Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mushkilahada Qarankeena ku hor gudban

Dhibaatada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka taagan oo Qaranimadu ka saldhigan la’ dahay waa badan yihiin, qaabab  badan oo qaarkood loola tacaalayna xal laguma gaarin weli.

Waxgaradka Soomaaliyeed waxyaalo kala duwan ayay sabab uga dhigaan waxaase muuqata inaan weli si dhab ah looga wada hadal mashaakilna na haysta ama aan la helin golo iyo madal lagu qaado dhigo oo shacabkana looga tabiyo. Nin aqoonyahan ah oo arrimaha Soomaaliya ku takhasusay ayaa ku shabahay xaaladda Soomaaliya sidii ruux qaba cudurro farabadan sida sokor, dhiig kar iwm oo wixii mid lagu dawayn lahaa ay uga darayso mid kale oo jirka ku jirta.

Marka cudurrada bulsho haysta ay bataan oo la tacaalka mid cudurradaa ka mid ah uu uga darayo mid kale waxay u baahan tahay taxaddar , iyo in aad looga fiirsado sida ugu haboon ee mushkiladdaa loola tacaali karo.

Mushkiladaha ina sal tiray ayaa waxaa ugu muhiimsan kuwa dhawr ah oo aan hal qoraal lagu wada eegi karin balse aan si guud kuwa ay iila muuqdaan aan halkan u dul mari doonaa, qoraallo danbana aan qaarkood kusii faahfaahin doono haddii Eebbe idmo, aanan rajaynayo in kuwan ama kuwa muhiimsan haddii ay jiraan laga wada yeesho dodo ballaaran oo wacy baaha uu ka dhasho.

Mushkiladaha waxaa iila cad cad;

1)      Qabiilka iyo qabyaaladda soohdinta mid walba iyo sida loola tacaalayo iyadoo gaar ahaan qabyaaladdu cudur tahay ayaa hadana loo baahan yahay qeexis dhab soohdimaha cudurkan iyo sidii loo xallin lahaa iyo sidii looga fogayn lahaa saamaynta uu ku yeeshay diinta, dawladnimada iyo hay’adaheedii iyadoo qabyaaladana u baahan tahay in  darajooyin ama heerar  loo kala yeelo qatarnimadkeeda sidaba ay cudurradu u kala leeyihiin heerar muujinaya qatarta cudurku heerka ay mareyso iwm. Noocyada qabyaaladda waxaa tusaale ahaan kamid ah  qabyaalad maslaxeed mid sharafeed iyo kuwa kale waana kala qatarsan yihiin waxaanse u baahanahay in ay nook ala suntamaan dawadeedana la raadiyo.

2)      Soomaalinimadka ama Wadaniyadda. Maxaa naga dhexeeya Soomali ahaan meel kasta oo aan joogno? Maxaa si gaar ah uga dhexeeya inta jamhuuriyadda degan? Qofku ma wuxuu muwaadin Soomaaliyeed oo buuxa ku yahay meel kasta oo Soomali degto? Ma dhulkii Jamhuuriyadda hadduu uu ku barbaaray ? mase degaanka beeshiisa uun buu muwaadin buuxa ku yahay oo hadduu Jowhar ka tago oo Gaalkacyo tago tusaale ahaan  ma helayo ama madareemayo muwaadinimmo buuxda oo wuxuu noqon muwaadin darajada labaad ah oo kale?! Sideese dhibkan looga gudbi karaa si loo noqdo muwaadiniin u siman dalkooda.

3)      Diinta iyo Dawladda. Diintu waa u asaasi jiritaankeena, Baraarugii Islaamka ee faafayna waxuu sababay in barashada iyo ku dhaqanka islaamka sidii hore ka bato waxaase ka dhex muuqda fawdo badan. Waxaa caddayn u baahan kaalinta ururro diimeedka ama culimada ku leeyihiin siyaasadda iyo xukuumadda. Sida shareecada loo taabo gelinayo iyo cidda xaqa u leh inay fasirto ama dabaqdo diinta iyo kaalinta bulshada iyo waxgaradka ku leeyihiin. Isku miisaamidda dhibka iyo dheefta oo tiir u ah diinta islaamka yaa jaangoynaya? Maxaakeenay fawdada diineed ee haatan dalka ka taagan iyo isgaalaysiinta iyo is dhiig xalaalaysiga sideese looga gudbi karaa waalidan? Sidee loo kala saari karaa kursi-doonka iyo kitaab ifiyaha? Sideese looga gudbi karaa qof iska dhigaya diintii oo haddii la diido sheegaya in diintii la diiday haddii isaga la ogolaadana diintii in la ogolaaday ka dhigaya?

4)      Sidee isu Metelnaa. Shirarkii badnaa ee dib u heshiisiita ee soo billawday billowgii 90-kii badankood ma shaqayn ama natiijo taabbo gashaa kama soo bixin iyadoo shirarkaa badankood marna kooxo hubaysan loo qabanayey, marna qaab qabiil oo 4.5 loogu magac daray lagu soo dhisayey ka qayb galka iyo awood qaybsiga. Su’aal aad uculus ayaa imanaysa  marka ay noqoto in shir dib u heshiisiin dhab ah in la qabto la doono. Yaa shirka loogu yeerayaa qaabkeese Soomaalida isu matalaysaa? Ma qaab qabiil ma mid goboleed mase mid hubeed? Qabiilka qudhiisa gudaha kama dhisna oo maleh qaab shaqeynaya oo uu isu matalo.  Sidoo kale gobollada badan ma leh hannaan madaxdooda degaan ahaan ay ku doortaan markaana lagama filan karo hannaan shaqeyanaya oo ay dadkii shirka ama xarunta dhexe ee qaran u matali lahaa. Kooxaha hubaysan waa boob ku joog oo cidna si xalaal ah uma matalaan marka iyaga loo yeerana lama hubo in xal lagu gaari karo mar haddii ay u badan tahay in kuwa kale kahoos dillaacaan sidiiba ay jabhadii taliskii Siyaad barre la diriray ay u bateen maxkamadihiina usii furfurmeen.

 

5)      U dhashay iyo  Ku dhashay side loola tacaalaa? Qofku ma meeshuu ku barbaaray ee dalka ka mid ah baa guri ah oo kasoo baratami karaa ama uga adeegi karaa dalkiisa mise degaan uusan weligii arag ama mar uun booqday baa guri u ah? Haddiise “u dhashay” la xoojiyo sow kala qoqobkii iyo inaan qaranimo naga dhaxayn masii xoojinayso? Mushikaladdu ma in qofku uusan degmada “u dhalan” haba ku barbaareebaa ?mase waa in qofka si xalaal ah aysan dadka degaanka u dooran ama uga helin adeegiisa haba “u dhasho”  degaankaasiye?

6)      Gacan ka hadalka iyo Siyaasadda: ilaa haatan wuxuu dalku ka degi la’ yahay kooxo qaab qabiil ama diineed isku soo abuubulaya oo talada dalka qoray caaraddii ku doonaya iyo kuwa fal celin ku qaatay hubkaba. Kooxahan kuma heshiyaan raqda qaybisgeeda kumana kala adkaadaan oo sooma afjaranto. Goormaan isla garawsan doonaa in talada iyo maamulka lagu doono isqancin iyo doorasho iyo  kawadahadal  oo ciddii xoog ku qabsata aan marna loo xalaalayn wanaag kasta oo ay qabato balse lagu dadaalo ama laga codsado in talada ay noqoto mid doorasho ku timaadda ugu danbaynta. Xoog kudoon iyo Xoog kuhaysi labadaba halaag bay naadeen waxaase loo baahan yahay xalaal ku doon iyo xalaal ku diid oo doonis iyo diidis aan hubaysnayn baa dagaal sokeeye looga badbaadi karaa laguna heli karaa dawladnimo sal dhigata.

7)      Dawladda iyo Baaxadeeda: xukuumad ama dawlad maxaan ka rabnaa inay noo qabato oo aan looga maarmin maxayse tahay inaysan soo fara gelin oo ay uga dareysaa? Waa in tani laga wada hadlaa. Intii usoo joogtay nidaamkii kali taliska ahaa siyaad barre waxay faraha kaga gudbteen faragelintii xukuumadda ay hawlaha bulshada ku haysay ee uga daraysay iyo kali talintaa xukuumadda, mana rabaan dawlad caynkaa oo kale ah ama gacan kama gaysanayan sidii dawladdaa oo kale loo heli lahaa iyagoo ka cabsanaya dhibkii ay kusoo arkeen dawlad caynkaas oo kale ah. Inta badan oo bulshada kamid ah ama baadiyay jireen waqtigii dawladdi siyaad barre ama ka dib bay barbaareen oo ma oga waxa dawlad gasho ama waxa loo fadhiyo iyo waxa ay dhib iyo dheef gaysan karto.

8)      Tacasubka iyo Jahliga. In aan qabaa’il kala duwan ka dhalanay ama kooxo diineed  kala duwan dalka ka jiraan waa wax jira, shucuubta qaarna waaba naga sii daran yihiin oo waaba kala qowmiyad , kala af, iyo kala diin hadana waa wada nool yihiin, Soomalina inagoo isku qoywmiyad, af iyo diin ah baad wada noolaan kari waynay! Mushkiladda hadaba waa tacasubka iyo jahliga. Waa in si xoog leh loola tacaala tacasubka oo midka beeleed iyo kan diineedba la joojiyaa ama la yareeyaa oo la is aqbalaa, waana inaan xoogga saarnaa waxa aan wadaagno iyo wanaagga xagiisa lagana digaa xumaanta ka dhalan karta tacasubka. In lakala qoymiyad ahaado oo tacasub laga gudbo ayaa ka faa’iido badan in isku qoymiyad la yahay balse tacasub beeleed lala il darnaado. Jahliga iyo iswacyo galin la’aanta waa waxa sii quudiya tacasubka dhibkana uga dara.

9)      Karti iyo Daacadnimo la’aan. In badani waxay ku dooddaa in weli aan la helin hogaan karti iyo daacadnimo leh oo dalka dhibaato kasaarkiisa horseeda. Hogaanka  siyaasadeed, dhaqameed, diineed iyo bulshada rayidka ahba waxaa looga baahan yahay inay hor kacaan kuweenna ugu kartida iyo aqoonta roon,waxaase haddiiba fikraddaa la isla qaato xal u baahan in la helo hannaankii iyo processkii kuwa noogu kartida, aqoonta iyo daacadnimada roon aan  safka hore keeni lahayn. Yaa iyo Qaabkee kusoo xulan karnaa kuwaasi. Haddii khibradda dawladnimo nagu yar tahay mashiin dawladeed oo dadku tababar iyo khibrad ka hellaana uu hawada muddo ka maqnaa sow lama filan karo in socod barad badan sugayo hogaan kasta oo na hor yimaadda. Sidee loo helaa dulqaad iyo sabar wixii khaldan lagu saxo. Hogaan kasta iyo xukumad kasta waxay yeelanaysaa mucaarad, sidee loo kala saari karaa mucaaradnimadka bannaan ee ku wajahan hogaanka xukuumadda markaas jirta iyo midka wax yeelaya dawladnimadka. Dawladnimadka iyo hanaqaadka hay’adaheeda waa in laga wada qaybqaataa  xukuumadse waa la mucaaradi karaa, waxaa iyana dhibaato ah marka ninki ama kooxdii xukuumadda markaa mucaaradsan ay doonaan in dawladnimadkiina ay daadka raaciyaan ama  maslaxaddii guud arki kari wayaan!

Ugu danbayn mushkiladaha na haystaa waa badan yihiin waxaanse u baahanahay in kuwa ugu daran la isla qeexo oo inta badan shacabka ama waxgaradkiisu ka doodaan kuwa ugu daran oo la isla tibaaxo sida ugu haboon ee looga tallaabi karo. Waa inaan badinno doodaha cilmiga iyo aqoonta ku qotoma ee dhibaatooyinkeenna abbaaraya waxgaradkuna ay shacabka la wadaagaan oo warbaahinta kala duwan loo adeegsado si loo helo wacyi guud ee bulshada ka dhexeeya.

Abdulkadir Abdi

xogta@garasho.net

London UK

Jan 2010