Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhaxalkii Safar Cabdi

OawseyHaddii aan la isku qirin la iskuna qadarinin garashada iyo aqoonta dhabta ah,  waxaa adkaada in la kala garan waayo aqoonyahanka aqoonta baxaaliga ah leh  iyo tacliinleyda wax soo xar-xariiqday. Muddo badan oo aan ku soo dhexjiray qoraalka iyo cilmi baarista, waxaan is weydiin jiray, sababta keentay in Soomaalidu aqoonsi iyo qadarin ugu muujin waayeen maskax shiilka fara ku tiriska ah ee ku abtirsada magaca Soomaalida. Dadka  caanka ka noqda  Soomaaliya, ee qof walba la baro, waxay u badanyihiin niman gabya , islaamo buraanbura, iyo wadaaddo dadkii wacdi ku wareeriyay.  In la maamuuso oo la qaddariyo aqoonyahanka mudan, waxaa ka horreeya in dadka la baro si loo kala ogaado ragga buugaagta iskaga raran sida dameerkii diintu sheegtay, iyo aqoonyahanka si fiican u dhax dabaashay badda uu cilmiga ka bartay. Qoraalkan kooban waxaan ku baran doonnaa aqoonyahan  Soomaali ah oo aan filayo in ardayda cilmi baarista iyo qoraalka ku dhex jirta ay wax badan ka kororsan karaan barashadiisa.

Waxa xiiso leh in aan aqristaha la wadaago, qaabka aan qudheyda ku bartey aqoonyahankan aan qalinka u qaatey.  Waxay ahayd goor galab ah oo baraf xun da’ayo. Socod luuditaan ah oo wahsi ku dheehanyahay ayaan dhanka  rugta  lagu aqristo buugaagta ee jaamacadda “ University of Toronto” ugu soo dhaqaaqey,  si aan u diyaariyo layli qoraal ah oo  la iga rabay labo maalin ka dib.  Islaanta layliga qoraalka ah naga rabta ma aha qof jixin jixda, waa macalimad jecel in ardaydu xil iska saaraan qoraal kasta oo ay  soo gudbinayaan. Anigoo garan la’a meel aan wax ka bilaabo iyo meel aan ka abaarro qormada la iga sugayo ayaan soo galey rugta buugaagta jaamacadda (University library). Qodobada qoraalka ku saabsanaa kuma aanan ahayn xariif, waana taas sababta keentay in aan ka niyad  jabo qoraalka. Kursi ayaan iska fariistay, waxaanan ku fakeray in aan iska duceysto, haddana waxaan soo xasuustey in  waqti badan Soomaalida kaga lumay duco faro maran. Waxaan guda galey in aan baaritaan dhanka buugaagta iyo internerka ugu dhaqaaqo qodobadii qoraalkii ku saasbanaa.

Intii aan ku guda jiray baarintaankaas, ayaan waxaan si kadis ah ku helay buug ka mid ah buugaagtii wax ka qoray qodobadii aan rabey in aan qoraalkayga u cuskado. Buugga aan helay wuxuu ka hadlayay taariikdii, halgankii, iyo aragtidii halgamaagii caanka ahaa ee  mudane Fantez Fanon. Intii aan buugga ka rabey markaan ka guuriyay, ayaan waxaan eegay  magaca qoraha iyo xilliga la daabacay buugga si aan ugu xuso qaybta xigashada qoraalkayga. Saddex jeer ayaan magaca dib u eegay mise waa magac Soomaaliyeed. Geesaha ayaan eegay markaas ayaan hadana buuggii dib u dhugtey anigoo amakaagsan. Da’da iyo baaxadda buugga kama filaneyn in uu magac Soomaali ah wato. In  sidaas gunnimada iyo liidnimada ah aan u fakero  waxaa u sabab ahaa sawirka xun ee qofka Soomaaliga laga siiyay nafsaddiisa iyo sooyaalkii noloshiisa. Rugta aan buuggan ka helay waa mid ka mid ah saddexda xarun buugaageed ee ugu hormarsan jaamacadaha waqooyiga Ameerika. Waa maktabada caanka ah ee “ Robert library” ee jaamacadda U of T.

Waxaa iga sii yaabiyay, saddex ardey oo i garab taagnaa in ay buugga sugayeen si  markoodana ay ugu kaalmaystaan qoraallo ay diyaarinayeen.  Waxaan u sheegay in wali buugga aanan ka dhammaysanin. Waa markii iigu horreesay oo aan qabyaaladeeyo anigoo ardaydii kale ka  xigsanaya  buugga. Qiimaha buug kasta  waxa lagu gartaa  inta jeer ee xigasho loo cuskado. Inkastoo buugga la qoray rubuc qarni ka hor haddana qodobada uu ka hadlayo buugga ciinwaankiisu yahay  “Frantz Fanon and the Psychology of Oppression  wuxuu xiiso weyn galiyaa ardayda hadda joogta ee wax ka barata laamaha kala duwan ee cilmi nafsiga.  Qoraha buuggu ma aha nin aan waligey maqley. Waxaan isku haystay in aan ahay nin xog fiican ka haya ragga ama dumarka aqoonta dhabta ah leh ee Soomaalida. Sidee ku dhacdey in aad aqoonyahankan aadan waligaa maqlin anigoo is weydiinaya ayaan Saddexda magac ee qoraha oo kala ah: Hussein Abdillahi Bulhan ku qoray  “ Google”.  Qoraha waa dhaqtar, bare sare, cilmi baare, qoraa iyo waliba madaxii hore ee Jaamcadda Hargaysa, sidaas waxaa ii sheegay Google. Waxaan  sii guda galey in aan si barto aqoonyahanka anigoo raadinaya qoraallo kale, wareysiyo iyo waliba taariikh nololeedkiisii.

Nasiib wanaag, si dirqi ah ayaan waxaan ku helay wareysi dheer  oo ‘’ Universal TV “ la yeelatay Dr Bulhan. Wixii aan qorayay ayaan joojiyay, si aan dareenkayga u amaahiyo wareysiga. laab la kaca wariyaha waraysiga qaadaya marka laga soo tago, wuxuu ahaa wareysi qiimo badan oo qofka sidaydoo kale ku  cusub  uu wax badan kaga ogaan karo qofka uu yahay Dr Bulxan. Waxaa aad ii soo jiitay sida quruxda badan ee uu uga sheekeeyay taariikhdiisi carruurnimo iyo waayihiisii waxbarasho. Dhaqtarku wuxuu ku xeeldhaaraaday ka sheekaynta Safar Cabdi oo ahaa ninkii sabab u noqday waxbarashadiisa carruurnimo.  Bilowgii illaa bartamihii qarnigii dhammaaday, qoysas badan oo Soomaaliyeed ayaa carruurtooda u diiday in ay helaan waxbarasho ayagoo uga  baqaya gaalnimo. Qoyska dhaqtarka oo ka duulaya aragtidaas laga qabay waxbarashada casriga ah ayaa go’aansaday in  dugsi Quraanka kaliya uu dhigto. Safar Cabdi oo ahaa nin ka aragti dheeraa dadkii xilligaas joogey ayaa  sabab u noqdey waxbarasada Dr. Bulxan ka dib markii uu ku darey dugsi carruurtu wax ku bartaan.

Xasuus  uu dhaqtarka soo xasuustey maalintii uu Safar Cabdi ku darayay dugsigii carruurtra ee Jigjiga ku yaalley ayaa sabab u ahayd in uu su’aalo badan iska waydiiyo  xaaladdiisa nololeed  iyo sooyaalkii noloshiisa. Waxaa aad ii soo jiitay mar uu wareysiga ku xusay, in uu  su’aal hoose iswaydiiyay  xilli uu casharro ka bixinayay jaamacadda Boston. Su’aashu waxay ahayd” Safar Cabdi ma wuxuu waxbarashada kuugu darayay marka aad  heer gaartid in aad danahaaga gaarka ah raacatid iyo in aad carruur caddaan ah aad wax bartid”. Iswaydiintaas ayaa waxay keentay in uu dhaqtarku noloshiisii is baddel weyn ku sameeyo asagoo ka bilaabaya in uu dalkii ku soo laabto. Sida uu dhaqtar Bulxan sheegay, ku soo laabashadii dalku waxay u ahayd  waayo aragnimo cusub, asagoo tusaale ugu soo qaatey in uu dalka ka bilaabey jaamacad iyo waxbarasho hor leh oo Soomaaliya keliya ka furan.

Xilliga uu  wareysiga bixiyay Dr. Bulxan waxaa laga joogaa saddex sano, waxaa laga yaabaa in arrimo badan ay iska badaleen noloshiisa. Waxa hubanti ah  in Soomaalidu leedahay aqoonyahanno badan oo la mid ah dhaqtar Bulxan. Nasiib darradu waxay tahay in  inta badan aan  la aqoon dadka  Soomaaliyeed ee  kartida iyo aqoonta dhabta ah u leh xirfadaha ama laamaha cilmiga ah  ee ay barteen. Intii la baran lahaa ragga ama dumarka Soomaalida ah ee aqoonta baxaaliga leh, waxaa lagu mashquulsan yahay in la dhagaysto afgarooc aqoon iyo darajo uusan lahayn sheegta.

Ardayda iyo dadka cilmi  barista ku dhex jira  ee Soomaaliyeed waa in ay soo bandhigaan dadkana baraan dumarka iyo ragga Soomaalida ah ee aqoonta durugsan leh, ayagoo ka bilaabaya in ay qoraaladooda ku xusaan kuna soo xigataan  shaqooyinka iyo buugaata ay ka tageen. Lama qiyaasi karo kalsoonida  iyo farxadda aan dareemay markii aan gudbiyay layligii yaraa ee islaantii noo dirtay anigoo ku xusay magaca Dr. Bulaxan qaybta xigashada. Dhaxalkii Safar Cabdi ma ahan mid looga sheekayn karo qoraal sidan u kooban, balse waxaan filayaa in mirihi dhaxalkaas- Dr. Bulxan, ay jiilasha soo socda sii kala dhaxli doonaan aqoontiisa baxaaliga ah.

Cabdullaahi M. Aadan
Somali Think Tank
Email: sthinktank@gmail.com