Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Barbaarinta ubadka waa hab leh asaas

Aabayaasha waxaa kamid ah qaar markii ay galabtii soo laabataan iyagoo daallan ay dhibeyso ka qeybqaadashada daryeelka ubadkooda, sida dhabtii ahna hooyada maanta oo dhan ka shaqeyneysay daryeelka ubadkeeda waa mid daallan oo u baahan nasasho, waxa ayna u baahantahay in ay saygeeda kala kulanto wax xoogaa qadarin iyo fahmid xaaladdeeda ah, mana ahan arin culeys badan ku keeni sayga, ee waxaa ku filan oo kaliyah  hal mar oo uu aabaha ka qaado ilmaha dhabta hooyadiis, taasoo xaqiijineyso ujeedooyin badan sida: kobac ku yimaada xiriirka aabaha iyo cunugiisa hadda dhashay iyo hooyada oo dareenta in saygeeda uu wali u qabo jaceylkii xiligii arooskeeda iyo inuu  qadarinaa kaalinteeda hooyo iyo xaasnimo.

Aabayaalka waxaa kamid ah qaar cashada ka dib inta guriga kabaxo soo hoyanayo saacado dambe isagoo lasoo caweeynayo saaxiibadiis, isla markaana cidleynayo xaaskii iyo cunugii ay dhashay isagoo ku andacoonayo inuu sidaan yeeli jiray ilaa iyo waagii uu iskaabulada  ahaa (xaas yeelan) , isagoo illoowsan ama is iloowsiinayo in ilaahay ilmo ku manneystay, mas`uuliyad cusubna soo korortay, nolol tii hore kabadalanne  uu galay, ayna waajib ku tahay inuu wax ka badalo habdhaqankii aabe nimada  ka hor, waayo waxa uu noqday aabe, waa inuu afadiisa la wadaagaa mas`uuliyadda ka saaran ilmaha soo kordhay.

Waxaa laga yaaba in aabaha ka maseyro sida ay hooyada u koolkooline ilmaheeda sidaa daraadeed hooyadu waa in aysan illaawin arintaasi oo kaalinta aabenime ee saygeeda u yeelataa feejignaanta loo baahan yahay sida soo dhaweynta diiran mar alla markii uu guriga yimaado, iyo u diyaarinta dhammaan waxii uu ubaahanayahay si dulqaad iyo rereyn ku jirt.

waa in aysan aabaha ka fogeyn ilmaha iyadoo xujo ka dhiganeyso in aysan ragga aqoonin daryeelka ilamaha.

Mas`uuliyadda barbaarinta

Shaki kuma jiro in mas`uuliyadda barbaarinta ay saarantahay labada waalid si wadajir ah, mana ahan oo kaliyaha in hooyada ay aabaha ka sugto inuu ka kaalmeeyo barbaarinta ilmaha ee waa in ay ka dalbataa kuna boorisaa arintaasi una diyaarisaa habka uu gacan uga siin karo barbaarinta ilmaha.

ma `ahan in hooyadu u wakiilato aabaha canaanta iyo cabsi galinta ilmaha oo uu markaa mowqifka ilmaha ee aabaha uu noqdo mowqifka dambiilaha iyo ninka booliiska ah oo aysan wax xiriir ah dhexmari Karin markuu rabitaankooda isdiido mooyee.

Ma ahan inaan meesha ka saarno khilaafka labada waalid ee salka ku hayo cunug iyo barbaarintiisa waayo?  Waxa hoos u dhacayo awoodda waalidnimo, ilmahana waa uu ka faa`iideysanayaa waxuuna ku sii madax adeeygayaa qaladaadkiisa.

Waxaa loo baahanyahay in ilmaha ogaado in awoodda iyo maamulka labada waalid ay tahay mid qur ah, waxaana la arkaa in waxa ugu xun ee raad ku reebi karo ubadka ay tahay khilaafka & ismaandhaaf labada waalid dhexmaro oo dhallaankuna uu goobjoog kanoqdo, taasoo ay ka dhalan karto in ilmaha ku reebo cabsi joogta ah &khalkhal, waxaana taa kasii daran in mid midkastoo labada waalid kamid ah uu dhallaanka ku beero kan kale neceybkiisa markaas oo qoysku noqdo urur mucaarad isku ah loolanne ka dhexeeyo.

Aabayaalka qaar waxa ay ku doodaan in barbaarintu tahay in la muujiyo adadeeyg iyo waji macbuusnimo, xoog waxku maquunin, waxaad arkeysaa aabe waji kaduudan guriga dhexdiisa waxaad moodaa aalad ama qalab loo samaeeyay aargudasho, ama in uu tusaale u yahay argagxisnimo, waxaa ka kala cararyo ilmahiisa isagoo mid waliba ku gabaanayo daafaha guriga meel kamid ah mana ahan in ay ixtiraam iyo xishood ay u hayaan aabahood u ga gabanyaane waa cabsi iyo argagax ay qabaan carada wajigiisa ka muuqato, waana dhaqan aan waafaqsaneyn xeerka barbaarinta, xaaraamna ku ah islaamka.

Ibna khalduun waxa uu yiri:

“ardaygii ama addoonkii kusoo barbaaray cadaadis waxa ka qaalib noqdo cadaadiskii, naftiisana mar walba ciriiri ayeey dareentaa , firfircoonidana waa ay ka guurtaa, waxa uuna ku qasbanaadaa been iyo  shaqsiyad xummo cabsi uu ka qabo cadaadis hor leh, arintaanna waxa ay dhaxalsiisaa inuu barto khiyaano iyo wax isdaba marin”

Shaqaalanimada hooyada

Hooyooyinka oo ka mshquulo barbaarinta ubadkooda sanadaha ugu horeeyo ee cimriga dhallaanka. dhab ahaantiina waa dhibaato weyn, waxaa bilaabanatay qeyla dhaan kasoo yeeri wadamada galbeedka oo ku aadan in dib loo soo nooleeyo kaalinta labada waalid eek u aadan wax barashada dhallaanka.

Wasiirka waxbarashada ee mareykanka waxa uu muujiyay cabsida uu ka qabo waxa ka dhex jiro qoyska isagoo yiri:

hoos u dhaca ku yimid heerka wax barsho ee iskuulada mareykanka waxa uu sawirka ka bixinyaa dhabeecada isbaddalada heer qoys, waxa jiro qoysas badan oo labada waalidba shaqala yihiin, waxa kaloo jiro qoysas badan oo uu maamulo hal waalid”.

 

prof. George de fos oo katirsan jaamacadda California waxa uu yiri:

Hooyada reer japan waa cunsur muhiimad u leh saameyn ballaarna u leh barbaarinta ubadkeeda, maxaayeelay? Waxa ay aaminsantahay in iyada kaligeed saarantahay mas`uuliyadda wax bariddooda, waxeyna si xoog leh utaageertaa kaalinta iskoolka, ilamaha barbaarintoodana waxa ay ka biloowdaa markuu dhasho

Habdhaqannada waalidiinta & mashaakilka nafsiga ee dhallaanka

 

Habdhaqanka labada waalid waxa ay u badantahay in ay saameyn ku reebto mashaakilka nafsiga ee ilmaha la kulmo, habdhaqannada waalidiintana waxaa kamid ah:

  1. xuriyad ka qaadis: oo micnaheeda yahay in labada waalid si xadka ka baxsan u maamulaan ilmaha koonrtrool iyo fara galin ku sameeyaan tillaabo kasto o ilmaha qaado, taasoo keeni karto in ilmaha barbaaro isagoo leh shaqsiyad daciif ah, waxuuna diyaar u noqdaa inuu qaado mashaakil nafsi ah.
  2. Koolkoolin iyo daryeelid xad dhaaf ah: oo micnaheeda yahay in labada waalid iyaga u istaagaan dhamaam waajibaadka laga rabo ilmaha iyo in ay ka aqbalaan dhammaan dalabaadkiisa taasoo keeni karto in ilmaha barbaaro isagoon isku kalsooneyn, ahna xil masaarne dadka kale ka sugayo in ay mashaakilkiisa gaarka ah xaliyaan.
  3. Dayicid iyo daneyn la`aan: micnaheeduna waa in aan ilmaha ladaneynin oo haddii uu wanaag layimaado la dhiiri galinin, haddii uu qalad layimaadana laciqaabin.
  4. Adadeyga xadka kabaxsan: waalidka waxa uu adeegsanyaa dhammaan hababka ciqaabta jirka iyo mooraalka labadaba, si naxariista ka baxsan, ilmaha waxa uu ku barbaarayaa cabsi iyo khalkhal.
  5. iska daba wareeg iyo moowqif la`aan: oo micnaheeda yahay in waalidka shalay fal uu ilmaha ku dhiiri galinayay uu manta ku canaanto, taasoo ilmaha ku ku reebi karto inuu ku barbaaro dhaqan isdiidan, baqdin joogta ah, inuu kala saari waayo maxaa sax ah? Maxaa qalad ah?
  6. ilmaha oo sinnaan iyo caddaalad lagula dhaqmin: waxa ka dhalanayo isu ximid, is neceyb,cuqdad kala aarsi

Khilaafka labada waalid

 

Jawi uu ka buuxo dood iyo muran u dhaxeeyo labada waalid, soo noqnoqoshada qeyladooda iyo fara isku tag-taagooda waxuu maan wareer ku ridaa ilmaha waxuuna ku dhaliyaa cabsi iyo sugnaan la`aan, waxaana ilmaha ku adkaato in ay u cuntanto wax howl ama ciyaar ah, mana jirto wax ilmaha kaga dhib badan in uu maqlo xiliga habeenkii markuu seexanayo qeylada labada waalid, taasi waxa ay keeni karta in ilmaha marka uu kasoo laabto dugsiga ee uu guriga soo beegsada inuu qaado dareen ah in halka uu ku socdo ay kaga horeyso jawi ka sameysan dood iyo caro joogta ah.

Marka ay arintan oo kale soo noqnoqtana waxa ay ilmaha ku reebtaa cuqdad-nafsi mahadha ah iyo kaladaadsanaan xagga qoyska ah, dhibaatadiisana waa ay sii siyaadaa markastoo xasaasiyaddiisa ku wajahan dhibaatada qoyska ay sii siyaado.

Labada waalidna waxaa laga rabaa in ay iska ilaaliyaan wax muran iyo ismaan-dhaaf ah gaar ahaan xiliga ay lajoogaan ubadkooda, waa in ay u dib dhigtaan wada hadalkooda xilli kale oo aysan ilmaha lajoogin, isla markaana ay labdoodu u wada hadlaan si isu garaabid iyo kala gar qaadasho leh, isla markaana muujiyaan degenaasho iyo xasilooni.

Waxaa wax iska caadi ah in dhibaatooyinka uu ilmaha guriga kala kulmo uu raadkeeda ka muuqanayo habdhaqankiisa dugsiga dhexdiisa, waxuu u dhaqmaa si colaadi ka muuqato waxa uu dhibaato ku haaynayaa ilmaha kale ama macalinka, waxa uu sameeyanayaa habdhaqannoo anshaxa suuban ka fog, sida jajabinta qalabka iskuulka, ama waxa uu ladagaalamayaa arday kale, markaas buu maclinkii ku tilmaamayaa arday rabshoola ah,  waxaa is biirsanayo dhibaatooyinkii guriga iyo kuwii dugsiga, sidoo kale dhibkii waxa uu taabanayaa waaalidka oo waxaa ku soo noqoni dhibaatada ilmaha ee dugsiga,, sidaas ayeey gacanta uga bixi xaalada ilmaha, qoyskana waxaa soo waajahayo kala daadsanaan, qofkastana waxii dhacay waxuu mas`uuliyaddeeda dusha uga tuuraa qofka kale.

 

Ismaan dhaafka labada waalid ee “yeel iyo mayeeli kartid”:

Waxaa la arkaa in labada waalid isku khilaafaan amarka ay siinayaan ubadkooda, tusaale ahaan hooyadu waxa ay u ogolaani ilmaha in ay dibadda u baxaan si ay saaxiibadood ula soo ciyaaraan laakiin aabahu arintaasi ma ogolo oo waa diidan yahay, ilmaha waxa ay ku wareerayaan cidda ay amarkeeda fulineyso aabaha mise hooyada?.

Sida uu xalka ku jirana waa in ay labada waalid yeeshaan hal mowqif oo ay kamideeysan yihiin, iyo in ay bixiyaan hal jawaab oo ay iskuracsan yihiin, laakiin markii ay jirto xaalad degdeg ah suurta gal ma ahan in ay jirto hishiis labada waalid raali kawada yihiin, sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aysan labada waalid is khlilaafin oo go`aankii uu mid qaato kankale ku ixtiraamo, iyadoo la dhowray maslaxadda ubadka iyo tan qoyska guud ahaan, ama aragtidii uu ka qabo u dib dhigto xilli aysan ubadka goobjoog ahayn.

Jaceylka iyo barbaarinta

Barbarin iyo ababin majiri karto jaceyl la`aan,ilmahana waxa ay marwalba u janjeerasadaan hadba waalidkii ama ciddii kale oo ay ka dareemaan in ay u haayso kalgacayl, waa ay u dhaga raariciyaan iyagoo ku dhageeysto maqalkooda iyo qalbigooda, sidaa daraadeed waxaa waajib ku ah labada waalid in ay ku dedaalaan jeclaanta ubadkooda, dareensiiyaanna in ay jecel yihiin, waa in aysan waalidka ku dhaqaaqin wax ilmahooda cuqdad ugu qaadi karaan, sida xaqiriddooda, ciqaabta joogtada ah, daryeel la`aan, xuriyad ka qaadis, iyo inaan loo yeeli dalabaadkooda macquulka ah,hadii ay danta maalin qasabta in ay ciqaabaanna ubadkooda waa in ay ku dadaalaan sasabiddooda si xikmad ku jirto, si uu san meesha uga bixin jaceylkii barbaarinta saldhiga u ahaa.

Jaceylka ubadkana ma ahan in ubadka lawareegaan maaulka guriga iyo dugsiga, waxii ay doonaana ay sameeyaan iyagoon yac la dhaheynin, kaasi ma ahan jaceyl, ee waa dadnimo xumo iyo guri baaba`iis, rasuulk N.N.K.H jaceylka uu asxaabtiisa u qabay kama reebin in uu ku amro fulinta waajibaadka u yaalay, iyo inuu u hogaamiya goobta jihaadka, iyo waliba in la mirayo ciqaabta uu mudan yahay ciddii dambi cad lagu helo, howlahaas oo dhanna kuma dhalinin asxaabta nabiga dabac ku yimaado jeceylka ay u qabeen nabiga N.N.K.H.  ee waxa ay sii siyaadisay jaceylkiisa iyo u hogaansankiisa  …

Waxaan garanayaa ilmo ku jiray meel xannaana ah oo tabanayay xasilooni iyo jaceyl oo ay sabab u tahay is babadalka macalimiinta xanaanada darenkiisa waxa uu ku cabiri jiray suuxdin iyo miir daboolan kadib waxa dhacday in maalin maalmaha kamid ah ay dhabta saaratay wiilkii maclimad oo inta ay dhunkatay dareen siisay inuu yahay ilmo la jecel yahay maalintaa waxii ka dambeeyay ilmoii laguma arag wax suuxdin ah ama miir daboolan.

Weydiimaha dhallaanka

Ilmaha markuu jiro sadax ilaa afar sano waxa uu bilaabaa su`aalo isdaba joog ah sida:” maxaad waxaan u sameyni?” “maxay sidan ku dhacday?”iyo “kan yaa waaye?” iyo “kana away?”….IWM

  • Waxaad u aragtaa su`aalaha ilmahaaga in ay qeyb ka yihiin howl dheer oo wax ku baranaayo noloshiisa.
  • Isku day inaad uga jawaabtid su`aalahiisa si fudud oo macquul ah, waxaad siisaa macluumaad intii ku filan hana ku dheeraanin faahfaahin.
  • Iska ilaali jawaabta ah: “waa inaad sidaas sameysaa maxaayeelay anigaa ku amray”
  • Hoos ha u dhigin hamuuntiisa adigoo oranaayo:”su`aala haaga waa kuwa dhib badan oo lagu daalaayo”.
  • Isku day intii karaankaaga ah inaad u sharaxdid ubadkaaga sababta ay waxan u sameyanayaan intii aad amar dul dhigi lahayd.
  • Noqo mid  bashaash u ah ilmahaaga ka jawaabidda su`aalaha ilmahaaga yar waxa ay fura u tahay inuu ka jawaabo su`alahaada markuu weynaado

Noqo aabbe nidaamsan

  • Waa inaad dareentaa waxyaalaha uu ubaahan yahay ilamahaaga inta uu san dhaqankiisa xun kugu qasbin in aad ogaato baahdiisa.
  • Haddii aad daneysi suuqa u aado ilmahaadana kula socdaan isku day inaad guriga ku laabatid inta aysan aad u daalin.
  • Waxaa waajib ah in xiliga cuntada ka hor aadan ku dheeraanin ku hadalka telefanka, gaar ahaan markii ay ilmaha baahan yihiin, daalna uu hayo, ama ay iyaga dagaalamayaan.
  • Haddii aad booqaneysid qaar asxaabta kamid ah adigoo ilmaha kula socdaan, iska ilaali inaad daba martid ama kasoo daahdid xiligii ilmaha seexan jireen.

Noqo waalid ay ku daydaan ubadka:

Magaalo yar oo ku taalo shiinaha ayaa maclimiinta waxa ay ardaydii ka dalbadeen in soo qaataan kiish markast ooy subaxii iskoolka soo aadayaan, kuna soo ridaan wax kasta oo nadaafad xuma ah oo wadada ku soo maraan…sidaas ayeeyna magaaladii nadiif ku noqotay!!.

Mayeeli karnaa inaan ilmaheena barno in ay in ay gaariga gudahiisa isticmaalaan kiish ay ku ridaan waxii ay tuurayaan oo aysan ka tuurin daaqadda gaariga iyagoo ku tuurayo dariiqa!!.

Waxaa waajib ah in ilmaha lagu dhiiri galiyo waxii ay wanaajiyaan, sidoo kale waa inaanan shaqo u amaanin midna aanan u xaqirin, halmarna waa inaanan ku riixin inuu mudnaan gaar ah siiyo dookh ama rabitaan gaar ah.

Ammaro dhiiran..misena degen

Waa lagama maarmaan in amarka waalidka ee ubadkiisa noqdo mid dhiiran oo aan wax labalabeyn ah ka muuqan, isla markaana aysan meesha ka marnaanin in aabaha iyo hooyada muujinyaan sida ay diyaar ugu yihiin kaalma ay ufidinyaan ubadka si ay u fududaato fulinta amarka, haddii ilmaha uu qolka ku dhex daadiyo qalabkii uu ku ciyaarayay hooyada waa in ay tiraahdo: kaalay aan aruurinnee qalabkaada,isla markaana hooyada bilowda aruurtin qalabkii  ilmaha, ilmahana isla markaba waxuu bilaabaa inuu la aruuriyo hooyada.

In badan waxaan argnaa in ilmaha ka meermeero, ama uu qeylo iyo oohin iskudaro marka hooyada si canaanan leh u amarto inuu gacmaha iska soo meyro ama uu suuliga galo, laakiin haddii ilmaha lakulmi lahaa amar degen isla markiiba waa uu dheqen galin lahaa.

Markastoo ilmaha wax lagu ilxaaxiyo waxuu dareemaa baahi uu uqabo madax adeeyg, iyo inuusan rabin fulinta waxa laga dalbaayo.

Goorma ayaad maya dhihi dhallaankaaga

Shaki kuma jiro in hooyadii fulineyso dhammaan dalabaadka ubadkeeda, ay tahay hooyo si qaldan u barbaarineyso ubadkeeda, waayo waxuu ilmaha ku caqliyeeysanaa in uu xaq u leeyahay inuu wax walba helo, mana noqonaayo mid kala saaro waxii faa`iido leh iyo waxii dhib leh, kadibna waxey arintaasi dhibaato u keeni mustaqbalka noloshiisa, waayo ma heli doono wax kasta oo naftiisa u hawooto.

Laakiin  goorma ayey hooyadu maya dhihi? qaabkeese ayey u dhihi?

  • Ilmahaaga “maya” haku dhihin markii uu rabitaankiisa yahay mid aan la hureynin in loo yeelo, tusaale haddii uu dhammeeyo xalinta layligii iskoolka looga soo diray oo uu cod sado in uu ciyaaro, erayga “maya” meeshaan kuma habboona.

Laakiin markuu codsado inaad gadid qalab uu ku ciyaaro, adigoo sadax maalin ka hor u iibiyay, waxaad xaq u leedahay inaad tiraahdid “maya, waqti kalaan kuu gadi doonaa”.

  • Waxaad u sharraxdaa sababta aad codsigiisa u diiday,waayo sharaxaasi waxuu dareensiinaa inaad wali jeceshahay oo aadan necbeyn,culeyskii diidmadana waa ay ka fududeeyni, waxuuna dareemaa kalsooni markaad qadarisid codsigiisa, aadna fahamsiisid sababta aad ugu diiday in aysan aheyn inaad isaga ciqaabeysid.
  • Isku day inaad u heshid wax aad ugu badashid, codsigii aad ka diiday.

Tusaale haddii aad ka diidid inuu aado saaxiibkiisa aadan dhaqankiisa jecleyn…waxaad ku tiraahdaa: hebel maad aadid..isagaa ka akhlaaq fiican hebelka kale?

Haddii aad u diidid inaad u iibiso qalab lagu ciyaaro oo aan kula habooneeyn, waxaad ku dhihi kartaa:”qalabkaasi soo kama qurxan kaas?”.

Xoriyad sii intii macquul ah

Sida uu sheegay xeel-dheere xagga barbaarinta ah: waxa ugu xun ee guryaheena iyo iskooladeena ka dhaco waa koontaroolidda joogtada ah ee ilmaha ciriiriga galiso culeys aan loo baahneyna dul dhigta, fadlan sii xuriyad intii macquul ah, kuna dadaal inaad ku qancisid in xuriyaddaan uu waayni doono haddii uu si xun u isticmaalo, ha koontroolin irdahana haka soo xirxirin, ila aad ku arkeeysid inuu nidaamka khilaafay usheeg inuu jiro cid ujeeddo marwalba, markuu xoogaa soo gaaro u ogloow inuu kaligiis bixi karo, haddii uu xoriyaddaasi si qaldan u isticmaalo xusuusi inuu weyn doono xuriyaddaan haddii uu qalad galo.

Waa waajib in lagu taabto gacan naxariis leh

Xusuusnoow in ilmahaaga u baahanyahay  in aabahiis iyo hooyadiis kala kulmo taabasho naxriis leh, xusuusnow axaadiista noo sheegeeyso in nabiga N.N.K.H uu gacantiisa sharafta badan ilmaha madaxa kaga salaaxi jiray, sida xadiiska saxiixa ah ee uu warinayo nisaa`I ee ah in anas bin maalik yiri:” nabiga waxuu booqan jiray ansaarta, ilmahooda ayuu salaami jiray, madaxana wuu ka salaaxi jiray”.

Markuu ilmahaada hurdada ka soo kaco madaxiisa horay ka salaax, inta uusan guriga ka bixin ee uu aadayo xannaanada ma iskoolka, si naxariis iyo kalgaceyl leh laabta ugu qabo, markuu soo laabtana .. dhunko oo garabka ka taabo adigoo weydiinayo waxii uu maanta soo qabtay iskoolkiisa.

Inta uu san habeenkii sariirta aadine dhunka oo laabta ku qabo.

Rasuulka N.NK.H waxa uu ahaa mid ilmaha la fara ciyaaro, mid u naxariisto, waxaan kamid ah sidii uu ula ciyaari jiray ilmaha saxaabada iyo kuwa uu awoowga u yahay.

Abaa hureyra waxa uu wariyay in rasuulka N.NK.H. uu dhunkaday Xasan Ibna Cali waxaana la joogay Al-Aqrac Bin Xaabis oo reer Tamiim ahaa, Aqrac waxuu yiri: waxaan dhalay toban ciyaal ah waligeyna midkoodna ma aanan dhunkan, nabiga intuu xaggiisa soo eegay ayuu yiri:”ciddaan naxariisan looma naxariisto”.

Mucawiya waxa uu dhihi jiray : “ninkii leh ilmo ha isu ilmailmeeyo” oo uu ula jeedo heerka garaadkiisa hakula dhaqmo.

Rasuulka N.NK.H. waxaa u yimid dad kayimid baadiyaha waxa ay weydiiyeen in ay ilmahooda dhunkadaan nabiga waxa uu ku yiri: “haa” waxa ay yiraahdeen laakiin annaga ilaahaybaan ku dhaaranee ma dhunkanno, nabiga waxa uu yiri: ” maxaan idiin qaban karaa haddii ilaahay qalbigiina  naxariista ka siibay”.

Hurinta tartanka iyo isu ximidda

In badan oo waalidiinta kamid ah waa ay qaldamaan marka ay ilmaha ka dhex abuuraan tartan iyo isu ximid iyagoo u maleynayo in ay dhiiri galin u noqoni . .wax dhib ah kuma jabno inaan si degen u muujino shaqsiyadda ilmaha, oo aan kala tashano umuuraha gaarka ah ee isaga quseeyo sida labiska iyo habka seexashada.

In badan oo qoysaska ka mid ah waa ay qaldamaan marka ay ilmaha ka dhex abuuraan tartan iyo isu ximid,iyagoo marwalba hurinaayo xin maseyr ku dhalinaayo ilmaha inuu labalaabo dadaalkiisa, sida in ay marwalba ilmaha  barbardhigaan habdhaqanka ilmo kale, barbardhigiddaas oo mararka qaar si khayaali ah u cabirto fashalka iyo guusha labada la is barbardhigaayo.

Marka lasugayo da`dii labaad

Inta badan curadka waa uu ka maseyraa imaatinka ilmaha labaad ee ku xigo, labad waalidna waxaa la gudboon in ay u sheegaan ilmaha in haddii aysan aheyn isaga fiicnaantiisa iyo wanaagiisa aysan ku fikireen in ay ilmo kale dhalaan.

Waana in ilmaha hore kaalin wax ku ool ah laga siiyo soo dhaweynta ilmaha cusub, waxa uu kala qeyb qaadanayaa labada waalid xulashada dharka ilmaha cusub, hooyadana waxuu kala qeyb qaadanaa goglidda sariirta ilmaha yar, waana in loo sheego curadka in aysan cidna booskiisa qaadan karin, aabahana markuu guriga soo galo waa in uu horta warsado xaaladda curadka kadibna weydiiyo ilmaha kale ee yar.

Ilmaha miyuu dhashaa isagoo edeb xun?

Ilmaha markuu dhasho ma uu garanyo waxa uu halleynayo, haddii uu si xun ula dhaqmo shimbir oo cadaadintiisa ku farxo, ma ahan inuu ku raaxeeysanyo dhibka shimbirka, ee waxuusan wali fahmin waxa ay tahay naxariista, sidoo kalena ma garanayo in shimbirka xanuunsanayo iyo in kale.

Waxaa dhacdo in ilmaha baabi`iyaan qalabka ay ku ciyaaraan iyo wax kasta oo ay gacntooda gaarto, kamana aho u jeedo wax qaribid ee waxaa ku jiro rabitaan ah in ay ogaadaan wax walba oo ay helaan waxa uu yahay, sidaa daraadeed waa in aan u diyaarinaa qalab lagu ciyaaro oo inta la isku rakibo hadana lakala furfuri karo si ay ilmaha uga xiisa dhigaan rabitaanka waxkala furfurka si faaiido ku jirto.

Dardaaran xagga barbaarinta ah

 

Dhageyso ilmahaada:

Haddii uu kuu yimaado ilmahaaga isagoo doonayo inuu kaag waramo waxii maanta iskoolka ka dhacay, intaad iska dhagatiritid raadiyaha ama telefashinka ha shidanine isaga u dhageyso si qadarin leh.

Sheekada uukuu sheegayo saacaddaasi isaga waa ay uga muhiimsantahay waxa adiga ku mashquulinayo, waxuu doonayaa in uu kuu sheego waxa uu dareemayo, ama dhibaato ka haaysato iskoolka, amaba inuu kuu muujiyo farxadda iyo rereynta ay ku reebtay abaalmarinta iyo kaalinta uu galay maanta.

U muuji inaad daneeyneeyso haddii uu kuu sheego in uu darajo fiican ka keenay maado heblaayo . . ku dhiiri gali inuu sii dadaalo, intii uu dareemi lahaa in aysan kuleyl iyo qabow ku haaynin waxa uu sheegayo. . .

Haddii ilmahaaga yar kuu yimaado maalin isagoo kuu sheegayo waxa ka dhacay iskoolka sida: ” hebelbaa maanta wax igu dhuftay iskoolka intii lajoogay”.

Oo aad ugu jawaabtid: ” mahubtaa inaadan adigu bilaabin ama ka gardarneyn?” waxa aad xirtay wadahadalkii idiin dhaxeeyay adiga asaga, isla saacaddaasna waxaa is badalayo aragtidii uu kaa qabay ee aheyd inaad saaxiibka uu dhibkiisa u sheeganayay waxuuna kuu arkayaa dambi baare iyo qaadi maxkamad fadhiyo, ciqaab iyo abaal marinna haaysto.

Waliba waxaa la arkaa in ilmahaaga kuu arko dambi baare daalim ah, oo oobiga u fadhiyo inuu dulmanaha dambiga ku rogo daalimkana dambiga ka rogo.

Haddii uu la hadlo ilmaha labadiisa walid waa in ay horta ka guraan hadalka, una muujiyaan in ay daneynayaan, waa in ay aysan macnaha ka qaadin waxa uu ilmaha sheegayo ama inaan dan laga galin.

Bar ilmahaaga in ay wax walba kuu caddeeyaan

Maxaad sameyni haddii ilmahaag ka soo laabto iskoolka isagoo ku hadlaayo erayo anshax ku xun?.

Xusuusnoow in haddii ay canaanta iyo carada kaa tanbadiso, waxaad ilmahaaga ku qasabtay inuu mustaqbalka wax walba kaa qarsado, oo uusan hortaada ka caddeeynin waxa la kulmo markuu guriga ka baxo.

Waxa uu rabo inuu kuu sheego si degen u dhageyso, dareensii inaad la jirto.

Weydii halka uu ka maqlay eraygaas, iyo waxa laga wado.

U sharax in isticmaalka erayda anshaxa ku xun ay tahay wax laga tagay, ayna ku fiicneyn adaabta hadalka, iyo in ay jiraan erayo ka habboon oon ku muujin karno dareenkeenn iyo fikradaha aan qabno.

Isku day inaad ugu sheekeeysid si degen oo xasilooni kujirto adigoo adeegsanyo bashaashnimo.

Uqiro in dad badan markii ay carada ka badato ay erayadaas isticmaalaan, inkastoo laga habboon yahay.

Haddii uu kuu yimaado ilmahaada markuu iskoolka kasoo laabto si uu war kuugu sheego ha dhihin :”warka iska daaye . . waxaa iyo waxaa iisoo qabo”, ama waad ii jeedaa inaan howl haaystee ..markalaan sheekeeysaneynaa..”.

U dhaga nugloow oo u muuji inaad daneyneysid, una ogloow inuu kuugu sheekeeyo si xuriyad leh, intaa oo kaliya ma ahee hooyadu waa in ay iyadu biloowdaa la sheekeeysigiisa iyo la niqaashkiisa.

Haddii uu madrasada ka soo laabtana u ogolaaw inuu kaaga sheekeeyo saaxiibadiisa, iyo siduu uga jawabay su`aalaha macalimiinta.

Haddii uu aqrinayo qiso ka codso inuu ku maqashiiyo.

Haddii aad aragtid isagoo tiiraanyeeysan weydii waxa uu tabanyo.

Xusuusnoow in wada sheekeeysiga adiga iyo cungaada uu ka baranaa hadal wanaaga, waxeyna ka saacidi isku dubaridka afkaartiis,waxayna kobcini shaqsiyaddiisa , waxuuna u siyaadinaa in uu marwalba kaa ag dhawaado.

Hooyadu waa in ay kobcisaa wada sheekeeysiga degen ee iyada iyo ilmaheeda, waa in weydiisaa su`aalo kooban si ay u tijaabiso qaabka uu uga jawaabaa, waa in ay bartaa in uusan cod dhaadheer ku hadlin markii uu qof la sheekeeysanayo, qof hadlayana uusan hadalka ka boobin.

Tusaale ahaan weydii: maxaad sameyni laheyd haddaad aragto walaalkaa oo saaxiibadiis dilayaan?, maxaad sameyni laheyd haddii aad aragto ilmo dhaawacan oo jidka yaalo?…

Ilmaha aysan waalidiintood la shekeysanin waxa ay ku barbaaraan iyagoon isku kalsooneyn, marka loo fiiriyo kuwa ay waalidiintood bareen wada sheekeeysiga iyo wadahadalka degen.

Dardaaran ku saabsan u dhega nuglaanta ubadka

  • Ha ku dhagegeysanin maqalka oo kaliyah ee dhamaan jirkaaga oo dhan ka dhig wada maqal, howlaha gaarka ah sida wax aqrinta ama daawashada TV waa inaad joojisaa adigoo ilmaha xaggiis eegayo.
  • Isku day in aysan meesha ka marnaanin xoogaa naxriis ah ama madax u salaaxid ah, gacanta garabka kasaar, ama gacantiisa qabo.
  • Hubi inaad maqashay dhamaan waxa uu sheegayo ilmahaaga, waxa uu dareemayana aad dareentay, kadibna ugu soo celi ilmaha waxii aad maqashay oo dhan, adoo muujinayo inaad fahamtay qadrineysidna waxa uu sheegayo.
  • Isku day in aad garatid dareenka la socdo erayada uu ku leeyahay: tusaale ahaan markuu ku dhaho:”uma baahni inaad marwalba iigu soo celceliso waxii aad I amartay” macnaheedu waa inuu dareemay xaqiraad iyo yasid sidii isagoon waxba fahmeynin.

Markuu ku yiraahdo:” iskoolka waa necbahay”, waxy ku tusini in daal dareemayo oo uusan faraxsaneyn.

Haddii uu ku yiraahdo: “maseexan karo” macnahedu waa in ay jiraan wax ku beerayo buuq iyo degenaansho la`aan.

  • Ha la doodin ilmahaada hanu ku jeesjeesin, hana ka badinin waanada iyo u caqli celinta.
  • Si gaar ah u dhageeyso markii uu iskoolka ka soo laabto, markuu seexanayana, iyo markii ay ka muuqato dareen weyn oo tiiraanyo iyo isku buuqid ah.
  • U daadeg oo la sinnow itaalka ilmahaaga marka aad ka wargureeyso, waxa uu dareemaya xasilooni iyo inaad u dhawdahay.
  • Ku qabo laabta marka uu tiiraanyeeysan yahay, ama uu isku buuqsan yahay, waxaad siineysaa fursad uu ku cabbiro waxa ka dhexguuxayo.
  • Ku dhiirigali in uu warramo, waxa ka buuxana uu iska saaro.
  • Iska ilaali inaad waaniso marka uu xanaaqsanyahay,haku dhihin:” horaan kuugu sheegay inaad waxan aadan sameynin”.
  • Ka dhageeyso waxii uu rabo inuu kaaga sheego iskoolkiisa iyo wax qabadkiisa.
  • Dareensii inuu yahay shaqsi ay jecelyihiin labadiisa waalid, kulana dhaqan si aan xadda ka baxsaneyn ixtiraamna leh.
  • Sumacaddiisa meel ha uga dhicin, karaamadiisana ilaali, hana ku jeesjeesin waxuu sheego dadka hortooda.
  • Ha adeegsanin erayo xaqiraad  iyo dulleysi leh sida:”waxaad tahay doqon ama nacas, wax waalan, beenloow…”.
  • Ku dhiiri gali in uu dadka wajigooda eego markuu la hadlaayo.
  • U ogoloow ilmahaada in ay ra`yigooda iyo argtidooda dhiibtaan.
  • Markuu ay ilmaha ka tanbadiso carada haku dhihin:” nin weyn baad noqotay, nin rag ahna ma ooyo”  waxii markaa ka dambeeyo waxuu baranaa sidii uu dareenkiisa u caburin lahaa.

Daraasee ilmahaaga saykolaji ahaan

Ilmaha ma`ahn muuqaalka qof weyn oo layareeyay, saxna ma ahan in rabitaanka ilmaha iyo naftiisa waxii ay hawooni iyo qaabka uu urabo ay lamid tahay midda dadka waaweyn .

Ilmaha dhib badan ayeey ku mutaan ra`yigaas qaldan, haddii uu ciyaaro waa la canaananaa waayo sidii nin rag ah uma uusan dhaqmin, haddii geed ku fariisto oo uu yiraahdo waa faras waxaa ku jeesjeesaa dhammaan waxii ka agdhaw, hadii uu beerta dhex fariisto oo uu ciida ka sameeyo daaro iyo buuro waa loo diida waayo wax faa`iida ah kuma jirto.

Haddii uu ilmahaaga go`aan adag yahay ha isku dayin inaad ka hortimaado rabitaankiisa, oo aad kaaga ogoleysiiso, laakiin isku day in rabitaankiisa ka dhigto mid wanaaagsan, ilmahana waa lagama maarmaan inuu ogaado in aysan suurta gal aheyn in uu sameyo wax kasta oo uu doono.

Haddii uu yahay mid xasaasiyad badan, si dhaqsa ahna u dareemayo xanaq iyo xanuun, marnaba ha barbar dhigin ilmaha kale, una muuji inaad garabkiiska tahay, laakiin adigoon si joogta ah u fulineynin dalabaadkiisa, haddii uu ilmahaaga yahay mid jiljilcan, howla kale hakaga mashquulin oo isaga howlahiisa dhammaan u wada istaago, waxaa laga yaabaa in uu weynaado isagoo aaminsan in uusan cidna waxba uga baahneyn.

Haddii uu yahay mid dadka kale ka xirxiran gooni daaq ah, isku day inaad fursad usiiso inuu muujiyo haddii ay jiro howla uu si gaar ah u daneynaa, adigoo dhiiri galineysid, si uu waaya arag u noqdo nashaadkiisan u ballaarto.

Haddii ilmahu ku kalsoonaado waalidkiisa dadka kalene waa uu kalsoonaanaa, waalidkana waxaa la gudboon in ay qaataan mabda`a ah (joogteynta) habka la dhaqanka u badkooda, oo ah in ay u dhaqmaan si sugan oo la fahmi karo.

Ilmo yar baa mar soo galay dukaan lagu iibiyo qalabka ilma ku ciyaaraan waxa uu arkay mid jaban, si caro leh ayuu u yiri  ilmahii: yaa jabiyay qalabkaan?

Hooyadii: maxaa kaa quseeyo?

Ilmohii: waa qasab in la sheego ciddii jabisay waayo waa alaab qali ah.

Ilmaha waxa uu weydiinay waa inuu ogaado waxa dhacay, in la ciqaabay ciddii jabisay, iyo qaabka loo ciqaabay,ee wax dan ah kama laheyn cidda jabisay magaceeda.

Jawaabta fududna waa in dadka dukaanka waxku iibsanaa ay tijaabo ku sameeyaan qalabka ciyaalka, si kama ahna waxaa dhacdo in ay jabto, jawaabtan ilmaha waxa ay ka dhigeysaa in hoos u yiraahdo: “dadka waa weyn waa wanaagsan yihiin, horay kama caroonayaan haddii uu jabo qalabka ciyaarta si aan loola qasdin, waa dad aan waxba isu qabin ilmahana jecel, loomana baahna inaan ka cabsooda, xasilooni iyo amaan ayeey nolosheyda heli markaan dhex joogo”

Qadari ilmahaada

Ilmaha si uu shaqsiyad u yeesha waxa uu u baahan yahay inaad ixtiraamtid, haddii ay dharto shaqsiyadaasi ilmaha waxuu waaynaa guul uu gaaro mustaqbalka, waxaana u fududaani inuu dhaqanna xunxun yeesho, waayo? Waxuu dareemayaa inuu yahay wax xaqiran oo dadka ka liito.

Ilmaha ixtiraamkoodana ma ahan  in loo hogaansamo dhammaan rabitaankiisa, ama la dhaqan galiyo wax kastoo ay hawoodaan, ee waa in daaha laga rogaa dadnimada ilmaha iyo kobcinteeda, sidoo kale waxa uu xiiso gooni u qabo, isla markaana lagu beero isku kalsooni, lana dhiiri galiyo iyadoo lagu shubaayo yididiil iyo isku filnaan.

Sidoo kale hadalka ku socda wiilka waxa uu quseeyaa gabadha, laakiin dhaqanka dadka qaar ee ah in aan la daryeelin lagana doorbido walaalkeed wax kastoo lasiinayo ilaa ay ka dareento in ay tahay wax xaqiran wiilkana ka qiima yar dhaqankaasi ma ahan dhaqan fiican diintana kuma fiicna,miyaysan naagtu ku filneyn in ay ku faanto xadiiska Rasuulka (NNKH) ee ahaa “u dadaal maxaa yeelay janada waa lugaheeda hoosteeda”

Dhiira geli caruurtaada

  • Ha u  fiirsan qaladaadka ilmahaaga ka fogow in aad canaanatid ama xishood gelisid,hana ugaarsanin qaladaadka yar ee ka dhaca.
  • Ka fiiri mar walba dhinaca wanaagsan marka aad dhaheysid imtixaankii 10/20 ayaad ka saxday”ayaa in badan ka wanaagsan in aad tiraahdid Imtixaankii 10/20 ayaa qaladay” waana isku mid micnaha.
  • U fiirso dhaqanka fiican mar walbana dhiira geli.
  • Haka badbadinin amaantiisa isaga iyo ilmo kalana ha is bar bardhig ha ku sameynin,taasi waxa ay ku dhalinaysaa in ay colaad isku qaadaan halka ay iskaashi iyo is waafaqsanaan la sugaayay.
  • Adeegso mar walba erayo dhiira gelin fiican leh intii aad amaan ka badbadis ah aad dhihi laheyd Tusaale: in aad tiraahdid:(waxaan ku jeclahay sidaas iyo saas….) iyo (waxaan kugu qadariyaa dhaqaka noocaas ah) ayaa ka wanagsan intii aad dhihi laheyd(aad ayaad u wanaagsan tahay) ama (hebel adiga yaa ka fiican).
  • Adeegso erayo aad ku muujinayso in aad ku faraxsantahay wixii uu qabtay tusaale ahaan waxa aad tiraahdaa “waxaan dareemayaa in aad howshaas qaban kartid” intii aad dhihi laheyd (marka loo fiiriyo da’dada waxaad tahay wiil Qatar ah).
  • U fiirso horumarka iyo isbedelka xaga wanaaga ee ilmahaaga ,waxaad ku tiraahdaa (waxaan arkay in adig aiyo walaalkaa uu xiriirkiina aad u fiican yahay) sidoo kale waxaad tiraahdaa bilo yar ka hor ma aadan karin in aad aqriso 10 bog in kaban hadda laakiin waxaad aqrisaa qisada oo dhan.
  • Iska ilaali in aad niyada ka disho”ha ku dhihin maad hebel oo kale noqotid ama waxaad tahay wiil caajis badan , mar walba waad rabsho badan tahay ,qolkaada mar walba ma nidaamsano.
  • Ha isku dayin islamarkiiba in aad saxdo qaladkii dhacay xoogaa dib u dhig ilaa iyo ay xaalada ka dageyso.
  • Marka uu ilmahaaga ku dhaho”Mar walba ha ii sheegin waxa ay shaqadeydu tahay” ha ku dhihin anigu waxaan ahay aaabahaa waxkastoo aan ku iraahdana waa in aad yeeshaa.
  • Markii uu ku yiraado aniga hebel waan necbahay lamana cayaarayo mar danbe ha ku dhihin” ma nici kartid waan in aad la cayaartaa”
  • Haddii uu ku yiraahdo xasaabtu way I dhibeysaa haku dhihin”xisaabta waa ay fududahay maxaad u fahmi la’dahay?”.

Canaanta yareey

Aabayaalka waa in ay ku baraarugaan bahida loo qabo in layareeyo canaanta joogtada ah ee aan loo baahneyn iyo in ay yareeyaan kontoroolka joogtada ah ee ay ilmaha ku hayaan,ilamaha ma ahan qalab aan saan rabno u maamuleyno isagu waxa uu leeyahay hab dhaqan u gooni oo uu amuurahiisa gaarka ku maamusho , maxaan ugu diideynaa in ay ku raaxeystaan hab maamulkooda gaarka ah.

In badan waxa ay ilamah la kulmaan su’aalo iyo amaro badan sida:- maxaad sidaan ugu qosli ,maxaad sidaan ugu socotaa ,sifiican u hadal ,timaah gacanta ka bixi, soco saa cadeyso…IWM.

Waxaa soo oo dhanna wuxuu ku soo noqonaa ilmaha nafsiyaadkiisa ,waxaa ka dhalaneysa xaalad ay ilamaha dareemaan xasiloonio daro iyo isku kalsoonaan.

Inta badan ilmaha 1-aad waxa uu helaa nasiibka ugu badan ee daneyn saa’id ah iyo kontorool adag xaga labada waalid ah kadib labada waalid waxa ay dareemayaan in waxbadan ka barteen ilmahii hore,waxa ay dareemayaan in ay u abahan yihiin in ay siiyaan ilmaha 2-aad xoogaa xuriyad ah ,waxa ay ula dhaqmayaan ilmaha 2-aad kal sooni saa’id ah oo ka duwan tii ilmoii hore.

Ilmaha waxa uu dareemaa in uu u baahanyahay in uu u dagaalamo xuriyadiisa ,waxa uu u dagaalamayaa in uu aabihiisa u daayo in uu qalinka u  isticmaalo sida uu doono.

Xaqiiqada saxda ahna waa in uu ilamaha kaaga baahan yahay in aad jeclaatid in aad laabta ku qaadid ee kaama rabo in aad xabistid.

Wuxuu rabaa daryeel ay ku dheehantahay kal sooni

Wuxuu u baahanyahay in aad bartid waxkastoo cusub adigoon ku qasbin.

Iska ilaali canaanta , dhaleeceynta iyo dhaawicida moralkiisa.

Erayada Moralka ilmaha wax u dhimeysa  waxaa kamid ah:-

“madaxaaga waa weyn yahay waxba fahmi meysid”.

“waxaad noqon doontaa mid madax adag”.

“aamus doqon yahow”.

Ra’yigooda dhageyso

Xataa ilmaha aan gaarin laba sano waa in aan weydiinaa “ma waxaad rabtaa koob caanaha ah oo buuxa mise koob  yar?”

Ilmaha aan gaarin 4 sano waa in aan weydiinaa “ma waxaad dooneysaa ukun la shiilay mise mid lakariyay?”

Ilmaha aan gaarin 6 sano waa in aan weydiinaa “ma waxaad rabtaa bataati ama digir?”

Ilmaha waa in lagu tababaraa in ay gaaraan heer ay wax kala dooran karaan.

Bar in ay naftooda ku kalsoonaadaan

Ilmaha qaar waxa ay ka baqaan martida guriga timaado ama in ay meelaha qaar lagu arko,mana hadlayaan ama waxaa ka soo muuqanaa shik shik iyo calaamadaha xishoodka.

Inta badan arimahaas waxaa u sabab ah kalsoonida ay isku qabaan iyo iyagoo dareemaya xasilooni daro iyo daganaasha la’aan taasoo ka dhalatay hababkii barbaarinta oo qaldanaa sida digniin joogta iyo canaan aan kala go’laheyn..IWM.

Waa maxay sababta isku kalsoonaan la’aanta ilmaha?

Waxaa jiro sababo badan oo ilmaha dareensiinayo kalsooni xumo ay ku qabaan dadkooda sida:-

  1. badinta canaanta markasta ilmaha ayuu wax u dhimaa ilmaha waxa ay ku dhalisaa in uu dareemo argagax waxa ayna hoos u dhigtaa kasloonida uu ku qabo naftiisa.
  2. ilmaha oo labarbaariyo isagoo dad kale isku haleynayo hooyadiisa uma ogolaaneyso in uu raashiinkiisa uu isaga cuno ama dharka uu gashto kaligiisa ama howlihiisa oo dhan waxa uu u kaalmeystaa shaqaalaha guriga taasi waxa ku dhalinaysaa in uu ilmaha barbaaro isagoo ah xilmasaarne,isku halleynayo dadka kale, ma kobcaysa isku kalsoonaatiisa iyo inuu isku tashto.
  3. aabayaalka oo is barbardhiga ilmaha iyo ilma kale si uu ugu dhiirigaliyo inuu wax barashada ku dadaalo, taasi waxa ay keeni natiijadii laga rabay badalkeeda, waxaa  hoos u dhaceysa dadnimadiisa, waxauuna waayn karaa kalsoonidii uu ku qabay naftiisa.
  4. aabayaasha oo xadka kaga baxo gacan ku haaynta ilmahooda waxa ay naafeeysaa xuriyadda fikirka ee ilmaha.
  5. dooda iyo is  haaysadka labada waalid, waxa ay ilmaha ku dhalisaa in ay dareemaan degenaansho la` aan iyo xasilooni darro, taasoo dhaawac u geysata  kalsoonida ilmaha ee naftiisa.
  6. ilmaha oo ay ku dhacaan mashaakil xagga jirka sida cayil saa`id ah,caatonimo saa`id ah,gaabni, iyo jiisnimo waxa ay ku dhalisaa hoos u dhac xagga kalsoonida naftiisa ah.

Sideen ilmaheena uga dhignaa kuwa naftooda ku kalsoon?

Suurta gal ma ahan in ilmaha isku kalsoonaada ilaa aan isaga  ku kalsoonaano, oo aan ku halleynno qabashada howlaha waxii ay karaan. oo ilmaha isaga ka ayar xagga da`da aan ka dalbannoo in ay ixtiraamaan, maadaama uu isaga ixtiraamayo  una naxriisanyo.

Ilmaha  waxa uu jecel yahay inuu howla waa weyn uu qabto. Markastoo laga celceliyana wa uu kusii madax adeygaa,  waxuuna diidaa inuu yeelo waxaan farnno.

In kontroolidda naxariista ku dheehantahay, iyo in si degen loola hadlo, iyo tusaaleynta kalsoonida ka buuxdo, iyo inaan ilmaha waxba loo diidin ilaa lala galo wadahadal uu ka dareemi karo in go`aan keenno adag yahay, iyadoon larideynin cannaanta sidii gantaal oo kale ah . . . howlahaas dhammaan waxa ay saacideysaa in ay dhisanto kalsoonida ilmaha naftooda ku qabaan.

Laakiin haddii aanan daneynin ama aanan ku kalsoonaanin, mar walba aan ku dhehno wax matara ayaad tahay, waxa uu noqonayaa qof shaqsiyad xun, naftiisa aan ku kalsooneyn, waajibaadkiisa aan ka soo bixi karin, naftiisana ku kooban, ugu dambeyn waxa uu noqdaa mid is dulleeyo.

bar ilmahaada Guusha

Haddaanu nahay waalidiinta waxaa nagu qasab ah inaan ku beerno ilmaheena inta ay yaryihiin in ay dareemaan guusha, inaan dhiiri galino markasta oo ay ku najaxaa arin umuuraha ka mid ah, tannu waa  qiso ciyaar yahan caalami ah (boling) oo lagu magacaabo ( Nelson Berton) markii laweydiiyay sirta ka dambeyso guusha uu gaaray waxa uu ku jawabay aabahay waxa uu I baray  markaan afarsano jiray kubbadda shabaqa (Basketball), laakiin waxa uu isticmaali jiray hab isaga u gaar ah oo in badan oo aabayaalka kamid ah aysan garani karin, waxa uu keenay Basket,waxa uu ii dhiibay kubbaddii waxa uuna I amray in aan kubbadda soo tuuro, waxa uuna bilaabay inuu basketkii u dhaqdhaqaajiyo hadba dhinaca ay kubadda aaddo si aan gool u dhaliyo, waxa uuna muujin jiray farxad markii aan kubadda shabaqa la helo, laabta ayuuna isaari jiray si uu ii dhiiri galiyo, goolkana waan la heli jiray, waxaa kor u kacday kalsoonidii aan ku qabay nafteyda, caadadaas ayaan ku soo barbaaray ilaa aan ka noqday ciyaaryahan caan ah.

Haddii aan ilmaheena ula dhaqanno sidii dad aanan waxba hagaajin karin, waxa ay adeegsan doonaan go`aan aan sax aheyn, annaga waa in aan tusaaleynaa si ay u qaadaan dariiqa saxda ah iyagoo kaligood ah.

Bar ilmahaaga intuu yaryahay sida kubbadda shabaqa loogu tuuro, sii ilmahaaga kubadda oo ka dalab in uu tuuro, u dhaqdhaqaaji shabaqa si uu ula helo marwalba, u muuji farxaddaada markasta oo uu shabaqa la helo, taasi waxa ay ilmaha ku dhalini in uu isku kalsoonaado marwalba uu guusha jeclaado.

Cumar Ibn khadhab waxa uu marayay meel wadda ah isagoo ah Amiirkii mu`miniinta, waxa uu soo maray koox ilma ah oo wadada ku ciyaarayo, markii ay arkeen waa ay ka carareen mid kaliya ma ahane-C/lihi Bin Subeyr- Cumar ayaa layaabay, waxa uuna weydiiyay sababta uu u carari waayay markii ay ilmaha kale carareen, waxa uu ku jawaabay: dambi aan galay oo aan kaaga cararene magalin, wadadana ma aheyn mid ciriiri ah oo aan kuu banneeyo.