Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhadhan

Waxaan xusuustaa anigoo yar in aan maalin aad u dhagaystay sheeko ka socotay jikada gurigayaga. Islaan qaraabo ah oo naga soo martiday meel fog iyo gabar ila dhalatay ayaa waxay sheeko aad u xiiso badan oo ku saabsan dhadhanka raashinka ku yeesheen kushiinka. Aniga oo aad u baahan oo mid macallin malcaamadeed ah uu si xun ii so garaacay subaxaas ayaan socod luudis ah ugu soo dhaqaaqay dhanka jikada. Malaha qasdigaygu wuxuu ahaa bal in aan helo wax uun raashin ah oo aan caloosha mudaaharaadaysa iskaga laaluusho. Halkaas waxaan kala kulmay cashar aad u xiiso badnaa oo ku saabsan sida wax loo dhadhamiyo gaar ahaan raashinka iyo sida aadanuhu ugu kala hormareen fanka dhadhamada. Waxa aan aad ula fajacay sida qofkaas dumarka ah oo misana waayeelka ahi ay khabiirka ugu ahayd fanka dhadhaminta. Waxa ay si yaab leh ugu takhasustay fanka dhadhaminta si malahayga la mid ah sida uu Mr. Baraadici (Madaxa hay’da quwadda nucliyeerka ee aduunka) uu ugu takhasusay baaridda waddamada quwadda nukliyeerka uu damac kaga jiro, khaasatan isticmaalka aan nabadda ahayn!
Anigoo kaashanaya aqoontii aan maalintaas ka kororsaday islaantaas cimrigeedu gabagabada ahaa, ayaan waxaan si qoto dheer u darsay sida uu qofka Soomaaliga ahi wax u dhadhamiyo. Marka hore sida wax loo dhadhamiyo ayaa ah cilmi aad u ballaaran oo malaha aan ku talin lahaa in kulliyad gaar ah loo furo. Hase yeeshee daraasadayda waxaan xoogga ku saaray laan ka farcanta cilmiga dhadhaminta, waana qaybta uu maqaalkani sida wayn ugu nuux nuuxsan doono. Sida aan ognahay dhadhamintu waxa ay ka mid tahay dareemayaasha shanta ah ee uu qofka bani aadamka ahi wax ku kala garto. Waxa jirta qayb aad u wayn oo ka mid ah cilmiga dhadhaminta oo tilmaamaysa sida uu qof walba u dhadhansan karo hadalada iyo fikradaha dadka ay markaas wax ka dhaxeeyaan.

Caqliga Xoree
Dareemayasha shanta ah ee la xiriira garashada maskaxda ayaa ah kuwo si isku mid ah aadanuhu u wada isticmaalin. Qolo kasta ama qofkasta si u gaar ah ayay uga faa’idaystaan dareemayashaas shanta ah. Waa taas baa odhan karaa sababta uu aadanuhu ugu kala hormaray fahanka nolosha. Hase yeeshee waxa la odhan karaa dhammaan Soomaalida hal cudur ayaa kaga dhacay qaybta maskaxda ee ku shaqada leh dhadhaminta hadalka ama aragtiyaha. Waa jirro aysan jirin qof ka badbaaday marka lagu daro xataa aniga iyo adiga aqristaha ah! Waa arrintaas sababta uu maqaalkani u curtay, bal hadda ugu yaraan si aan u fahamno cudurka na dilooday ka dibna aan u raadsanno wax uun daawo ah.

“Maxaa kaaga dhadhamay hadalkiisa? ” Waa su’aal aan badanaa is waydiinno markasta oo aan dhagaysano qof hadalkiisa. Markaan wax dhagaysanno ka dib in aan su’aal ku saabsan dhadhanka is waydiino ayaa ah tusaale wayn oo aan u soo qaadan karno qiimaha uu aadanaha u leeyahay dhadhaminta hadalada iyo talooyinka. Siyaalaha kala duwan ee looga jawaabo su’aashan ku saabsan dhadhanka uu yeelan karo qof hadalkiisu ayaa ah kuwo aad u kala fog oo ka tarjumaya shaqsi kasta iyo garashadiisa. Hadal la dhagaystay ayaa waxa laga yaabaa in uu malaayin nooc oo dhadhan ah yeesho. Kuwaas oo ku qotoma mandaq. Laakiin Soomaalideenna ku silicsan Geeska Afrika waxaan hadal kasta ama fikrkad walba oo qof inaga mid ahi soo jeediyo u dhadhaminnaa hal nooc oo halis ku ah garashadeenna.

Runtii waa cudur halis ah oo ay adag tahay in laga badbaado marka loo kuur galo daruufaha jira. Sida uu cudurkani u dilooday garashada maskaxda qof kasta oo Soomaali ah waxaa aad looga dheehan karaa meelaha loo yaqaan fadhi ku dirirka, gaar ahaan marka ay dadku idaacadaha dhagaystaan. Waxa aan idaacadaha gaar ahaan u tilmaamay xaqiiqada ah in Soomaalida ay aad ugu yar yihiin qoraalka iyo wax akhrisku. Sidaa daraadeed waxa la odhan karaa aad uma dhadhamiyaan ama uma ruugaan qoraalka. Haddii wax yar aan jaleecno dhadhaminta raashinka, waxaan ogsoonnahay saddexda qayboob ee ugu toolmoon ee ay u kala baxaan dhadhanka uu raashin yeelan karo in ay yihiin, macaan, qaraar iyo dhanaan. Hashe yeeshee culimada ku xeel dheer fanka dhadhamintu waxay sheegaan in ay jiraan boqolaal nooc oo ay wax u dhadhamaan. Sidoo kale qofkasta oo Soomaali ah waxaa ku adag in uu helo dhadhan ka baxsan qaraar ama macaan marka uu dhagaysanayo fikradaha dadka kale.

Waxa la gaaray xilligii aan dhex dabbaalan lahayn faaqidaada cudurka maskaxdeenna u diiday in aan si habsami ah wax u dhadhamino. Waa cudur la baxay qabyaalad oo ku dhaca dareenka dhadhaminta qaybteeda maskaxda. Intii aan ku guda jiray daraasaddan ayaa waxaan la amakaagay sida uu qof walba oo innaga mid ahi aanu si dhammaystiran wax ugu dhadhamaynin illaa uu adeegsado dareen ku qoofalan qabyaalad. Qof kasta oo hadla waxa hadalkiisa nooga dhadhama wax aan nafteenna iyo aayaha ubadkeena u wanaagsanayn. Waa cudur halis ah oo noo diidaya in aan wax badan ka fahamno halka ay marayso noloshu maanta. Waxaan ku nasanaynaa sheekadan kooban oo si yaab leh noogu sharraxaysa cudurkan aan rabno inaan umadda ka wacdino.

Caqliga Eebbe ku siiyay adeegso
…..Md. faarax waa nin dhalinyaro ah oo diinta Rabbi aad u jecel. Wuxuu aad iskugu mashquuliyaa in uu wax ka barto aqoonta islaamka, waana taas sababta ku kallifaysa in uu aad u caashaqo shiikh Xaayow oo ah wadaad aftahan ah oo culuumta diinta Islaamka ku talax tagay. Md. Faarax wuxu si kal iyo laab ah u jecel yahay Shiikh Xaayow, muddo aan yaraynna wuxuu ka mid ahaa xer diinta ka baran jirtay mawlaca shiikha. Sidoo kale Faarax wuxu si wanaagsan uga aflaxay kutubtii uu raacan jiray. Har iyo habeen wuxuu duco qalbiga ka soo go’day Eebbe uga baryaa shiikhiisa. Ducooyinka aan afkiisa laga waayin waxaa ka mid ah duco ku baaqaysa in uu Rabbi shiikha siiyo darajo adduun iyo mid aakhiro. Xerta iyo shiikhaba aad bay isaga heleen, oo runtii mawlaca shiikha waxaa ka buuxa dhalinyaro aad u dhadhamisay aqoonta baaxaaliga ah ee uu Md. Xaayoow diinta Rabbi u leeyahay. Waxa si kadis ah xertii ugu so biiray nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Xaange. Shiikhu aad buu ugu farxay markii Xaange uu xerta ku soo biiray. Mar walba oo xerow cusub oocarcaartiisa qabaa xerta ku soo biiro waxay farxad wayn u tahay shiikha. Waayo, shiikhu aad buu niyad ugu hayaa dhalinta jecel barashada diinta Islaamka.

Xaange qalbi iyo niyad uma hayn Shiikh Xaayoow, waayo wax kale oo aan la garanayn balse ay dadku ku sheegeen qabyaalad ayaa uga dhadhamay lahjadda shiikha. Lahjaddaas oo malaha ahayd mid aan looga hadal aaggii uu geela ku raaci jiray Md. Xaange! Aad bay iskugu wareereen shiikha iyo xerowga cusubi Shiikhu wuu gartay in Xaange si wax ka yihiin, wuxuuna qalbiga ka jeclaa in ay is fahmaan isaga iyo xerowga cusubi, balse waxaa Xaange lagu kari waayay in uu shiikha hadalkiisa ka dhadhamiyo khayrka uu la jecel yahay. Hadal kasta ama cashar kasta oo shiikhu soo jeediyo waxaa Xaange uga dhadhamayay qabyaalad aan geed loogu soo gabban. Xaange wuxuu la ildarnaa cudur halis ah oo ka haleelay qaybta maskaxda u qaabilsan dhadhaminta hadalka, kiisa san ama qalloocan. Xerta kale war kama hayaan cudurka uu la ildaran yahay xeirow Xaange. Waxa ay mar wlaba la yaabbanayeen sida uu Md. xaange uga qalbi madow yahay casharada loo meeriyo. Balse Xaange wax aan ka ahayn qabyaalad meesha ugama aysan dhadhamayn, wuxuuna Sheekh Xaayow u arkay Qabqable dagaal oo xer jufadiisa ah mawlac iskugu keenay. Mudo ka dib Xaange waxa uu u dulqaadan waayay wixii baasaa ee uga dhadhamay casharada uu ka dhagaysan jiray Fadiilatu Sheekh Xaayow. Muddo ka dib waxa uu u wareegay xer kale oo sida la sheegay nin kitaab gaab ah ka raacan jiray cilmi gaasiran. Xaange kama aanu faa’idaysan aqoontii baaxaaliga ahayd ee Sheekh Xaayow, sababtana waxa lagu sheegay in uu ahaa bukaan la ildaran cudur in badan Soomaalida ka haleela qaybta maskaxda u qaabilsan dhadhaminta hadalka dadka!

Sheekadaas male awaalka ahi waxay tusaale fiican u noqon kartaa xanuunka ay la ildaran yihiin badi Soomaalida, gaar ahaan dhalinyaradu. Waxyaabaha laga naxo ee aad arkaysid waxaa ka mid ah in qof dhalinyaro ah oo waliba jecel aqoontu in uu cudurkan la ildaran yahay. Maalmahan waxaa soo badanaya dhalinyaro markay idaacadaha dhagaystaan, hadalada dadka Soomaalida ugu aqoonta roon ku eegaya indho qabyalad cuskan. Tusaale ahaan waxaad arkaysaa nin waxba kama jiraan ka soo qaadaya muxaadaro qof aqoonyahan ahi uu ka jeediyay meel fagaare ah. Qofka dhaliilaya nuxurka muxaadarada waxa kaliya ee uu cuskan yahay waa qabyaalad qaawan oo naftiisa xabistay. Cudurkan wuxu la dagaalamaa dhadhanka uu qofku ka heli lahaa hadalada dadka, marka ugu danbaysana wuxu qofka ka dhigaa qof wax walba ka dhagaysta mid ay caadifad qabyaaladeed isku waafaqeen.

Cudurkan ku dhaca dhadhaminta fikradaha dadka wuxuu si wayn u soo shaac baxay xiligii ay Soomaalidu isku xasuuqeen qaab qabiil. Halkaas waxa ka soo baxay hal-beeg qaldan oo nolosha casriga ah aan la qabsan karin. Waxaad arkaysaa dhalinyaro meelaha coffeega laga cabo kaga bulaamaysa in qabiil “X” aanu lahayn sheekh caalim ah oo lagu kalsoonan karo, halka kuwa kale ee u doodaya qabiil “X” ayaguna markooda wacad ku marayaan in qabiil “Y” aysan lahayn wax taariiikh ah oo aan ka ahayn in xoolaha ay Qur’aan saaraan! Mustaqbalki dhalinyaradaas waxa hareeyay daruur mugdi ah oo kaga gadaaman fahamka nolosha. Dunida waxaa ka jira faan iyo tookh aan la qiyaasi karin. Waa faan ku salaysan qawmiyado ama qaramo, balse Soomaalida silicsan waxay ku indho iyo dhego beelen faan naafo ah oo ku qotoma jifo jifo ama jilib jilib.

Waxaan in badan goob joog ka ahaa hadallo qiimo iyo qaayo xanbaarsanaa oo ay soo jeediyeen niman Soomaaliyeed oo aan hubo in ay maskaxda ka qaan gaareen, basle waxaa talooyinkoodii miigganaa ama miisaanka lahaa ka daba yuusay kuwo aan u maleeyay in ay maskaxda carruur ka yihiin. In ay wax ka kororsadaan hadaladaas qiimaha badan waxa ka hortaagan qalbiyadooda qabyaaladda rimman. Wariye, wadaad, aqoonyahan, gabyaa, hoggaamiye, iyo dhammaan inta dadka sida guud wax ugu sheega waxaa hadaladooda nooga dhadhama qabyaalad qaawan oo quluubteenna ku reebtay shaki iyo tashwiish. Si aan iskaga yareeyo ciriiriga qalbiga waa in aan wariye, wadaad, ama gabyaa aan isku jilib nahay wax ka dhagaystaa! Go’aan sidaas u eg ayaad u malaynaysaa in qofka Soomaaliga ahi uu qaatay marka aad u kuur gashid sida hadalada uu u dhadhansado ama u dhiraadhiriyo .

Inta jecel in ay ka gun gaaraan ama ay wax ka ogaadaan arrimihii burburiyay qaranimadii Soomaaliya waxay tilmaamaan in sababta maamul dawladnimo aan u fahmi waynay ay tahay dhaqankeenna soo jireenka ah ee qabyaaladda cuskan. Runtii waa xaqiiqo fikraddaasi, laakiin waxaa kale oo mudan in la sheego in qabyaaladdu ay markii horeba burburisay shaqsiyadda qofka caadiga ah. Intii aysan qabyaaladdu naga burburin dawladnimadi aan hanannay ku dhawaad konton sano ka hor, waxay nagala dagaalantay muddo fog ka hor shaqsiyadda wanaagsan ee qofka u sahlaysa in uu noolaado.

Intii aan u kuur galayay cudurkan halista ah ayaa waxaa isoo maray sheekooyin badan oo ka tarjumaya halista cudurkan. Waxaan baabuur ka raacay magaalada Muqdisho anigoo ku sii jeeda dhanka gobolada waqooyi. Safarkii iigu horreeyay ee aan dhanka waqooyi Muqdisho uga baxo ayuu ahaa. Gaarigii markii uu dhaqaaqay ayaa darawalkii waxa uu noo daaray hees aad u macaanayd oo uu ku luqeenayay fannaanka magaciisa la yiraahdo Xasan Aadan Samatar. Shaqsi ahaan heesta aad baan uga helay oo waxay ka tarjumaysay jacayl xeeldheer oo ay Soomaalidu ku qarwaan. Nin dhalinyaro ah oo bashaash ahaa ayaa kursiga dhinacayga fadhiyay. Waxaan isku dayay in aan kala sheekaysto heesta. Sheekadii dhan kale ayuu iga tusay oo aanan marna filayn. Waxa uu ii sheegay in darwalka ama milkiilaha gaariga ay isku jifo yihiin Md. samatar, sidaas daraadeedna uu noogu daaray hees uu ku luqeenayo fanaan ay isku jilib yihiin! Waan u qaadan kari waayay halka uu sheekada la’aaday.

Sheekadii baa nala dheeraatay oo yarkii dhalinyarada ahaa wuxuu sharaxaaddiisii ku sii daray hadal sidan ahaa: Magaalada Gaalkacayo ee aan u soconno waxaa guud ahaan laga dhagaystaa fannaan magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Cigaal. Dadka Gaalkacayo joogaa waxay taagerayaal u yihiin Al fannaan Cigaal codkiisana aad bay ugu jalbeebaan oo u dhadhansadaan! Waxa uu intaas ii raaciyay in marka aan magaalada Gaalkacayo tago aan halmar idaacadaha ka wada maqli doono heesta “Garqaado Jacayl yahow” oo uu ku luuqeeyo Cigaal. Waxa kale oo uu ii sheegay in inta ay Soomaalidu ka fahmayaan nolosha uu dookhiisa xagga heesaha uu ku soo koobay fannaanka magaciisa la yiraahdo Kuusow Kuntuwaaray, oo malaha yarku ay qaraabo ahaayeen!

Cabdullaahi Maxamed Aadan
Website: Somali Think Tank
E-Mail:sthinktank@gmail.com