Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Naxariista Caqliga

Nolosha waxaa ku lammaansan dhibaatooyin badan oo siyaabo kala duwan nolasha ula xariira. Taariikhda aadanahana waxaa ka buuxa dhacdooyin xanuun leh iyo xaalado argagax badan oo soo taxnaa intii ay nololi jirtay. Cudurada, Colaadaha, Gaajada, Musiibooyinka dabeecada iyo Geerida ayaa ah xaqiiqooyinka nolosha oo aan marnaba laga baxsan karin. Inta badan taariikhda aadanaha waxaa ku xusan rafaad iyo silic laga dhaxlay xaqiiqada nolosha, marwalbana dhibaatada waxay le’ekayd hadba inta caqliga lala kaashado. Tusaale ahaan waqtiyadii bani’aadamka uu ka fogaa adeegsiga caqliga, noloshu waxay ahayd mid qalafsan oo dhibaato badan, balse wixii ka danbeeyay markii uu bani aadamku ku baraarugay naxariista caqliga, dhibaatada nololeed ee ilma aadan way sii yaraanaysay.
Noloshan casriga ah, waxaa jira qaybo badan oo caalamka ka mid ah oo dhibaatooyinka nolosha ku lammaansan ay si wayn uga muuqdaan. Gaajada, Colaadaha, Abaaraha, iyo waliba Xaasidnimada ayaa ah xaqiiqda ka jirta in badan oo ka mid ah qaaradda Afrika. Meelaha ay sida wayn uga muuqdaan dhibaatooyinka nolosha malaha waxaa horseed ka ah Soomaliya oo labaatan sano ku dhawaad ay noloshu ahayd mid aad u qalafsan oo dhan walba ciriiri ka ah. Inta aan wax walba xal loo raadin waxaa haboon in la sameeyo daraasad ama cilmi baaris lagu ogaanayo in dhibaatada jirta ay hore uga dhacday dunida. Sidoo kale waa in maanka lagu hayo in dhibaato kastaa ay leedahay xal u gaar ah oo ku jaango’an xaaladaha ku xeeran dhibaatadaas.

Maqaalkan kooban wuxuu isku dayi doonaa in jiho cusub uu ka sahmiyo xalka dhibaatada ragaaday ee aan garan la’nahay sidii aan uga bixi lahayn. Doodaha laga daalay waxaa ka mid ah in dhibaatada Soomaliya ay tahay adeegsiga qabyaaladda, sidoo kalena waxaa jirta aragti si guud dadka looga dhaadhiciyay oo ah in xalka Soomaliya uu yahay Diinta oo si dhab ah loogu dhaqmo. Doodahaas iyo kuwo kaloo badan ayaa lagu mashquulsanaa wixii ka danbeeyay burburkii dalka. Sidaa darteed qoraalkani wuxuu golaha keeni doonaa dood cusub oo mudan in si xilkasnimo ah looga qayb qaato. Dooda oo kooban waa in caqliga uu yahay meesha kaliya ee laga baadi goobi karo xalka dhibaato kasta oo nolosha la xariirta. Sidoo kale waxaan aaminsanahay in caqliga oo laga fogaado ay tahay isha dhibaato kasta oo nolosha laga dhaxlo.

Farsmo kasta iyo xeelad walba oo lagu maareeyo nolosha waxaa laga soo dhiraadhiriyay caqliga. Tusaale ahaan cudurada iyo musiibooyinka dabeecada waxay halis ku ahaayeen jiritaanka aadanaha. Wixii ka horeeyay inta aanan caliga laga qaan gaarin, bani aadamku wuxuu xal uga baadi goobi jiray mashaakilka nolosha meel aan caqliga ahayn, waana taas sababta ay u bateen quraafaadka iyo baqdintu. Cuduro si sahal ah lagu daawayn karay, ayaa waxaa lagu fasiray ciqaab cirka a laga soo dajiyay, balse mudo aan sii fogayn ayuu aadanahu ku baraarugay naxariiska caqliga, waana markii la fahmay cudurada in la dawayn karo oo aysan ahayn ciqaab cirka ka soo dhac ah! Sidoo kale waxaa si geesinimo ay ku dheehantahay lagu ogaaday in masiibooyinka dabeecadda laga dhaxlo laga hortagi karo misana lala tacaali karo.

Adeegsiga caqliga waxaa laga dhaxlaa aqoon iy waayo aragnimo baxaali ah oo si fudud loogu maarayn karo caqabadaha nolosha. Farsmada casriga ah iyo aqoonta cusub waxay sababeen in si fudud lagu xaliyo guud ahaan daruufaha qalafsan ee nolosha ku lammaansan. Cuduro badan oo si ba’an u layn jiray aadanaha ayaa laga cirib tiray dunida, sidoo kalena caqliga oo kaashanaya dhashiisa cilmiga waxay sahleen in musiibooyin badan oo dabeecadda laga dhaxlay si fudud lagu maareeyo. Tusaale ahaan aadanahu wuxuu maanta awoodaa in uu sii ogaado musiibo dhul gariir ah ama duufaan ah oo ku soo fool leh dhulka , waana taas midda sababtay in laga sii gaashaanto si qasaaraha loo yareeyo.

Dhibaatooyinka laga dhaxlay nolosha casriga ah waxaa ugu toolmoon, mashaakilka siyaasaddeed, dhaqaale iyo waliba dhaqan ee dunida casriga ah ka aloosan. Inta badan dunida waxaa ka jira is maandhaaf baahsan oo halis ku ah guud ahaan nolosha aadanaha. Colaado badan oo sababay dagaalo ay ku nafwaayeen malaayiin ilma aadan ah ka dib, waxaa la garowsaday in caqliga lagu xaliyo ismaandhaaf kasta oo ka dhasha danaha kala duwan ee bani aadamka ee la xariira siyaasadda, dhaqaalaha iyo waliba dhaqanka. Wixii ka danbeeyay dagaaladii waawaynaa ee dunida waxaa la isku afgartay in la xushmeeyo xoriyadda iyo xuquuqda shaqsiga ah si loo helo nabad buuxda.

Maqaal sidan u kooban loogama bogan karo marxaladihii uu caqligu u soo maray xal u helidda mashaakilka siyaasaddeed, dhaqaale iyo dhaqan ee dunidan casriga ah, balse waxaa haboon in aan si guud u ogaano qaacidada uu caqliga u dajiyay xalinta ismaandhaafka aadanaha. Caqligu wuxuu ku baaqayaa in meelo badan xalka laga raadiyo oo aan lagu xiiqin hal jiho oo kaliya. Sidoo kale caqligu wuxuu ina barayaa in daruufaha nolosha ay marwalba is badalaan oo ay haboontahay in garasho cusub lagu xaliyo mashaakilada curdunka ah.

Daruufaha kala duwan ee dunida ka jira, ayaa waxay sababeen in siyaabo kala duwan ay ummad walba xal ugu raadiso dhibaatada u gaarka ah, ayadoo adeegsanaysa caqliga. Qawmiyad kasta ama qaran walba waxaa waajiba ku ah in ay xaliyaan dhibaatada nololeed ee haysata, ayagoo mudnaanta siinaya caqliga iyo dhaqankooda u gaarka ah. Sidoo kale guud ahaan bani aadamka waxaa saaran mas’uuliyad guud oo lagu ilaalinayo danaha guud ee ka wada dhaxeeya aadanaha .

Waxaa la gaaray waqtigii aan is waydiin lahayn su’aal xaq oo malaha aan wali si dhab ah la isku waydiin, waana su’aasha ah “ Dhibaatooyinka kala duwan ee Soomalida haysta waligeed ma lagu dayay in caqliga lagu xaliyo?” Inta aynaan ka jawaabin su’aasha ayaa waxaan jeclaystay in aan ku nasano barnaamij aad u qiimo badan oo aan ka daawaday Universal TV oo lagu wareysanayay abwaanka da’da yar ee Yuusuf Cismaan Cabdule ( Yuusuf Shaacir). Si xaladaysan oo aad u xeeldheer ayuu abwaanku wuxuu u sharraxay dhaqankii Soomalidii hore, wuxuuna si yaab leh u soo bandhigay xeerarkii wanaagsanaa ee Soomaalidu ay ku maamuli jireen colaada iyo nabadda.
Wuxuu ahaa barnaamij cuqdada ka saari kara dadka aaminsan in Soomaalidu aysan lahayn dhaqan iyo xeerar wanaagsan oo ay ku xalin karto dhibaatooyinka u gaarka ah.

Soomaalida cusub waxay ku fashilmeen in caqliga ay u kaashadaan xalinta dhibaatada dabada dheeraatay ee dalka ka aloosan. Guud ahaan waxyaabaha lagu mashquulsanyahay ma aha aragti laga soo dhalaaliyay maskax Soomaaliyeed. Waa dhibaato si guud u haysatada dunida sadexaad gaar ahaan qaarada Africa. Wadooyinka loo maro xal u helida dhibaato dhaqaale , midda siyaasaddeed iyo ta dhaqan ee ka jirta dunida saddexaad oo dhan ayaa ah aragtiyo banaanka laga soo waariday, balse nasiib xumada ugu daran waxay haysataa Soomaalida oo ah qawmiyad si yaab leh ugu silicsan geeska Afrika. Soomaliya ayaa ah wadan loo soo dhoofiyay aragtiyo badan oo aan marna la jaan qaadi karin dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida. Wixii ka danbeeyay burburkii dalka waxaa sii laba lixaadsaday dhaqdhaaqyadii dalka loogu soo daabulayay aragtiyo aan u fiicnayn aayaha ummadda Soomaaliyeed.

Ma xuma in ummaddaha ay kala dheegtaan ama kala qaataan fikradaha iyo hormarka ay ummad waliba gaarka u leedahay, balse taas macnaheeda ma ahan in wax walba oo ummad ay si gaar ah ugu dhaqanto in loo soo xawilo bulsho ay ku kala duwan yihiin wax kasta. Tusaale ahaan siyaabaha ay reer galbeedka ku dhisteen dawladnimada iyo dhaqaalaha ayaa ah aragti laga dhaxlay maskax shiil u dhashay dalalkaas oo ku jaan gooyay fikirkooda, waxa u wanaagsan dadkooda, ayagoo eegaya dhaqankooda u gaarka ah. Muddo dheer oo dagaalo iyo colaado raagay ka dib ayay ku ogaadeen maskax shiilka reer galbeedku, in hannaanka dimoqoraadiyadda iyo suuqa xorta ah ay yihiin waddada kaliya ee lagu hormarin karo dadkooda. Markii runta laga hadlo nidaamka dimoqoraadiga iyo suuqa xorta ah wuxuu gaarsiiyay hormar la taaban karo bulshooyinka reer galbeedka, taas macnaheeduna ma ahan in xoola dhaqatada Soomaaliyeed ay ku khayri doonaan oo kaliya in ay si duuduub ah u qaataan sida ay reer galbeedku ugu dhaqmaan dimoqoraadiyadda iyo suuqa xorta ah.

Qofkii sidaa ku fakara xal uma hayo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee xoolaha waligood ku raacan jiray geeska Afrika. Qofkii Soomaali ah ee ka damqanaya dhibaatda dadkiisa waa in uu u banbaxaa naxariista caqliga. Waa in uu caqligiisa ka shaqeesiiyaa oo u keenaa aragti siyaasaddeed, dhaqaale iyo dhaqan oo dadka ka saari karta hoogga iyo silica. Marka laga fakarayo dhibaatada Soomaalida waa in maanka lagu hayo in loo fakarayo ummad si kasta uga duwan ummaddaha kale ee caalamka ku nool. Marka sidaas loo fakero waxaa imanaya in caqliga Soomaaliga ah uu u naxariisto dadkiisa oo uu si fudud ku helo xalkii dhabta ahaa.

Nimanka inta cimaamadaha gaduudan madaxyada iyo dhafoorada ku soo duubtay ee carabiga caatada ah kula murma xoola dhaqatada Soomaliyeed, waxay hayaan dhabo aysan waligood ku liibaanayn. Waxaa is waydiin mudan Islaamka siyaasadaysan ma caqli Soomaali ah ayaa alifay?. Dabcan ma jiro doodo la taaban karo oo maskax shiil Soomaaliyeed ay ku darsadeen Islaamka siyaasadaysan. Bilowgii dawladdii kacaanka ayaa lagu baraarugay dhalinyaro la xuurtaysan xukunka islaamka ayaa ah xalka dhabta ah. Waxay u badnaayeen niman inta ay u safreen carabaha la soo guryo noqday maskax carbeed iyo muuqaal Soomaliyeed. Wadaaddada diinta ee ummaddaha kale waxay adeegsadaan caqligooda, si xal ku jaan go’an duruufaha dadkooda ay uga helaan diinta, balse wadaaddada Soomaalidu waxay ku mashquuleen in ay burburiyaan jiritaanka dadkooda, ayagoo adeegsanaya diinta. Waana taas sababta marka ay xasuuqayaan maatada ay u aqriyaan aayado ka mid ah quraanka!

Waxaa haboon in aan xusno sida uu caqligu uga qayb qaadan karo xalinta dhibaatada siyaasaddeed ee Soomaalida. Dadka ku dhaqan gobolada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari ee Soomaaliya waxay dhisteen maamulo ugu yaraan hantay nabad galyada deegaanadaas. Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanadaas ayaa adeegsaday caqligooda si deeganadaas looga hirgaliyo nidaam iyo kala danbayn, waxaanay ku saleeyeen dhaqanka qabyaaladda oo ah falsafadda kaliya ee Soomaalidu ay ka aaminsantahay nolosha. Inkastoo aan la dhihi karin waa xal dhab ah haddana waa sida kaliya ee degaanadaas ay ku sugi karaan nidaam guud oo Soomaaliya ka hirgala.

Adeegsiga caqligaagu wuxuu kuu sahlayaa in dhibaatooyinka kuu gaarka ah aad u xalisid si dantaadu ku jirto. Dhibaatooyinka dunida ka jira waa kuwo guud iyo qaar lagu kala duwan yahay. Dhibaatada siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee wadan gaar ah waxaa xalin kara garashada iyo fakerka dadka u dhashay wadankaas. Haddaba waxaa haboon in qalalaasaha siyaasaddeed, darxumada dhaqaale, nabad galyo la’aanta, iyo waliba dhaqan xumada ka jirta wadankeena lagu xaliyo aragti si dhab ah looga soo dhalaaliyay maskax Soomaaliyeed, waayo caqligeena kaliya ayaa noo naxariisan kara!

Cabdulaahi M. Adam,
Email:exmurux@hotmail.com