Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Biyaha Badda


Waxaan xasuustaa anigoo yar oo caruur la dheelaya in laba wiil oo ka mid ah caruurtii aan wada cayaaraynay uu ka dhax qarxay muran daran oo dhiilo xanbaarsanaa, dhamaan caruurti waxaa aad u usoo jiidatay muranka hakadka galiyay ciyaartii xiisaha lahayd ee noo socotay, runtii waxay ahayd maalin xasuus wayn naftayda ku reebtay oo ay adagtahay in aan hilmaamo , caruur soomaliyeed oo ciyaaraysa waxaa alaalaba ka dhax qarxa isqabqabsi ku biyo shubta in gacmaha la iskula tago, ciyaar aan laba isku qabsan oo kala reebtada la gayn wax nuxur ama xiiso ah nooma ay lahaan jririn waagii aan caruurta a hayn , laakin muranki maalintaa waa uu ka duwana dhanwalba is qabqabsiga ay caanka ku yihiin caruurta , dhamaanteen waxaa nagu cusbaa mawduuca uu muranku ku saabsanaa..

Aad bay isku xanaaqeen oo hadalki baa ka taagtaagmay , waxaana afkooda ka qubanayay caay aad u qalafsan oo lagu sinji caynayo magacyo waa danbe aan baranay in ay ahaayeen qabiilooyin ka mid ah kuwa ay soomalida ka kooban yihiin, qoraal kuma qeexi karo siduu ahaa dareenkii labada wiil laakin waxaan aad u xasuusnahay in da’doodu ay ahayd 9 jir. maadama waxa ay isku haysteen uu ahaa wax nagu cusub ayaan waxaan isku daynay in ay noo sharaxaan sababta ay iskugu xanaaqeen, “saaxiib eygan wuxuu caayay jufadayda!” sidaa waxaa la soo booday C/qani oo dhankayga soo xigay ,” Hada ayaan caynaa wecelyahow ma jufo jirtaa ka dhalatay !” sidaasna waxaa ku jawaabay shaakir oo neef tuuraya .

Dhamaanteen qosol baan la daadanay , oo waxay maskaxdeena qaadan waysay waxay ka hadlayaan , waxaa kaloo aan ogayn in ay walaalo ahaayeen , waayo marwalba oo mid ayaga ka mid ah caruurta kale dagaal dhax maro way isku hiilin jireen , waxayna isu ahaayen ilmo abti iyo ilmo eedo , saaxiib maxaad isku caynaysaan soo walaalo ma tihiin , ayuu waydiiyay mid ka mid ah caruurtii, xageen walaalo ku noqonay soo asagan tolkayga caynaya ! shaakir ayaa la soo booday markale ayaan dhixdhix niri anagoo u raacinay saaxib tol maxaa la dhahaa!” Tolkaga waa qabiilkaga” sidaas waxaa yiri c/qani oo indhaha isku qabqabnaya

Anagoo koox dhalinyaro ah oo meel fadhina ayaa waxaa soo gashay idaacad ka mid ah kuwa afsoomaliga warka ku tabiya, waxay sheegtay war aad u farxad badnaa, waxayna ahayd in dhaqtar muqdisho jooga uu ku guulaystay qaliin u ku sameeyay haweenay dhowr bilood ilmo mayd ah caloosha ku waday , wariyhu wuuxu aad ugu dheeraday sida uu dhaqtarkaas u badbaadiyay nolosha hooyadaas , waxaa kaloo xiiso lahaa in lafhihii maydka dhalaanka uu dhaqtarka ka soo wada bixiyay caloosha hooyada , hadana caafimaadka hooyadaas uu aad sareeyo, marki uu warkii dhamaaday ayaa mid naga mid ahaa yiri hadal sidan u ekaa “ war heedhe dhaqtarku waa nin aan la arag oo la maqal , tolow waa qoloma?” isla daqiiqadii mid kala soo booday asagoo xuurtaysan wuxuuna ku qaliyay hadal sidan ahaa, “ War heedhe ninku waa reer hebel , anigan kula hadlaya ayaan iksu jilib nahay” kii sheekada bilaabay baa qoosol yasmo ku jirto la soo booday wuxuuna yiri, “ waligay ma maqal reerka aad sheeganayso oo dhaqtar la yaqaan ka dhashay “ muran aad u xoog badan ayaa meeshi ka qarxay , labadii nin ayaa sheekadi ka xumaatay oo gacmaha iskula tagay ayagoo meeshaasna ku burburiyay koobab aan shaah ku cabaynay!

Madexwaynaha soomaliya oo magaciisa la yiraaho Col : Abdulaahi yuusuf Axmed ( ina yey) ayaa wuxu xamar gaaray horaantii bishan , tagitaanka uu madaxwaynaha ku tagay caasimadii hore ee soomaliya waxaa laga sheegay idaacada BBC, markaas ay idaacadu warka tabinaysay waxaan ag fadhiyay laba oday oo ciro ay madaxa kaga habsatay , mid ka mid ah ayaa yiri dawladii soomaliya way hirgashay marba hadii uu madaxwaynuhu gaaray caasimadii dalka , kii kaloo oo aad u niyad xun ayaa yiri hadal sidan ahaa “ Waa run oo dawladu way hirgalaysaa hadiiba ay gaartay caasimadii , laakin waxaan ku sheegaya in anagoo reer hebel ah aan ceebownay hadii ay dawladaas shaqayso , waayo madaxwaynaha qabiilkiisa waligood ayay sheegi jireen in aanan aqoon sida dawlad loo dhisto “

Bil ka hor ayaa BBC laanteeda afsoomaliga waxay waraysi la yeelatay nin lagu sheegay in uu yahay aqooyahan soomaliyeed oo ka faalooda arimaha soomaliya , yar aan saaxiibo nahay oo ila joogay marki uu aqooyahankaas ka hadlayay idaacada ayaa igu yiri hadal sidaan ahaa “ Saaxiib maxaad ka dhagaysanaysaa ninkan iyo nacnacdiisa, ma ogid miyaa in uu ka mid yahay aqoonyahanada soomaliyeed kuwooda ugu qabyaalada badan , u fiirso hadaladiisa hada , wuxuu ku xanaaqi doona qabiilada qaar !” sidii uu saaxiibkay sheegay ayay noqotay oo faaladii aqoonyahaynka waxay iska noqotay caay loo jeediyay qabiil uu mala si gaar ah aqoonyahaynka ugu xanaaqsanaa!

Runtii waxaa caado iska noqotay dhawaanahan in qofka soomaliga marka uu hadlo ama uu aragti ka doodaba aad durbadiiba garanaysid qabiilka uu ka soo jeedo, malaha in uu fikrada qabiilkiisa ku hadlo waxaa ku qasbaya in dadka uu la doodayo qudhooda ay fikradaha qabiilkoda wataan, wayna adagtahay in qof soomali ah uu ka hadlo ama niyadba u hayo aragti aan ahayn mida qabiilka uu sheeganayo , qofkii caqli yar ah leh wuxuu fahmi karay bilihii la soo dhaafay in soomalida diinta kaliya ee ay haystaan ay tahay qabiilka , xirfad kasta uu ku xamaasho qofka soomaliga ah , sida Shiik ama Isbaariiste, wax nuxur ah ma lahan oo midka shiikha ah iyo kan jooga isbaarada qabiilkisa waxay caashaqsanyihiin jufadooda si ay uga nabad galaan ama u dulmiyaan jufooyinka kale!

Meel kasta oo aad ugu tagtid koox soomali ah , qofkastoo soomali ah oo aad la saaxiibtid , gabarkasta oosoomali ah oo aad shukaansatid , qoraalkasta oo qof soomali ah leeyahay oo aad aqrisid , muxaadaro kasta oo sheikh soomaali ah soo jeedinayo , waxa kaliya ee aad ka dareemi kartid ama aad ka ogaankartid waa qabyaalada qalbigooda jiifta .

Hada ayaa la gaaray waqtigii aan sharixi lahaa erayada aan maqaalkayga ciinwanka uga dhigtay , biyaha bada meel kasta oo aad aduunka ka joogto hadii aad dhadhamisid waa dhanaan , oo bada marta folorida iyo mida marta baraawe waa dhanaan, sidaas si la mid qofkasta oo soomali si kasta oo ay ugu kala duwanyihiin da’da , waayo aragnimada, aqoonta , dhaqaalaha waxay ka wada siman yihiin jaceelka qabyaalada!

By: Abdulaahi Mohamed Aadam