirto. Haddii aad rabto in lagu jeclaado oo aad noqoto qof cid walba soo dhawaynayso ama ay jeclaanayso waxay ku xirantahay sida aad u fikirayso. Haddii aad doonayso inaad ka baxdo dhibka iyo walwalka hadda ku haysta waxay ku xirantahay sida aad u fikirayso iyo waxaad rumaysantahay. Alle waynaha cirka iyo dhulka iyo inta u dhexaysa abuuray ayaa sidaas ka dhigay. Waa arrin Cilmiga iyo xikmadda Alle ku saabsan ee ma aha mala-awaal aadane iyo faragalin la faragalinayo xikmadda iyo maamulka Alle.

Dad badan ma oga xiriirka ka dhexeeya xaaladdeena nololeed iyo waxa aan rumaysan nahay iyo sida aan u fikirno.  In xiriir ka dhexeeyo fikirkeena iyo nolosheena waa dhab. Waa wax jira. Waa xaqiiqo. Sidaas waxaa lagu sheegay diimihii ummadaha iyo fartiimihii Alle xaggiisa ka yimid. Waxaa lagu ogaaday tijaabada nolosha. Waxaa lagu xaqiijiyay baaritaan cilmi ah, oo ka yimid culumada Sayniska.

Diinta Islaamka waxaa ku yimid Nusuus ama akhbaar badan oo Aayado iyo Axaadiith isugu jirta oo sugaysa xiriirka ka dhexeeya fikirka iyo xaaladda nolosha ee aan helayno iyo waxa aan ku sugannahay marwalba, dhib iyo dheef.

Cadaymaha Xagga Diinta (Nusuusta).

Xaddiith:  (Camalku waa niyada. Qof walba wuxuu helayaa  wixii uu niyaysto)  Nayadu waa fikirkaaga iyo rumayntaada. Waxa aad ku fikirayso iyo waxa aad rumaysantahay waad niyaysantahay. Aayad: ( Wixii Musiibo ah oo idin-kudhaca  gacmihiina ayaad ku kasbateen.)  Xaddithul-qudsi: (Anigu waxaan ahay  wixii aad iga malaysataan. Ama addoonkaygu iga malaysto.)   Macnuhu waxaa weeye waxaan ku siinayaa wixii aad ku fikiraysid oo niyadaada ku jira iyo waxa aad rumaysantahay, oo aad iga malaysanayso. Nusuusta macnahaas leh, ee Xaddiith ama aayad ah, aad ayay u badan yihiin. Qofkii Diinta Islaamka  yaqaannana wuu ogyahay. Laakiin waxaa maqnaa in si dhab ah oo ballaadhan loogu baraarugo macnaha iyo ujeedada nusuustaas iyo kuwa la midka ah. Kulli way tusinayaan inaan wax ku leenahay waxa aan noqonayno iyo sida ay nolasheennu ahaanayso. Hadda haddii aad u dhabagasho sida  ay tahay nolosha dadka bilaa’aadanka ah, ee adduunkaan kunool waxaad arkaysaa in nolosha qofkasta iyo ummad kasta ay u egtahay  ama lamid tahay sida ay u fikiraan iyo waxa ay rumaysan yihiin. Haddii ay ina dhibtay oo aan nacnay sida aan hadda nahay, kaliya waxaan u baahan nahay inaan baddalno sida aan u fikirayno iyo waxa aan rumaysan nahay. Aayad: (Alle ma badalo xaaladda ay ummadi kusugantahay ilaa ay badalaan, xaaladda naftooda kusugan iyo sida ay u fikirayaan.)

Mawduucaan waa mid xiiso badan, haddana faa’iido badan. Waa wax inagu cusub inaan ogaano, inaan  saamayn ku leenahay sidii aan u samayn lahayn nasiibkeenna nolosha iyo waxa aan noloshaan ka dheefayno. Horraan waxaa loo malayn jiray inaynaan faragalin kulahayn sida aan noqonayno iyo waxa aan la kulmayno inta aan noolnahay. Soo aad uma xiiso badana haddii aan ogaano inaan innagu samaynayno sida aan noqonayno iyo waxa aan helayno shar iyo khayr. Waa arrin aad u xiiso badan una faa’iido badan. Waxay kamid tahay wax yaabaha badan ee aadanuhu ogaaday kana faa’iidaystay ee manta lagu raaxaysanayo. Runtii waa wax wayn. Dad badan way ku adagtahay inay rumaystaan inay wax ku leeyihiin sida ay noqonayaa iyo sida ay u noolaanayaan iyo waxa ay helayaan adduunkaan.  Sababta ay ugu adagtahay  dad badan inay rumaystaan  waa wixii ay rumaysnaayeen wakhti dheer oo loosheegay inay rumaystaan. Waxaa loo sheegay oo lagu celceliyay in wax walba ay tahay in lasugo oo la arko sida aytahay iyada oo aan la faragalin. Rumayntaas wakhtiga dheer jirtay oo la iska dhaxlay ayaa ka dhigaysa wax adag in markale la rumeeyo in fikirkaagu yahay midka ku hagaya.

In waxa aan ku fikirno iyo waxa aan rumaysan nahay noqonayaan nolosheena dhabta ah waa wax cad oo daliilo badan loo hayo. Daliil xagga  dhacdada ah oo la arkay oo la tijaabiyay iyo Daliil xagga waxyiga iyo diinta ah, iyo daliil xagga cilmiga ah intaba waa la hayaa. Dad badan oo ah kuwa aadanaha ugu aqoonta bandanna way rumaysan yihiin.

In waxa aad ku sugantahay, faqri, qaninimo, jirro, caafimaad, jacayl, colaad, shar iyo khayr xiriir la leeyihiin sida iyo waxa aad ku fikirayso, waa dhab run ah, oo xaqiiqo ah. Waxayna ka soo if baxaysaa, nolosha qofka, qowska iyo qaranka.  Xaaladda Soomaaliya waa daliil cad oo dhacdo aan u soo joognay ah.  Waxaa  jirtay wakhti ay is jeclaayeen, isla waynaayeen, isku kalsoonaayeen- maadaama ay sidaas u fikirayeen waxay heleen dawladnimo, midnimo, nabad galyo, is jacayl, nolol fiican iyo sharaf iyo qadarin. Muddo kadib, waxaan bilownay isnacayb, kala shaki, dagaal iyo kala googo. Waxaa  yimid oo waddankii oo dhan cammiray, abaar, gaajo, jirro, faqri, jahli, fawdo iyo ammaan la’aan. Laakiin ma filayo inuu jiray qof ama koox ku fikiraysay in abaarta, gaajada iyo macaluusha ay ka timid maskaxdeena iyo fikirkeena. Marna kuma aynaan baraarugin xiriirka ka dhexeeya sida aan u fikirayno waxa aan helayno ama aan ku danbaynayno. Qofka, qowska iyo guud ahaan qaranka  waa isku mid. Intuba waxay arkayaan oo nolosha dhabta ah ay ka helayaan wixii ay ku fikireen ama ay niyaysteen.

Halkaas waxaad ka garatay sida ay muhiim u tahay inaan fatashno oo u dhabgalno waxa aan ku hadlayno, waxa aan ku fikirayno, iyo waxa aan rumaysan nahay. Haddii aan si ula kac ah oo baarno waxa aan rumaynayno iyo waxa aan ku hadlayno, oo aan doorano kuwa wanaagsan, sidaas ayay nolosheenu noqonaysaa. Sidaas ayuu dalkeenu noqonayaa. Abaarta iyo colaada waxaa soo jiida fikrad maskaxdeenna ka dhalatay. Barwaaqada iyo xoolahana waxaa soo jiita fikrad maskaxdeena ka dhalatay. (Alle ma badalo xaaladda ay qoom ku sugan yihiin ilaa ay badalaan xaaladda nafsaddooda kusugan.) Haddii aan nacaybka jacayl ku baddalno, oo baqdinta kalsooni ku bddalno, oo cadwnimada iyo dilka saamaxaad iyo cafi ku baddalno, oo boobka naxariis ku baddalno, samada iyo dhulkuba way is baddalayaan. Abaartii roob ayay ku baddalayaan. Uumigii iyo kulaylkiina nicmo iyo qaboow ayay ku baddalayaan. (Sidii aad ka diin dhigato ayaa lagaaga diin dhigayaa)

Aan ku siiyo tusaale kooban oo fikraddaan ku saabsan: Cunug ayaa kuu dhashay. Markuu dhashay wuxuu ahaa dhowr kiilo.  Laba kilo iyo bar ilaa Saddex ama afar. Cuniggii sidaas ku dhashay, muddo kadib wuu dheeraaday, wuu koray, xubin walba way isbadashay, wuxuu gaaray 50 ilaa 70 Kg. Yaa ka shaqeeyay? Yaa sidaas ka dhigay? Marna ma aragtay, ciidamo la soo diray oo guriga imaanaya oo qiyaasaya ama wax ku daraya koritaanka cunuga? Jawaabtu waa maya. Alle iyo Malaa’ig iyo cidkale midna ma aragno oo shaqo ka wada guryeheena dhexdooda. Kaliya waxaan aragnaa isbaddalka dhacaya oo aan la dareemayn. Cunuggu ma dareemayo waxa ku darsamaya. Hooyadu ma dareemayso. Cidkale oo kor ka timid oo wax ku darsanaysana ma aragno. Laakiin shaqada koritaanka iyo isbaddalku way socdaan. Dhexdeenna ayay ka socdaan. Awoodda iyo qaanuunka wax baddalaya si  iska ahaato ah ayay u socdaan. Ciddiyaha iyo timahu si iska ahaato ah ay u koraan. Taas macnaheedu waxaa weeye, awoodda wax samaysa ee Alle xaggii ka timid innaga ayay inagu dhex jirtaa. Ma jiraan wax inaga maqan oo kor ka imaanaya. Laga bilaabo marka ay isku qasmaan biyaha aabbaha iyo ugxanta hooyada waxaan nahay wax dhan oo iyagu is wada.  In dhebkeena iyo dheefteennu dhexdeenna ka dhalato layaab ma ah, ee waa wax cilmi ah oo muuqda oo lataaban karo. Mar ogow in waxa aad ku fikirto iyo waxa aad rumaysato yihiin  mustaqbalkaaga iyo waxa aad noqonayso.

Haddii aad soo gasho guri reer daggan yahay, markiiba waxaad fahmaysaa sida  dadka reerkaas jooga ama gurigaas kunnool u fikirayaan iyo waxa ay rumaysan yihiin. Gurigu meesha uu kuyaal, alaabta taalla, sida alaabtaas loo nidaamiyay ama la’isugu aadiyay, nadaafadda iyo qaabka guud ee urigu wuxuu tusiyaa dadka meeshaas daggan sida ay u fikirayaan iyo waxa ay ka shaqeeyaan.

Sidoo kale gaari uu qofku wato iyo dharka uu xirran yahay waxay tusiyaan sida qofkaasi yahay ama u fikirayo.  Haddii aad la kulanto qof maskaxda looga jiro ama waalan, adiga oo aan wax kale ogayn waxaad dareemi kartaa sida uu u muuqdo iyo dharka uu xiran yahay sida ay u yaalliin. Lagama yaabo, inaad hesho qof si fiican umuuqda  laakiin si xun u fikiraya. Sida aan u fikirayno iyo sida aan noqonayno ama nolosheenu noqonayso xiriir wayn ayaa ka dhexeeya.

Haddii aad ku soo biirto waddan iyo dawlad aan kuwaagii ahayn, markaba waxaad helaysaa sida ay ummaddaasi u fikirayso iyo waxa ay rumaysantahay. Waxaad  arrinkaas ka dareemaysaa dhismaha dhulka, dhirta iyo quruxda dabeecada, caddaaladda iyo maamul wanaaga, dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan, ama intaas lidkooda ayaad arkaysaa. Marka, haddii aad aragto sida dhulku yahay, markiiba waxaad fahmaysaa sida ummaddaasi u fikirayso iyo waxa ay rumaysan yihiin.

Markaad aragto muuqaalka dhulka Soomaalidu tagto iyo sida uu u qallalan yahay, marka aad aragto, aradka, macaluusha, jirrada ka muuqata da’yarta Soomaalida, marka aad aragto foolxumada iyo burburka ka muuqda dhammaan dhulka iyo magaalooyinka Soomaalida, marka aad aragto baqdinta iyo colaada, marka aad aragto baqdinta ay kusugan yihiin madaxda Soomaalidu oo ay waddada kumarayaan argagax iyo baqdin tii ugu badnayd, markaad xaaladdaas waddanka Soomaalida ka muuqata aragto, waxaad ogaanaysaa fikirka iyo rumaynta ay ka dhalatay xaaladdasi ama keentay in dalku sidaas noqdo. Akhlaaqda iyo fikirka keenay in caruurtu  waalidkood iyo culumadii diinta ee wax bartay laayaan oo ay waliba masaajidka dhexdiisa iyo xilliyada salaada ku dilaan. Fikirkaas iyo rumaynta noocaas ah ayaa keena abaarta iyo macaluusha iyo harraadka Soomaalida ku habsaday. Marka ogaada xiriir wayn ayaa ka dhexeeya xaaladda nolosheena iyo sida aan u fikirayno.

Waxaad filan kartaa ama aad rajayn kartaa waxaad rumaysantahay ama aad ku fikirayso. Taasi waxay ku dhisan tahay qaanuunka Rabbaaniga ah ee soo jeedashada (Attraction law) waxaad soo jiidanaysaa wixii aad ku fikirto. Haddii fikirkaaga iyo rumayntaadu ku dhisantahay shaki, baqdin iyo nacayb had iyo jeer walwal iyo wax iska dhicin, waxaad soo jiidanaysaa xumaan iyo balaayo oo dhan. Haddiise, aad niyadaada iyo maskaxdaada saafi ka dhigto waxaad noqonaysaa ama aad soo jiidanaysaa sida iyo waxa aad ku fikirayso.  (Waxaad iga malaysato ayaad iga helaysaa)

Maanba hadda tijaabino:  Dabcan walwalka nolosha iyo dhibta caafimaadku waa wax joogto ah, gaar ahaan Soomaaliya. Qof walba wuxuu qabaa wax uu nacayo oo uu jeclaan lahaa inuu waayo ama meesha ka saaro iyo wax uu rabay oo uu doonayay oo uu soo qaban la’yahay.  Arrintaasi waa caadi. Qofwalba oo insaan ahna way haysataa. Marka side hadda u xallinaa? Maxaa xal ah?

Ballan qaad: Sidaad u fikiraysid baddal noloshaadu way isbadalaysaa. Waxa aad rumaysantahay, oo dhibta keenaya baddal noloshaadu way is baddalaysaa. Tusaale: Colaad iyo Nacayb oo dhan tuur. Meesha ay daggan yihiin oo nafsaddaada kamidka ah bannee. Shaki iyo baqdin oo dhan nooc aytahayba meesha ka saar. Naftaada oo hadda lagula dagan yahay faaruqi. Waxa daggan oo wakhti dheer gurigaka dhigtay ka saar. Waxaad ka dhigtaa weel xalan oo maran, oo aan waxba ku jirin. Markaad  ka saarto wixii daganaa iyo wixii ku jiray, oo aad la soonoqoto lahaanshaha iyo maamulida qalbigaaga iyo maskaxdaada markaas adigu daji oo ku shub wax aad rabto oo aad adigu leedahay. Waxaad ku shubtaa jacayl, naxariis, cafi, raxmad. Waxaad ku shubtaa, kalsooni iyo baqdin la’aan. Waxaad ku shubtaa waxa aad rabto kaliya. Wixii aadan rabin mataqaannid, ma maqashid, ma aadan arag, ma aadan ku fikirin. Haba yareetee wax aan adiga ku khusayn ama aadan rabin nafsaddada iyo fikirkaaga shaqo kuma laha. Maraad intaas samayso, isbaddal wayn oo aan la koobi Karin ayaad helaysaa.  Marka hadda bilow. Waxaad rabto oo dhan adiga ayaa samaynaya. Side u samaynaysaa? Waad ku fikirtay. Markaad ku fikirtay ayaa awoodda wayn oo caalamkaan oo dhan abuurtay ayaa ajiibaysa ama la qabsanaysa baaqaas aad u dirtay.

Waxaan filayaa haddii aan si fiican oo rasmi ah arrinkaan ugu fikirno oo aan dadkeena ku baraarujinno, oo culumada iyo dadka wax qora ay sifiican u baraan dadka Soomaaliyeed- Waxaan filayaa in wax is baddali lahaayeen. Waxaan filayaa in foolxumada hadda jirta ay badali lahayd qorux. Colaadda iyo nacaybkana ay baddali lahayd jacayl iyo farxad iyo rayrayn oo xaflado la dhigo. Waxaan filayaa  haddii ay jirtay ama ay jiri karto wax ummadda Soomaalida baraarujiyay ama kacdoon kusamayn kara inay noqon karto waxa hadda socda oo ah in culumada diinta iyo aqoon yahannada iyo wax garadka la laayo oo qaarkood lagu dilo ayaga oo sujuudsan oo Alle caabudaya. Waa xaalada inoo noqon karta digniin oo tusaale tusinaya meesha aan gaarnay iyo sida xaaladdu  u xuntahay. Waxaas oo dhana waxay ka dhasheen  sida iyo qaabka aan u fikirayno iyo waxa aan rumaynayno. Marka waa inaan aad uga taxadarno waxa aan rumaynayno iyo sida aan u fikirayno. Waana in wax laga qabto qaabka wax barashada iyo buugta wax laga baranayo iyo dadka ardayda wax baraya.

Sh.  C/raxmaan Maxamed Jibril

a.jabril@isbadaldoon.org