Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaqiiqo ama Fahankaada!!!!

Xaqiiqadu waa shay la raadiyo oo dhib iyo dadaal loo maro. Haddii aad adigu xaqa mar Walba ogtahay, ku taagantahay, dadka kale oo dhan baadil ayay ku taagan yihiin. Haddii aad adigu xaqa ogtahay, ciddii ku khilaafta baadil ayay ku sugantahay. Maxaa yeelay laba xaq ma jiraan. Xaqu waa mid. فمذا بعد الحقّ الّا الضّلال.
Qaaciidada noocaas ku dhisan ayaan rabaa inaan wax yar ka iraahdo:
1. Inaan u qaadano inaan xaqa ku taagannahay way fiicantahay. Waana lagama maarmaan, oo wax badan ayaan ku dhisanaa, diin iyo aduunba. Dad aan waxba hubin, waxna ku kalsoonayn, wax ayay yaqiin ahaan u qabaana jirin, waa mushkulo. Mujtamaca iyo qawaaniintiisu waxay ku dhisan yihiin aragti, kusalaysan wax la rumaysan yahay ama wax lagu kalsoon yahay.
2. Qanaacada bilaa’aadanka ee xaqa ku saabsan waa u qaadasho, ama mele ee ma aha dhabta. way dhici kartaa inay marmar dhabta waa faqdo, laakiin inta badan waa u qaadasho iyo aaminaad.
3. Alle kaligi ayaa shay walba xaqiiqadiisa og. Bilaa’aadanku waa inay raadiyaan xaqiiqada, laakiin iskama ogaan karaan.
4. Fahamka Diinta Islaamka ee ku dhisan inaan annagu- haddaan Muslimiin nahay- Xaqa ku taaganahay, ama aan xaqa ognahay. Dadka kale oo dhana ay lunsan yihiin oo ay xaqiiqadii garab mareen, waxaa ka dhashay arimahaan:
1. Inaan isugu dulqaadan wayno kala duwanaanta ra’yiga oo aan isku layno amaba aan isku xukuno gaalnimo iyo wax lamid ah.
2. Inaan wax baran wayno oo aan isku taxallujin wayno, baaridda iyo wax tijaabinta, illeeni xaqii waan haaysanaa, marka maxaa layska daalinayaa!!!!!
3. Inaan fikiri wayno, maxaa yeelay wax kasta oo xaqa ama xaqiiqo ah, waa naloosheegay. Marka inaan fikirno ama wax abuurno looma baahna. Taasi waxay dhashay, liidnimo, jahli, faqri iyo inaan cadawganaga u jabno.
4. Inaan dadka kale oo dhan xaqirno, oo aan hoos u fiirino, maxaa yeelay, Alle ayaa nacay oo neceb, xaqiina way diideen, oo way garab mareen.
5. Haddii aan u naxno ama u naxariisano dadka kale waa inaan ku khasabnaa inay sidanada oo kale u fikiraan, waxa aan rumaysanahayna ay rumeeyaan si ay u bad baadaan, adduun iyo aakhiraba.
Waxaas oo dhan waxay ka dhasheen fahamka ah, inaan xaqa ognahay, ama inaga kaliya aan xaqiiqada ka turjmayno. Taas aan xoogaa ka iftiimino.. Xaqa oo la ogaado ama la rumeeyo waa wax wanaagsan. Had iyo jeer waxaan maqalaa dad dadka kale xaqqa ugu yeeraya, oo leh xaqa yaan kuu wadaa, xaqa ayaan kuugu yeerayaa, xaqa soo raac. Hadii aad xaqa raaci wayso waad halaagsamaysaa, naarta ayaad galaysaa, jannadana waad ka qadaysaa. Xaqa soo raac. Xaqa haddiidin. Xaqa ha ka hor imaan. Marka su’aashu waxaa weeye xaqaasi waa kee? Xaqaasi waa xaqa ku dhisan fahamka iyo u qaadashada. Waa itaalka aadanaha.
Waxaa jira xaqa kale oo xaqiiqo ku dhisan, oo dhabta ka turjuma, waa kan Alle og yahay. Alle wuxuu quraankiisa ku yiri: “قال فالحقّ والحقّ اقول ”
وقال سبحانه: “ماخلقنا السموات والارض وما بينهما الا بالحقّ ,وأجل مسمّى” و يقول سبحانه .” وقال سبحانه “وباحقّ أنزلناه وبالحقّ نزل, وما أرسلناك الّا مبشرا ونذيرأ”
Sidaas marka loo eego Alle caalamkaan xaq iyo xaqiiqo ayuu ku dhisay. Quraankana xaq ayuu ku soo dajiyay. Xaqaas marka Alle uu ku saabsan yahay waa dhab. Laakiin marka uu aadanaha ku saabsan yahay, waa qiyaas ama mele, ama faham, ama u qaadasho.
Culumadii hore ee Muslimiinta, waxay tixgalin jireen arintaas ah, in fahamka iyo dhabtu kala laba yihiin. Waxay markasta oran jireen “Arintaas ama masaladaas waa sidaas” (Allahu Aclam).
Shiikh Nawawi – Yaxye ibnu sharaf- waa shiikhii Fiqhiga shaaficiga ay Soomaalidu uga tiirsanayd. Waa shiikhii qoray oo isku duba riday, axaadiithta Kitaabka ‘Riyaadu Saalixiinka’ iyo ‘Xadithul-arbaciin’. Waa shiikhii Qoray kitaabka Fiqhiga ah, ee loo yaqaan Minhaajka. Markii uu sharaxayay Masaa’ilka Fiqhiga ku saabsan ee uu xalaal iyo xaaraan kala sheegay mid walba wuxuu ku daray, sidii la isigu khilaalaafay, oo ra’yigu ugu kala duwanaa. Si uu arintaa u cabiro wuxuu sameeyay Qaaciido arintaas ku saabsan. Masaa’ilka kitaabkiisa ku soo arooray oo badan koodan wuxuu u dhigay sidaan. “هذا لا يجوز” فى الاصح. والصحيج , والاظهر, والمذهب. والمشهور, وفى قول, وقيل. قلت ، والله أعلم.
Soomaalidu waxay oran jireen ‘Qiil ii baar’ inaan naagtu iga furnay. Marka qiilku wuxuu ka yimid, nin sheegaya runta oo aan oranayn, ‘arrintaasi waa saas’ aniga kaliya ayaa og. War iga danbeeya ma jiro. Ee sheegaya inta ra’yi iyo khilaaf ku timid masaladaas. Hadda wakhtigaan aan joogno, ma maqlaysid Allahu Aclam. Kaliya waxaad helaysaa xukum , u eg in qaadi xukumay. Muhimmadu waxaa weeye inaan kala saarno, “Truth iyo Perception” Sida ay xaqiiqadu tahay iyo sida aan innagu u fahamnay. Markasta fahkeenu wuu is badali karaa, wuu kordhi karaa, waxbaa lagu dari karaa, waxbaana laga dhimi karaa. Marka waa inaan ogaano fahamkeena xaqa ku saabsan ma diidayo, in qof kale inaga saxan yahay ama xaqqa inooga dhawyahay.

2 Responses to Xaqiiqo ama Fahankaada!!!!

  1. Sheikh Adirahman Mohamed Jibril

    November 20, 2012 at 9:42 am

    Maqaalkaan markale ayaan akhriyay. Aad ayuu ii cajabiyay. malaha waa sidii uu markii hore ii cajabiyay. Laakiin markii hore wuxuu ahaa fikrad aan curiyay oo igu cusub. Laakiin markii danbe waxay ahayd war la qoray oo la akhrinayo. Aad ayaan ugu bogay. Dabcan waxaan rajaynayaa in dad badan oo akhriyay ay sidaas oo kale ugu farxaan. Waa sida aan jeclahay.
    Hase ahaatee, waxaa igu soo dhacay inaan laf cad toobin ku hayo. Waxaa igu soo dhacay inaan doonayo inaan umadayday ku saxo war kooban oo la qoray. Ma dhici karto inaan helo waxa aan ummadayda ka rabo wakhti kooban. Ma dhici karto inaan si fudud wax u saxno. Saxitaanka iyo fahamka arrimaha muhiimka ah, waxay u baahantahay tacliin rasmi ah oo sannado socota. Muxaadaraadka, maqaalada website ka lagu qoro iyo sheekadu kama badalnoqon karto tacliin. Waxa aan raadinayno oo aan ummadeena ka rabno looma heli karo si kooban oo (short cut)ah. Had iyo jeer horay ka qoorashada wadada waan rabnaa. Waa dabciga Soomaalida. Qaninimada iyo lacagta wakhti dheer ma siino. Sannad iyo laba ama sadex waa inaan milliner ku noqonaa. Dhawr sanadood oo aan iskuul aadanay waa digtoor. Wax ka yar nama anfacaan. Dadka siyaasadda doonaya inay ka qayb qaataan, qof walba waxaa loogu yeeraa wixii uu sheegtay inuu doonayo. Waxaad arkaysaa dad aad u badan oo Madaxwaynayaal ah. Qof walba oo iyaga ka mid ah, waxaa loogu yeerayaa “Madaxwayne”. Waxaad orkaysaa Ra’iisul wazaarayaal badan. Waziiro, iyo wiixi la mid ah. Ciidamada waa sidaas. Konayl ayaa ugu yar. General-ku waa badan yahay. Xoogaa Qofkii quraanka yaqaan waa shiikh. cimaamada iyo garku waxay ka fiil ka yihiin ama ay kufilan yihiin Shiikhnimada qofkaas.
    Hadda waxaas oo dhan waxaan ku xusuustay maqaalkaan aan waa hore qoray, oo aan ku rajaynayo in Soomaalidu kala soocdo ama kala fahamto ‘Xaqa iyo u qaadashada’ “Fact and perception” Waxa aan ka hadlayo waxay u muuqataa inaan ka boodayo xaqiiqada ah in loo baahan yahay in marka hore umminimada lala dagaalo oo dadka wax la baro. Wax barashada runta ah ayay ka dhalan kartaa in dadku sidaas wax u fahmaan ama u fikiraan ee kama dhalan karto in laga dalbado ama loo sheego. Waa natiijo ka timaada dadaal dheeraad ah iyo tacliin badan oo tayo leh. Markaas kadib ayay haboontahay in laga hadlo mawaadiic lamid ah midka aan halkaan ku qoray muddo hore oo aan uga hadlayo, mawduuc aad moodo in lala hadlayo dad gaaray ama fursad u helay inay ka doodaan ama ka hadlaan arrimo xeeldheer. Si kastaba ha aheetee short cut ma suuroobayo. Waa inaan bilowno wax barasho socota ilaa gudka laga galayo. Markaas ayaan heli doonaa mujtamac wanaagsan oo Diintooda fahmi kara. Taas macnaheedu ma aha inaan yaraynayo fahma-badnida iyo maskax-furnaanta Soomaalidu caanka ku tahay, ee waxaan isu qaatay inaan warqadaha isku khalday ee aanan u soo saarin sidii nambaradu u kala horeeyeen. Maxaa yeelay aniga laftigayga ayaa wadada horay ka qoortay oo tubtii tacliinta aan fursad u helin. Waad mahadsantihiin.
    Jibriil.

  2. cabdirashiid

    January 21, 2013 at 5:09 pm

    waxaan ku faraxsanahay qaabka wanaagsan ee muslimiintu ay u fikirayaan si ay diintooda u difaacaan.run ahaantii waxaa la rabaa sidii loo hirgalin lahaa diin islaamka markasta iyo meel walba. waxaan aad iyo aad uga codsanayaa culuumadeena inay latacaalaaan diin cayga waa arin runtii khatarteeda leh,taasi oo loobaahanyahay inaynu ka waanino kaariyada,dilaaliinta,darbi jiifka iyo xamaalada ku waa soo caado kadhigtay inay diin ta loo soo halganmay ee cadawga badane leh inay dhayalsadaan.