Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Falsafadda libaaxa!!

Marka caqli xor ah loogu kuur galo sida ay nolosha ku socoto waxaa kuu so baxaya caddaalad darro weyn oo nolasha ka jirta. Nolosheena waxay ku xirantahay dhimashada iyo cunnida nafley kale oo badan .Boqortooyada Geedaha “Plantae “ oo ayadu cuntadeeda sameesata marka laga reebo, dhamaan noocyada kale ee noolaha ee aynu ka mid nahay, waxaan tamar ka helnaa cunida noole kale.  Tusaale ahaan  Bakteeriyada ilma aragtada ah, waxay ku noolyihiin waxa ay ka  calafasadaan jirka bani’aadamka iyo oogada xoolaha kale oo dhamaantood ka wada mid ah boqortooyada waxa Afka qalaad lagu dhaho “Animalia.”. Ugaarsi yaab leh oo arxan daran ayaa ka dhex socda noolaha dhaxdooda si ay u helaan tamar ay dheefsadaan taas oo ah sida kaliya ee ay ku sii  noolaan karaan. Qoraalkan kooban wuxuu isku dayi doonaa in uu soo bandhigo Falsafadda libaaxa laga baran karo ayadoo laga jawaabayo su’aalahan ah: “ Waa maxey sababta dadku  u cunaan ama u ugaarsadaan qayb ka mid ah xoolaha ayagoo ka caaggan  ama u arka xaaraan xoolaha qaarkood?

Dhamaan dhaqamada iyo diimaha  bulshooyinka adduunka ku noo.l waxaa ka dhaxeeya hal xaqiiqo oo yaab leh, xaqiiqaduna waxay tahay ma jiro dhaqan ama diin ay u fuddudahay in ay ugaarsadaan ama xalaaleeyaan cunnida hilibka Libaaxa. Xaqiiqadan waxay inaga caawinaysaa in aan jawaabo cilmi iyo caddeymo ku dhisan u helno su’aalaha kor ku xusan .Dhamaan xoolaha la cunno, iyo  kuwa la ugaarsado waxay ka siman yihiin garaad hooseeyn ama waxa Afka qalaad lagu dhaho “ Low intillegence “. Dhamaan  nafleyda nasiibka u helay   garasho ay ku fahmaan  halista deegaanka iyo nolosha ku lammaansan sida Libaaxa , Wiisha iyo Maroodiga, waxay noqdaan kuwo laga caaggan yahay oo dhaqamada iyo diimaha qaar lagu xaaraantinnimeeyay in la cunno ama la dhaqdo . Xoolaha qalbiga wanaagsan ama daacadda ah sida Idaha iyo  Riyaha  waxay halis ugu jiraan in barqo cad la qasho ayadoo loogu marmarsiyoonayo in ay yihiin xalaal Eebe weyne ugu tala galey in la dheefsado.

Waxaa jirta oraah caan ah oo sidan loo adeegsado “ Kani waa doqon, waa hore ayaa la qalan lahaa, ee ilkaha sare ayaa xaaraantinnimeeyay” . Hadalkan wuxuu caddeyn u yahay in dhamaan doqomada iyo wixii garashadoodu liidato la soo qalan jiray ka dibna  hilibkooda la solan jiray ama la shiilan jiray!. Sidoo kale hadalkan waxaa lagala soo dhax bixi karaa dhamaan noolaha ilkaha sare ama miciyaha leh in  laga cabsan jirey  oo aan lagu dag- dagi jirin qalashadooda. Aqoonyahannada u kuur gala cilmi- nafsiga bulshada “ Social Psychology”  waxay ogaadeen arrin ka yaabisay oo tusaale cilmi ah loogu soo qaadan karo xiriirka ka dhaxeeya dadka iyo xoolaha. Waxay  cilmi baaris ku ogaadeen in  xoolaha ama dadka loo arko in ay garasho ama tabar yaryihiin in  waligood taariikda nolosha ku dulmanaayen. Tusaale ahaan, muddo aan sidaas u sii fogeyn, waxaa dunida dhaqan ka ahaa in qof  ku doodo ama sheegto in uu hanti ahaan u leeyahay  xero ay ka buuxaan dad addoomo ah iyo xoolo kala duwan.

Libaaxa oo lagu naaneyso boqorka xayawaanka, wuxuu si fudud ku ogaadey halista ay leedahay noloshan caddaalad darida ku dhisan. Wuxuu fahmey sida kaliya ee uu ku badbaadi karo in ay tahay in garasho dheeri ay feejignaan la socoto uu noloshiisa ku dabaro. Intii aan lagu cunin, waa in aad wax cuntaa, falasafad noocaas ah ayuu libaaxa noloshiisa ku dabartaa.Geesinnimo iyo xeelad aan innaba caadi ahayn  ayuu ka dhaxley libaaxa falsafaddan qiimaha badan. Waddo kale oo libaaxa u bananaanayd  ma aysan jirin hadii kale waa hore waxaa dhici lahayd  in  dhaqamada ama diimaha qaar lagu xalaaleen lahaa cunida hilibkiisa. Waxaa la hubaa haddii dhurwaaga maskiinka ah ee Wahaabiyadu ku qasheen koonfurta Soomaaliya uu sida libaaxa u fakeri lahaa, in waa hore kutubta lagu sheegi lahaa in uu xaaraan yahay cuniddiisa. Nacasninada iyo fuleynimada isbarkan ee dhurwaaga ayaa sababtay in Wahaabiyada ku dhiiradaan cuniddiisa!

Wixii ka danbeeyay burburkii dawladnimada, dadka Soomaaliyeed waxay ku sifoobeen liidnimo iyo taagdarri aad u daran. Arrintan waxay  bulshooyinka iyo dawladaha aduunka u fasirteen in Soomaalidu yihiin dad garasho liita oo doqomo ah oo aan fahmi karin halganka nolosha ka socda, waana taas sababta ka danbeysa in qofka Soomaaliga lagu ugaarsado meel kasta oo aduunka  lagu arko. Soomaalida ku silicsan geeska Afrika iyo dacallada aduunka, waxay wax badan ka baran karaan falsafadda libaaxa oo ah falsafad barako badan oo la hubo in lagu liibanayo. Libaaxa wuxuu ogaadey in aduunka aysan ka jirin sharci, cadaalad, naxariis iyo waliba damqasho. Dhamaan sharciyada, dhaqamada, iyo xeerarka aduunka ka jira waxay u dhisan yihiin in lagu ugaarsado dhamaan noolaha laga dareemo garaad yari iyo tabar darro.

Qalbi wanaaga iyo  dabacsanaanta Beelaha laga tirada badan yahay, waayeelka, caruurta iyo dumarka waxay dadka intiisa kale u fasirtaan tabar darri, waana taas sababta dhamaan dhaqamada aduunka  ka jira ay ugu dhibanyihiin oo loogu bahdilo. Sida kaliya ee ay uga hortagi karaan dhibaatooyinka haysta waa in ay wax ka bartaan falsafadda Libaaxa uu ku soo caano maaley intii la soo noolaa. Dhaqatarkii  caanka ahaa ee cudurada Maskaxda, Dr Frantz Fanon, wuxuu ku dooday in dadka la adoonsaday sida kaliya ee  ay caafimaadkooda maskaxeed iyo gobanimadoodii ay ku hanan karaan  ay tahay in ay dagaal lagu riiqmo la galaan kuwii gumeesan jiray.

Akhirstaha qiimaha badan wuxuu is waydiin karaa su’aashan garta ah: “ Sidee noloshu noqon doontaa haddii dadkii iyo xoolihii oo dhan ay wada noqdaan Libaaxyo?” Qof si dhab ah uga jawaabi kara su’aashan ma jiro, balse waxaa la hubaa in mar walba ay  noqon doontonolol dhaanta  noloshan caddaalad darrada ku caanbaxdey ee lagu qasho xoolaha daacadda ah   laguna adoonsado dadka tabarta daran.  Qoraalka waxaan ku so gabagabeynayaa oraahdii caanka ahayd ee hoggamiyihii  dawladdi Fajiistaha ee Talyaaniga, mudane Benito Mussolini.  Mudane Mussolini wuxuu ku dooday in hal maalin oo sida libaaxa loo noolaado ay ka fiicantahay ama ka barako badan tahay boqol sano oo sidii Idihii loo noolaado!

W/Q: Abdullahi M. Caswey

email: sthinktank@gmail.com